Cashar Taariikheed: Ka baro Kulublay (SYL)

dhagax tuurInkastoo in mudda ah Soomaaliya ay ku jirtay kac-kuf, 15ka May waa maalin qiimo weyn u leh madax banaanida dalka iyo midnimada ummadda. Dabaaldeggeedu wuxuu ku aaday maalin aan qaranimadda dalka gorgortan ku jirin, wadaninimada dadkeeduna ay caadda marayso.

SYC, oo la aas-aasay 15ka May ee 1943, waxaa loo bedelay SYL 1dii Abriil ee 1947. SYL waa urur-siyaasadeedkii ugu horeeyay ee u halgama madax banaanida dhammaan degaanka Soomaaliya.

Halgan ka sokow, SYL waxay saamayn wayn ku yeelatay bulshada iyadoo kor u qaaday dareenkooda ku saabsan fikradooda siyaasadeed, midnimo iyo sinaan. Himiladaas waxey gaartay in la garto in xornimo aan lagu hanan karin qaybsanaan, isxaqiraad iyo oggolaasho ku hoos noolaasho dulli gumeysi.

Aragtidaas waxay lid ku ahayd siyaasaddi guumaystaha “Qaybi ee xukun.” Markii la dhisay Qaramada Midoobay – QM (1945) waxa isbedel ku dhacay siyaasadii gumeysiga ee reer galbeedka oo ka soo hor jeeday xeerka QM.

Talyaaniga oo hore u gumeysan jiray Soomaaliya kuna soo jabay daqaalkii 2aad ayaa ku taaminayay inuu Soomaliya dib u gumeysto. Wuxuu ku andacoonayay in bulshadiisa degaanka ku yar yahay, una baahan yahay qayb ka mid ah in uu dejiyo koonfur Soomaaliya.

Nasiib wanaag, fikradaas waxaa ka hortegay gaashankana u daruuray ururka SYL. Talyaaniga wuxuusan garan isbedelka iyo horumarka siyaasadeed ee Soomaalidu gaartay muddadii uu ka maqnaa (1941-50), xilligaasoo dalka oo dhan Ingiriirska ka talinayay, marka laga reebo Jabuuti. Wuxuu isku dayay inuu caburiyo siyaasaddda dhaq-dhaqaaqa asagoo kaashanayo tobaneeyo xisbi oo uu badankood lacag siin jiray.

SYL waxay dadka dhex-dhigtay isjacayl iyo iskaashi, waxaana dhabowday maansadii “Kani waa ugaas kani waa adoon waa inaad ilowdaane…”  Cabdullahi Ciise Maxamuud oo loo doortay Xoghayaha Guud ee SYL – May 15, 1947 oo ku mathali lahaa Soomaalida shirkii Qaramadda Midowbay ee Maarso 1949 magaaladda New York ayaa looga baqay in la sumeyo.

Bishii Okoobar 1948, Cabdullahi Ciise bedelkiisi waxaa talaalkii isu-qadimay Maxamad Yusuf “Muro” oo ay isku muuqaal dhawaayeen, hase yeeshee aysan dhalasho wadaagin. Soomaalinimada waxaa loo arkay sharaf iyo karaamo aan laysku qasbin.

Oraahdii Togane ayaa halhays noqotay: “Cawada Jaw – Abgaal.” Tageerida SYL waxay ahayd fal dambiyeed tuhunkiisa xirig lagu muteysto. Maxamuud Togane ayaa la dhigay xabsiga asagoo lagu tuhunsan yahay SYL.

Sii dayntiisii waxaa shardi looga dhigay inuu sheegto qabiil. Soomaali ayaan ahay ayaa la dhaafin kari waayey ilaa idaaradda SYL ay soo idantay inuu sheegto qabiil si looga badbaadiyo bahdilaynta xabsiga.

This image has an empty alt attribute; its file name is cabdullaahi-ciise-1.jpg

Talyaaniga kuma guulaysan ficiladiisi wuxuuna soo af-jaray siyaasadda xornimo ishorstaaga 1956dii, kol kaasoo dalka lagu qabtay doorashadii ugu horaysay ee barlamaaan ka kooban 60 kursi. Xisbiga SYL wuxuu ku guulaysatay 43 kursi, seddax xisbi oo kalena waxay heleen 17 kursi. Cabdullahi Ciise ayaa loo doortay Ra’iisul-wasaare inuu ka noqdo dowladdii daaqiliyada.

Doorashadii barlamaanka ee 26kii Maarso 1969kii ayaa Muqdisho waxaa iska sharaxay nin dhalinyara ah. Xiligaas 64 xisbi oo badankoodu lagu raadinayay kuraas ayaa 2,214 musharax u taagnayeen. Asxaabtaas, waxaa la furay waqti yar ka hor doorashada, waxeyana u tartamayey 123 kursi.

Casir-gaabkii maalintii doorashada ayaa musharaxa walaalkii oo caan ahaa ayaa deriskiisii isugu yimideen deerka gurigiisa oo ku yaal Xamar Jab-Jab si ay isku waraystaan. Safka goobaha cod-bixinta aad ayuu u dheeraa. Xaaskiisa Fay ayaa ku tiri “Xaaji maanta laguma aragee meeqa jeer ayaad codaysay, annagu gacamaha ayaa na wada murxaye?”

Sharcigu wuxuu ogolaa hal-jeer qofkiba. Si uusan ugu soo laaban mar labaad gacanta ayaa qad looga sumadeyn jiray.  Haddii uu qof isku dayo inuu tiro, waxaa qaalib ahayd, in maqaarka ka murxo. Xaajigii baa yiri, “hal mar.” Ayadoo la cajabsan ficilkiisa ayay ku tiri: “Waxaan maqli jiray – dameeraha waxaa loo cadaabaa dareen la’aan! Ma walaalka oo musharax ah ayaad hal cod-bixisay!?!!

Dadkii baa mar-qur ah soo wada dhugtay. Xaajigii intuu dhoola-caddayay ayuu yiri “maad kolka hore i waydiisid cidda aan u codeeyay,” wuxuuna raaciyey “SYL ayaan u codeeyay.”  Kolkaas ayuu mowqifkiisii sii sharaxay wuxuuna yiri “waxaan u dhaartay anigoo dhalinyara ah SYL, cid kalena uma codaynaayo inta kulublay (SYL) ay looxa cod-bixinta ku qoran tahay.”

1968kii waxaa isbedel lagu sameyay itijaaha siyaasadda xisbiga si SYL ay u noqoto xisbiga keliyah ee dalka ka jira, inkastoo aragtisaas ay lid ku ahayd demoqraadiyada axsaabta badan. Si loo hirgeliyo hindisahaas waxaa irdaha loo furay 49 xildhibaan oo ku soo guulaystay doorashadii 1969kii ayagoo matalaya 26 xisbiyo mucaarad ah, (22 ka mid ah waxay heleen 1 ama 2 kursi).

Fikradda xisbi-dowliga waxaa laga soo min-guuriyay siyaasaddaha dalalka ku dhaqma horusocodka amase digtatooriyadda oo aaminsan in hal xisbi keliyah xaq u leeyahay dhismaha dowladda. Xisbiga Dabka (Popular Movement for Democratic Action) wuxuu noqday xisbi mucaaradka keliyah ee baarlamaanka ku leh kursi. Waxaa dhabowday maansadii “Debi iyo dhagax layskuma dhuftee kala daaya…

Ma sahlana is-barbardhiga siyaasiyiintii “geegii-mariiday” iyo kuwa maanta, inkastoo wadaninimadda labadba ay tahay biyo kama dhibcaan. Shaki kuma jiro in cashar laga korarsankaro qaladaadkii SYL iyo cawaaqib xumadii dimooqaradiyada ay dhaxalsiiyeen.

Sharaftii SYL waxaa dhaawacay musuq-maasuq iyo miisaniyad aan dheeli-tireyn oo uu guumaystihii uga tegay dalka, iyo colaad xuduudeed, awood jacayl qabyalad ku dhisan iyo demoqraadiyad afduub.

Dhagarta doorashoyinka oo ay demoqraadiyada caalanka ka lug bixi la’dahay mooye ku takrifalid awood dowladeed, sida u diidid mucaaradka is diiwan gelinta iyo ka tartanka degmooyinkoodi (Baydhabo), waxay ahayd cadaalad-daro lagu talax-tegay.

Shaki kuma jirin in SYL aysan fursad u helin inay saxdo qaladaadkeedii siyaasadeed, waxaase iswaydiin muddan maxaan maanta ka barankarnaa taariikhdeeda?  Taageerayaasha SYL waxay ahayeen kuwo ku mintid qarannimadooda, daacadna u ah mabda’ xisbigooda, aaminsanna in la saxi-karo hogganka iyo siyaasadda dalka.

Si kastaba ha ahaate, taariikhda SYL waa mid muhiin ah oo loo baahan yahay in dhallinyarada wax ka bartaan, bacdamaa wadiiqada dalku ku gaarikaro horumar bulsho, siyaasadeed, dhaqaale iyo nabad waarta ay tahay sugida himiladii aasaaseyaashii SYL, midnimo iyo sinaan caddaalad ku dheehan tahay.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

F.G.: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Advertisements

2 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s