Thursday, September 21, 2023
Home Siyaasadda Waa Maxey Midibka Calanka Soomaaliya

Waa Maxey Midibka Calanka Soomaaliya

Dadka Soomaaliyeed intooda wax garadka ah waxey aad u dareeman ugana xumadaan marka ay arkaan calanka ummadda oo dhowr nooc oo midib Buluug ah oo isku meel ku sugan ama lagu   haysto. Sida fagaarayasha laguna qabto munaasabadaha ay dadwaynaha ku kulmaan oo madaxda dalka.

Calamada lagu wado in ay kii dalka yihiin, oo dadka badankiisa ay wataan ama labisn yihiin, ma ahaa kuwo leh midibkii rasmiga ahaa ee Calanka Soomaaliyeed. Calamadaas mid waa Buluug aad u adag oo u eg nooca dharka Jiniska madoow xigeenka ah, mid kale waa buluug meel dhaxaad ah, iyo wax la mid ah.

Intaas waxaa ka sii daran Xafiisyada dawladda oo Calankii Qaranka mid u eg oo dhowr nooc ah ay suran yihiin ama ay yaaliin miiska madaxda, iyagoo ka sameysan alaabda farshaxanka oo loogu talagay in lagu sharaxo goobta.  Si hadaad u fiirisid dabeecadda iyo dhaqanka Soomaalida waxa ku soo baxeysa in dadka aysan laheyn dareen ama qiimeeyn ku saabsan kala garashada noocyada midibada  aad isugu dhow.

Halgankii uu xisbigii SYL u galay madaxbanaanida dhulka Soomaalyeed 1943dii wuxuu suuragal ka dhigay Qaramada Midoobay inay gumeystihii Talyaani maamulka dalkeena u dhiibtay muddo 10 sano ah oo ku ekeed, si 1960ki inuu Soomaaliya ku siiyo gobonimo buuxda. Inkastoo Talyaaniga isku dayay inuu shacabka Soomaaliyeed kala qayb qaybiyo haddana nasiib wanaag iyo dadaalka SYL waa u suuro gali weysay.

Iyadoo waqtigii xorriyo siinta ay ka dhimantay 6 sano ayuu Talyaaniga oggolaaday in Soomaaliya ay yeelato Calan iyada leedahay. Sidaas darteed bishii Oktoobar 1954ti waxaa dalka laga taagay Calanka uu maanta dalka leeyahay oo midibkiisa ay abwaaniyiinta Soomaliyeed ka tiri yeen heesta caanka ee ah: “qolobaa calankeedu waa ceynoo inagaa keena waa cirkoo kale ee oon caadna laheyn ee caashaqa. xiddig yahay cadi waa na ciidamisee carradaan kuligeed adigaa kaligaa curaad u ahee cadceeda sideeda caan noqo ee.”

Calanka dalka wuxuu u bahan yahay qadarin weyn sidaas darteedna waa in ay dawladda xil iska sartaa ilaalinta midibkiisa rasmiga ah. Ma aha arrin u baahan abaabul hawl baaxaad weyn iyo kharash badan ee waa mid uu ku filan yahay Xafiis u gaar ah soo-saaridda ama soo daabacidda, u qaybinta calanka hayadaha Dawladda, Maamul Goboleedyada, Ciidamada Qalabka sida, Safaaradaha dalka iyo Degmooyinka. Calan leh astamaha iyo midibka rasmiga ah ee kan dalka.

Si loo xoojiyo xushmadda calanka waxaa loo baahan yahay in manhajka waxbarashada dalka lagu daro barashada taariikhda ummadda, dowladnimada, heesta iyo midabka rasmig ah ee calamka Soomaaliya.  Xafiiskaas wuxuu yeelan karaa Goob dadweynaha u baahan calanka ay ka iibsan karaan.  Calan leh midib ka duwan kan rasmiga ee dalka qofkii lagu arko waa in ay ciidmada kala wareega loogana digaa inuu mar kale ku noqon.

Maxamed Xussen Amiin

Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments