Siyaasadda Xirig-Jiidka iyo Horumarka Dhaqaalaha

RS4756_Ethiopia 2014_Ariane Biemond_ ayka textile2Saaxilka Badwaynta Hindiya waxaa ka dhacaya dabayl wadata isbedel horumar-dhaqaale. Waxaa iswaydiin muddan, sidee Soomaaliya ay uga faa’iideysan kartaa isbedelkaas?  Sideese looga gudbi karaa siyaasadda xirig-jiidka (isqab-qabsiga) si aan looga harin hirka horumarka  dhaqaalaha East Africa? 

Cilmi baaris ay soo bandhigtay Jaamacadda “Harvard,” ayaa saadalisay in 2025ta kobaca dhaqaalaha adduunka uu si weyn kor ugu kiciindoono dalalka ku yaal nawaaxiga “Indian Ocean,” gaar ahaan “East Africa.”

Saaxilka Badwaynta Hindiya waxey hooy u tahay in ka badan 2 bilyan qof, waxeyna leedahay fursado aan la soo koobi karin.

Dhaqaalaha Shiinaha oo ku horumaray wax-soo-saarka qiimaha jaban ayaa muruq-maalka ku qaali-yowbay. Sidoo kale, qawaaniinta xadidaya wasakhaynta jawiga (environmental pollution) ayaa ku adkaaday shirkadaha dalkaas.

Xaqiiqadaas, ayaa ku kaliftay Shinaha inuu bedelo qaabka dhaqaalihiisa. Wuxuu bilaabay inuu muhimadda siiyo warshaddaynta qalabka u baahan farsamada heerka sare (high-tech manufacture).

Tilaabadaas, waxey fursad siisay dalalka dadkoodu u badan yihiin da’ shaqo oo aqoon asaasi ah leh, muruq-maalku jaban yahay, dhaqaaluhu kobcayo, leh suuq ballaaran iyo kaabayaal wax ku ool ah. Intaas waxaa dheer, in wadamadaas ay leeyihiin shuruuc taageerta fur-furnaanta suuqa iyo ganacsi-xurta ah.

Isbedelka qaabka dhaqaalaha Shiinaha, waxaa ka faa’iidaystay waddamada Aasiya ka sokow, dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Tansaniya. Dalalkaas, waxey qaadeen tillaabooyin lagu horumarinaayo warshadaha dharka, kabaha iyo qalabka ciyaaraha.

Sanadkii 2013ka, wadarta dhoofinta warshaddaha dharka ee dalalkaas waxaa lagu qiyaasay lacag dhan 337 malyuun doolar. Waddamadaas, waxey dib u habeyn ku sameyay kabayaasha dhaqaalaha, sida wadooyinka, tamarta (electrical grid), dekadaha iyo tarenka. Intaas waxaa wehliya, in si habboon ay u maalgeliyaan tababarka iyo xirfadaha shaqooyinka mustaqbalka.

Warshadayntu waa halbowlaha horumarka dhaqaalaha. Shaqo abuuris ka sokow, waxey kordhisaan wax-soo-saarka dalka, dhoofinta dibedda, iyo hal abuurka dadka. 5tii sanadood ee ugu dambeysay, shirkadaha reer galbeedka oo ay ka mid yihiin H&M (Holland), Primark (Ireland), iyo Tesco (UK) ayaa bilaabay inay dharka ka qaataan warshaddaha dalka Itoobiya.

Kenya waxey si xoog leh uga faa’iidaysatay heshiiska canshuur dhaafka ganacsiga “African Growth and Opportunity Act (AGOA)” ee qaaradda la leedahay dalka Mareykanka. Maanta, boqolkii 92 wax-soo-saarkeeda dharka waxaa loo dhoofiyaa suuqyada Mareykanka. Sidoo kale, Shiinaha wuxuu si xoog leh u maalgeliyay warshadda dunta ee dalka Tansaniya.

Warshado fara badan oo ay ka mid yihiin kuwo Hindi, Turki iyo Shiino ah ayaa u soo guuray dalka Ethiobia. Malgashatadaas, waxey daneynayaan inay ka faa’iidaystaa heshiisyada canshuur dhaafka Afrika ee AGOA iyo kan EU. Waxaa la sheegay in shirkadaha “Calvin Klein, Aldo iyo Armour” ay indhaha ku hayaan qaaradda, bacdamaa dalalka Afrika ay la leeyihiin canshuur dhaaf suuqyada ay ka ganacsadaan.

Sanadkii la soo dhaafay, hantilayda dalka Turkiya waxey maalgashi gaaraya 350 bilyan doolar ku sameeyen 118 dal. Nasiib daro, Soomaaliya kama faa’iidaysan fursadahaas maalgashi, inkastoo dalku uu yahay lammaane (partner) muhiim ah.

Si kastaba ha ahaate, jawiga dowladnimada Soomaaliya ee isa soo tarayay 5tii sanadood ee la soo dhaafay, wuxuu soo duntay maalgashi (shisheeye iyo qurba-joog) soo kordhiyay kalsooni iyo niyad-wanaag. Bankiga Addunka wuxuu saadaaliyay in heerka kobaca dhaqaalaha dalka uu 2017ka gaarayo boqolkii 5 ilaa 7, halka uu ka ahaa boqolkii 3.7 sanadkii 2016ka.

Walow abaaruhu si lixaad leh u saameyeen dhoofinta tacabka beeraha iyo xoolaha, haddana kobaca waxaa daadihinaya isgaarsiinta, adeega, bankiyada iyo dhismooyinka. IMFtu waxay shaacisay in GDP 2016kii uu gaaray 6.2 bilyan doolar halka labo sano ka hore (2014kii) uu ka ahaa 5.7 bilyan doolar. GDP waa hab lacageedka lagu qiyaaso inta badeecadood iyo adeeg uu guud ahaan dhaqaaluhu soo saaray waqti go’an.

Kobaca iyo koritaanka joogtada ah waxey astaan u yihiin in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi ganacsi iyo maalgashi caalami ah. Villa Somalia, waxaa looga bahan yahay inay dardargeliso sidii loo horumrin lahaa heshiisyada iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga mudnaanta leh (duty-free and quota-free access). Isla markaasna looga qayb-qaadan lahaa suuqyada kale ee gobolka iyo dalalka caalamka.

Dhinaca kale, Villa Somalia waxaa hor yaal sidii laysku waafajin lahaa nidaamka waxbarashada maanta, iyo bahida shaqada mustaqbalka. Shaki kuma jiro, in haddii laga il-duufo baahida shaqada mustaqbalka, Soomaaliya ay seegidoonto fursado hanti-abuur oo suurtogal ka dhigi kara in la yareeyo saboolnimada baahsan.

Dabcan, dalna dhaqaalahiisa ma horumaro, ayadoo shuruucda aysan u jahaysneyn jawi ganacasi xur ah. Ansixinta sharciga isgaarsiinta iyo heshiiska iskaashiga ganacsiga (Turkiya) waa tilaabo muujinaysa isbedelka jawiga sharci-dejinta dalka.

Hase yeeshee, mas’alada barlamaanka hortaal waa sidii looga gudbi lahaa siyaasadda xirig-jiidka. Muranka joogtada ah wuxuu madadaaliyaa fadhi-ku-dirirka, wuxuuse kordhiyaa tuhunka caalamka uu ka qabo wada shaqaynta hoggaamiyeyaasha Soomaaliya.

Dhinaca kale, isqab-qabsigu wuxuu akidayaa aragtida aaminsan in siyaasadda Soomaaliya aysan weli saldhigan,  nabaduna ay tahay mid qosol-ku-jab ah. Soomaaliya waxey u bahan tahay inay dhaqan geliso siyaasad xikmad iyo xasilooni ku dhisan, ayadoo dimoqraadiyadda aan la af-duubayn.

War iyo dhamaantiis, muhiimadda Soomaaliya waa wanaajinta xiriirada dalalka caalamka ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga tooska ah. Wadiiqadaas, ayuu dalka ku soo kabsan karaa, kagana  faa’iidaysan karaa aqoon-wadaaga (knowledge-sharing) iyo isku gudbinta teknolojiyada (technology-transfer) caalamka oo sahla horumarka. Kolkaas, ayay Soomaaliya hiigsan kartaa hirka horumarka  dhaqaalaha East Africa.

Cabdulqadir Cariif

Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

11 comments

Leave a Reply to Hobyo: Deked Aan Xaraash Ahayn – JAMHURIYADDA Cancel reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s