Thursday, April 18, 2024
Home Dhaqaalaha Wax tarka Gargaarka Caalamka

Wax tarka Gargaarka Caalamka

Waxaan isku dayeyna in aan sahmino cawaaqibka gargaarka caalamka uu u leeyahay horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha dalka. Dooddeyna waxay ku salaysan tahay su’aasha ah, gargaar ma kobciyaa dhaqaale wax ku ool ah, mise waa dabin gacan-hoorsi  joogta ah? 

Shaki kuma jiro, in dunida maanta ay ka deeqsisan tahay tii hore. Hase yeeshee, waxaa nasiib darro ah, marka si dhab ah hoos loogu  fiiriyo waxaa soo baxaysa in yoolka qarsoon ee deeqdu yahay u adeegida danaha deeq-bixiyaasha. Ma sahlana si loo qiyaaso natiijooyinka gargaarka. Xaqiiqda waxay ku xiran tahay hadba ujeeddooyinka ka dambeeya deeqda iyo tayada hoggaanka siyaasadda dalka.

Si loo helo sawir sax ah, waxaa loo baahan yahay in marka hore meel laysla dhigo nooca deeqda. Deeqdu waxay u qaybsantaa gargaar bani-aadanimo (degdega ah), mid horumarinta dhaqaalaha rasmiga ah iyo gargaar militari. Marka laga reebo gargaarka degdega ah, deeq ma aha lacag si toos ah laysu siiyo, ee waa wax yaalo kala duwan oo ay ka mid yihiin raashin, tallo-bixin, tababar, kharash maamul, cilmi baaris, kharashka qaxootiga degan dalalka deeqda bixiya, dayn cafin iwm. Sida badan,deeq-bixiyeyaashu waxay deeqdooda ku xiraan shuruudo dhaqaale, siyaasad, iyo amaah.

Muran kama taagno, in gargaarku sababayo dhibaatoyin aan lagu talogelin iyo weliba ku-tiirsanaan garab-shisheeye, musuq-maasuq, kharash aan laga taxadarin, kala sareenta heerka nolosha dadka (taajir iyo sabool) iwm. Haddana, gargaarku wuxuu gacan wayn ka gaystay dib u soo kabashada dhaqaalaha  dalalka reer yurub ee ku bur-buray dagaalkii 2aad (Marshall Plan).

Sida muuqata, dunida kala ma maaranto, walow deeqdu aysan ahayn hadiyad hal dhinac ah. Taas ayaa ku kaliftay Soomaaliya inay ku dhaqanto xeeladda ah: “Wax yar, wax la’aan ayay dhaanta.” Istrateejiyadaas, waxay naafic tahay marka la hubin karo in dollar kasta si sax ah loo isticmaalo. Dadaalkaas wuxuu suuro gal yahay marka la helo daah-furanaan iyo wada xisaabtan dhab ah.

Shaki kuma jiro, in deeqda caalamka aysan daawo joogta ah u ahayn dhibaatada dalka iyo horumarinta dhaqaalaha toona. Haddaba, si loo ilaaliyo danaha dalka, hoggaanka sare ee dalka kama fursandoono in dib loo eego deeqda caalamka, ayadoo la waafajinayo baahida qaranka. Taas waxay ku imaan kartaa marka gargaarka loo isticmaalo sida iyo waqtigii loogu talagalay.

Si loo bedelo aragtida khaldan ee qabta in deeq keliyah horumar lagu gaari karo, ayaa ku riixday Dowladda Federalka inay kafaalo qaado mushaarada ciidamada. Mas’uuliyaddaas, oo kale ayaa Maamul-Gobolaydyada ku waajibinaysa inay u howl-galaan uruurinta canshuuraha si ay u kordhiyan adeegga dadwaynaha iyo bixinta mishaaradka boliis-gobolaydyada. Hadafku ma aha keliyah in laga kaaftoomo ku tiirsanaanta garab shisheeye joogta ah, ee waa in gargaarku uusan hakin horumarka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaate, koritaanka daqliga canshuuraha wuxuu astaan u yahay isku tashiga dalka iyo kalsoonida dadwaynuhu uu ku qabo nidaamka dowladnimada (federal iyo gobolayd). Dalba dalka uu ka daqli (canshuur) uruuris badan yahay ayuu ka kabasho dhow yahay, kana hanasho og yahay kalsoonida maalgashatada caalamka.

Deeq-bixiyeyaasha caalamka-soo-goraya (Shiinaha, Brazil, Hindiga, Turkiga, Malaysiya iwm), waxay mudnaanta siiyaan maalgelin deeq iyo dayn ee waxtar u leh qaybaha wax soo-saarka iyo kaabayaasha. Halka deeq-bixiyeyaasha reer galbeedka ay taageeraan qaybaha bulshada, kuna dhegen yihiin sharuudaha dowlad-wanaaga, dimoqradiyada, xuquuqda aadanaha, iwm. Deeq-bixiyeyaasha aan reer galbeedka ahaan waxay ku xiraan  tageeradooda shuruudo aan siyaasad aheyn.

Haddii hoggaanka dalka uusan qaadin tilaab sax ah wakhti munaasab ah, waxaa halis loogu jiryaa in dib loo soo kabsan waayo. Himiladu waa iskaashi dalka wax tar u leh.

Cabdulqadir Cariif

Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments