Guud ahaan dadka dunida lixdeeda qaradood ku nool, qof walba wuxuu ka soo jeedaa asal uu ku abtirsado. Tixanahaas dheer, wuxuu ka bilaawdaa waalidiintiisa aabo iyo hooyo, awoowe iyo ayeeyo ilaa fac-ka-fac oo gaaraya boqolal sano.
Dalalka reer galbeedka loo yaqan dadkoodu waqti hore ayey dhaqanka ku saabsan abtiriska qabiilka ka tageen. Waxay qateen dhaqan ah in dadka oo dhan ay yihiin muwaadinin, dhinaca sharcigana ay iskaga mid yihiin. Oogaashaha qabiilka iyo awoowe-yaasha beesha uu qof ka soo jeedo (Ancestry) asal ahaana aysan wax qiimo ah ku fadhin.
Haddaba, marka dadku ay doonayaan inay ogaadaan asal ahaan halka ay ka soo jeedaan, waxey isticmalaan baaris loo yaqaan DNA. Baaristaas waxaa lagu ogaadaa, sida ay sheegayan culumadda sayniska, boqolkiiba 50 inuu ka soo jeedo qolo hebel, boqolkii 35 qolo labaad iyo boqolkii 15na qolo seddaxaad iyo wax la mid ah.
Inkastoo uu dhaqankaas aheyn sida dalkeena looga isticmaalo qabiilka, haddane dalalka Afrika iyo Aasiya ee nala deriska ah ama noo dhow waxaa looga dhaqma qabiilka hab ka duwan habkenna. Habkaas la mid ma aha sida aan u naqaan ee ah in qabiilka la darajeeyo ilaa la gaarsiiyay in la yiraah “Fiqi Tulkiis Kama Janatago.”
Beelaha Soomaaliyeed, siiba kuwa xoolo dhaqatada ah, waxay qabiilku ugu dhaqmaan si xad dhaaf ah. Darajaynta qabiilka wuxuu mararka qaar garaa in lagu dagalo wax aan qiimo weyn laheyn kadibna dad badan leyskaga dilo. Iyadoo arrinta niyad-sami iyo is-afgarad lagu dhammeyn kari lahaa, laguna badbaadin lahaa naf qaali ah. Waa nasiib darro, in boqolaal sano waqti laga joogo sidii loo dhaqmayay weli loogu dhaqmayo qabiilka. Dhaqankaas oo nafta qofka aysan wax qiimo ah laheyn.
Dhaqan ahaan qabaa’ilka Soomaaliyeed waxey leeyihiin duubab dhaqameed lagu darajeeyo laguna ciseeyo xilka ay bulshadooda u hayaan. Dubabkaas oo lagu magacaabo: Ugaas, Boqor, Suldaan, Wabar, Garaad, Malaaq, Imaan, Beel-Daaje, iwm. Intaas waxaa dheer, in dawladahii dalka isticmaarsan jiray ay qabaa’ilka ka qorteen wakiilo u dhaxeeya iyaga iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed. Dadkaas oo ay u bixiyeen Horjooge Qabiil (Capo Cabila) iyo Caqil oo mishaar bilwalba ay siin jireen.
Habkaas, dawladahii Soomaaliyeed ee kala dambeeyay waxba kama baddelin oo sidiisi ay u qateen. Waxaa jirto, inay awoodii duubabka (guurti, isimo amase cuqaashi, iwm) ay ku lahayeen bulshadooda dhaxdeeda ay hoos u dhac ku socday laga soo bilaabo waqtigii dalka xoriyadiisa qaatay. Soddonkii sano ee ugu dambeeyay dalka waxaa ka jiray dagaallo iyo degenaansho la’aan. Taas waxay keentay qaar ka mid ah madax dhaqameedyada inay u guureyn dalal dibedda ah, kuwo kalena ku nool yihiin hoteellada ama guryo ay ku leyihiin magaalooyin waaweyn ee dalka. Sidaas darteed, waxaa dhacaday in ay Cuqaashi la socon xaaladda ay ku sugan yihiin dadkooda miyiga iyo tuulooyinka degan, sida abaar, aaran iyo colaad toona.
Warbaahinta dalka waxaa laga arkaa qaar ka mid ah hoggamiye dhaqameeyada oo ku shiraaya Hoteellada oo baaq u diraaya si ay u joojiyaan dagaalo dhaxmaray beelo ay madax u yiihin. Halkii ay dhax-deganaan lahayeen dadkooda ama markii dhibaato la soo gudboonata u gurmad lahayeen lana qaybsan lahayeen wixii dhib iyo dheefba.
Qabiilka wax dhibaato ah ma laha haddii loogu dhaqmo sida ALLE Quraanka noogu sheegay oo ah in waxtarka qabiilka uu yahay in laysku aqoonsado oo keli ah. Sidaas darteed, waxaa dhibaatada leh waa marka qabiilka loo isticmaalo si xun, lana Qabyaladeeyo iyadoo qaraabo kiilka laga dhigayo dhaqan (Tribalism and Nepotism). Taasoo ah in Qabiil lagu raadio wax aan xaq loo laheyn oo sad-bursi ah. Lagu oogo cadaalo, iyadoo ummadda inteeda kale dhibaato loo geysanaayo, amase lagu xakhiro qof kale lana dhaafiyo xaqiisii.
Maxaa marka ummadda Soomaaliyeed la gudboon. Ma jiro dariiq kale oo an aheyn in ALLE laga baqo oo cadaaladda lagu dadaalo hirgelinteeda. Qof walbana uu iimansado wixii ILLAHEY u qoray “Ilmo iyo xoolaba” si ay ugu libaan addunyo iyo akharaba.
Maxamed Xussen Amin
Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
F.G.: Masawirka waxaa laga soo amaahday Amin Arts