Imaraadka: Maxaa Xiga Colaadda Hoose ee Lagu Hayo Soomaaliya?

In mudda ah, waxaa walaac ka taagnaa xiriirka Dowladda Federalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowladda Imiraadka Carabta. Isafgaradwaagu wuxuu ka sii daray markii dowladdaha Sacuudiga, Imaraadka, Masaarida iyo Baxreyn ay xiriirka ganacsiga iyo diblomaasiga u jareen dalka Qadar.dubai

Dowladahaas oo filayay inay taageero ka helidoonan Muqdisha, ayay fili waa ku noqotay mowqifka dhex-dhexaad ah ee Dowladda Federalka Soomaaliya. Sida wargaysyada carbeed ay qoreen, waxay isku dayeen in lacag dhan 80 malyuun doolar lagu bedelo qoolka hoggaamiyeyaasha qaranka, hase yeshee, Soomaaliya waxay ku adkeysatay mowqifkeedii.

Imaraadku wuxuu in mudda ah ku wajahayay arrimaha Soomaaliya dibin-daabyo iyo colaad hoose. Dubai oo daqligeedu ku dhisan yahay maamulka dekeddaha, adeega banuugta, dalxiiska iyo kirada ayaa isku buuqday, kadib markii tartan kaga furmay hirgelinta Shiinaha “Dhaqaalaha Waddada Xariirta.”

Beijing waxay si xoog leh u maalgelisay dekeddaha Qwadar (Bakistaan), Duqma (Cuman), Dooraale (Jabuuti), iyo Lamu (Kenya) oo ka sita muhiimadda dekeddaha Rashid iyo Jabel-Cali ee dalka Imaraadka.

Dekadda Qwadar oo isku xirta Khaliija, Shiinaha iyo bartamaha Aasiya, waxay Beijing gelisay lacag dhan 4.5 bilyan doolar. Si Dubai ay u dheeli tirto saameynta dekeddahaas, waxay bilowday siyaasad u muuqata boos celis oo ay ku dabaqday Soomaaliya iyo Yemen. Imaraadka waxaa damac ka hayaa inay quut-digaag (boqolaal kun) ku hanto dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Barawe oo irid u ah “Horn of Africa.”

Soomaaliya waxay gashay marxalad cusub, waxayna dooneysaa inay xiriir dan-wadaag ah oo ku dhisan ixtiraam iyo iskaashi mid ah la yeelato dunida oo dhan. Xeebaha Soomaaliya waa kuwo muhiim ah oo faa’iidooyin badan u leh dhaqaalaha adduunka.

Berbera Port
Dekedda Berbera

Badwaynta Hindiya waxaa maraan boqolkii 66 ganacsiga shidaalka, boqolkii 33 shixnadaha adduunka iyo boqolkii 50 konteenarada. Saaxilka Bada Hindiyana wuxuu hooy u yahay in ka badan 2 bilyan oo qof.

Shirkadda DP World waxay aragtay Soomaaliya inay leedahay fursad suura gal ah, suuqyada maalgelintana lagu hadal hayo. Hase yeeshee, talo waxay faraha ka baxday markii dagaalka Yemen uu soo afjarmi waayey, dekadaha Cadan iyo Mukalla oo ay muhiimad beeleen.

Walwalku wuxuu sii kordhay markii Turkigu maalgeliyay tareenka isku xira Tansaniya, Uganda, iyo Rwanda, cadaatayna in uusan Soomaaliya meel uga socon. Weliba arrinta waxey ka dhabaqday Dubai markii dekadda Jabuuti ay carqalad gashay.

Shiinuhu wuxuu maalgelin dhan 590 malyuun doolar ku hirgeliyey dekadda Dooraale. Wuxuuna raaciyay dhismo “Free Trade Zone” oo ku fadhiya masaafo dhan 48.2 square kilomitir, kuna baxday 400 malyuun doolar, si loo sahlo ganacsiga gobolka.  Intaas waxaa wehliya, in tareen casri ah oo isku xira Jabuuti iyo Addis Abeba lagu shubay lacag dhan 4 bilyan doolar.

Ilo xog’ogaal ah ayaa sheegay, in mar xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen, uu Safiirka Imaraadka ee fadhiya Muqdisha soo hordhigtay Villa Somalia dhowr qodob. Qodobadaas oo gogol xaar u ah wax wada qabsiga labada dal. Waxaa qodobadaas ka mid ahaa:

  1. In hoos loo dhigo maqaamka Safaaradda Turkiga;
  2. In la yareeyo ergada Safaaradda Qadar;
  3. In heshiiska dekedda Berbera sidiisa lagu ogolaado. Saamigana loo qaybsado boqolkii 65 Dubai, boqolkii 20 Itoobiya, boqolkii 15 Soomaalida*;
  4. In shirkadda talyaaniga ee ENI loo xaqiiqiyo inay howsha bada sii wadandoonto haddii Soomaalida ay ku guulaysato dacwada (weli go’aanka maxkamadda ma soo bixin xiligaas).

*(Gorgortanka saamiga wuxuu ku bilowday in la siiyo Soomaaliya sannadkii 5 malyan doolar iyo boqolkii 10 daqliga dekedda – sida Dow Jones Newswires uu soo tebiyey. Warkaas markii uu ka gadmi-waayey Muqdisho, ayaa saamiga kororsiga cusub Dubai soo jeedisay).

Villa Somalia waxay kaga jawaabay arrintii sida tan:

  1. In doorka Safaaradda Imaraadka lala simo kan Turkiga, bacdamaa maqaamka Turkiga uu ku yimid rabitaanka shacbiga;
  2. In aan waxba laga bedeli karin ergeda Qadar, maadama ay ka yar yihiin 6 qofood oo isugu jira dibloomasiyeen iyo shaqaale samafadeyaal;
  3. In saamiga dekedda loo qaybsado sida soo socoto: boqolkii 55 Dubai, boqolkii 25 Soomaalida, haraagana (20%) Itoobia*.
  4. In shirkadda Talyaaniga ay qoraal ku soo codsato cafinta**.

*(War kale oo ay soo tebisay CNN 1dii August 2017, ayaa sheegay in gorgorton cusub lagula jiro dalka Etheobia si hoos loogu dhigo saamigooda – boqolkii 19).

**(Kenya 2012kii si sharci darro ah ayaa  fasax uu siisay 4 shirkadood oo mid ka mid ah tahay Talyaani si shidaal ay uga baaraan aag-badeedka Soomaaliya.  ENI Energy marka ay ka dhega adkeesatay amarka joojinta baarista ayaa Xeer-Ilaaliyaha Dowladda Federalka Soomaaliya ku wargeliyay in ijaar uu ku socdo. Wada hadalada Safiirka waxaa ka soo baxay in Imaraadka maalgashtay boqolkii 40 howsha ENI Energy).

Inkastoo aysan kala maarmin dadka Soomaalida iyo kuwa Imaraadka, haddana xiriirka labada dal waa inuu ku salaysan yahay mabaadi’da asaasiga ah ee ixtiraamka iyo iskaashika wax-tarka u leh labada dhinac. Soomaaliya waxay ka biyo diidsan tahay dhaqanka qoor-qabadka ah, xad-gudubka joogtada ah, fara gelinta qaawan iyo istaraatiijiyad boos-celiska ee lagu hayo dalka.

Soomaaliya waa dal xur u ah masiirka dadkiisa, siyaasadiisa – dhaqaale iyo bulsho, diyaarna u ma aha inuu dayaco danta dadkiisa. Haddii shalay maalgelinta dhaqaalaha marti loogu ahaa bariga-dhexe, maanta waxaa muuqata in bariga-fog hoggaanka la wareegay.

Si looga faa’iidaysto saaxiibtinimada qotada dheer leh, loona hormariyo xiriirka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgelinta tooska ah, waa in labada dal ay ka gudubaan iska soo horjeeda xun, si kor loogu qaado kalsoonida labada dhinac. Haddaba, haddii Imaraaku uu u arkayo Soomaaliya fursad dhaqaale oo muhiim ah, waa inuu la yimaad ficil wanaagsan oo dhab ah iyo maalgelin lixaad leh si uu ula tartamo dalalka daneynaya maalgashiga iyo la ganacsiga Soomaaliya.

Cabdulqadir Cariif

F.G.: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

3 comments

Leave a Reply to Hobyo: Deked Aan Xaraash Ahayn – JAMHURIYADDA Cancel reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s