Su’aasha qof walba, oo dalkiisa jeceel, looga baahan yahay in uu iswediiyo waxey tahay: Maxaa sababay Soomaalidu inay siyaasadda iyo hoggaminta waqtiyeysan ee dalka ugu heshiin kari la’yihiin?
Reer galbeedkii muddada dheer gumeysan jiray Asiya iyo Afrika ma gaarsiinin dalalkaas horumar maamul, siyaasad iyo midka dhaqaale toona. Waayo qorshahooda ku ma jirin in dalalka Afrika iyo kuwa Asiyaba ay ka baxaan hoostooda.
Dagaalkii labaad ee addunka kadib isbadeel fikradeed, oo ku dhacay reer galbeedka, ayaa sababay in dalalka Asiya iyo Afrika ay helaan madax banaanidooda. Soomaaliya waxey gumeysiga ka baxday isla markaasna midowday 1dii Luulyo 1960kii.
Soddonkii sanadood ee ugu horeyay xornimada Soomaalida, wuxuu dalka tijaabiyay laba hab oo kala duwan. Hab Demoqaraadiyadeed 1960kii ilaa 1969kii iyo xukun militeri kali-taliska ah, 1969kii ilaa 1990kii.
Markii la hirgeliyay mabda’a shuuciyadda “Marxism-Leninism” oo meel ka dhac ku ahaa ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah, waxaa asaasmay ururro mucaarad. Kuwaas oo qaarkood hubaysnaayeen waxay dagaal ku fureen dawlaadii kali-taliska. Dagallada jabhadahaas iyo kacdoonkii Muqdishoo waxay bishii Jenaayo 1991, Dawladdii Jen. Maxamed Siyaad Barre ka saareen caasimada dalka.
Isla markiiba, waxaa soo baxday in mucaaradku “ha la rido dowladda” wax ka baxsan oo mabda’a ah in aysan lahayn. Taas waxaa u daliil ah dagaalkii dhexmaray garabka Cali Mahdi Maxamed iyo kan Jen. Maxamed Faarax Caydiid.
Taariikhdaas kooban kadib, waxaa xusid mudane inuu Madaxweynaha dalka Jibuuti, mudane Xasan Guulayd Abtidoon, Allah u naxariiste, uu u qabtay Soomaalida labo shir markii caalamka daneyn waayey joojinta colaadda. Shirarkaas dhexdhaxadinta ah, waxaa la kala qabtay 5tii ilaa 11kii June 1991, iyo 15kii ilaa 21kii Luulyo 1991dii. Hayeshee natiijooyinkoodii wax badan kama bedelin nabadeenta dalka.
Sidoo kale, gogol dib-u-heshiisin ah waxaa u fidiyay Soomaalida dalal ay ka mid ahayeen Etiobiya 1993, Masar 1994, Ugaandha iyo Yemen. Nasiib darro, shirarkaas wax heshiis ah oo la taaban karo kama soo bixin.
Bishii Oktoobar 2000, Madaxweynaha dowladda Jibuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar seddexaad shirweyne dib-u- heshiisiin ah u qabtay Soomalida. Shirka Carte oo in muddo ah laysku mari waayay, ayey akhiraan Soomalidu isla gareen hab wax qaybsi ah. Halkaas waxaa ka soo baxay Barlamaan ay xubnahiisa u qaybsadeen beelaha Soomaaliyeed habka 4.5 loo yaqaano.
Xubnaha Barlamaanka oo ka kobnaa 275, waxey Madaxweyne u doortay mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo dhisay Xukumaad Ku-Meel Gaar ah (Transitional National Government). Cabdiqaasim Salaad wuxuu ra’iisul warsare u magacaabay,(1) Cali Khaliif Galeyr,(2) Xasan Abshir Faarax iyo (3) Maxamed Cabdi Yuusuf.
Shirkii Jibuuti oo biloow fiican ahaa waxaa ku xigay shir lagu qabtay Kenya (Embgath) 2004kii. Shirkaas waxaa lagu gaaray in la qaato habka Federaalka, waxaana lagu dhisay Dawlad Federaal ah oo ku-meel-gaar ah (Transitiona Federal Government).
Waxaa kaloo la gaaray in gobolada leysku raacinaayo labo iyo wixii ka badan si loo dhiso maamul-goboleedyo saldhig u noqoda federalka. Shirkaas, waxaa lagu dhisay Dowlad uu Madaxweyne u yahay mudane Cabdullahi Yusuf Axmed. Dowladaas waxaa ra’iisul wasare ka noqday (1) Cali Maxamed Geedi iyo (2) Nuur Xassan Xuseen.
Ururkii Maxkamadaha oo xasiliiyay fowdadii Caasimada ayaa bedelay jawigii siyaasada dalka. Ha yeeshe siyaasiyiin kasoo horjeeday dawladda KMG ee Cabdullahi Yusuf oo isku uruursaday Eritreya (Asmara) iyo maxkamadihii ayaa sababay in Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed uu is casilo, iyadoo aan maamulkiisii aysan u dhammanin muddadii.
Addunka oo weli rajo ka qaba xal u helidda siyasada Soomaaliya, ayaa 2009kii waxaa madaxweyne loo doortay mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Dowlada Sheikh Shariif oo muddadii ku ekeed Sebtembar 2012kii, waxaa ra’iisal wasaare ka noqday (1) Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, (2) Maxamed Cabdullaahi Maxamed Formaajo iyo (3) Cabdi-weli Maxamed Gaas.
Isla bishaas Sebtembar 2012kii, waxaa Madaxweyne rasmi ah loo dortay mudane Xasan Sheikh Maxamuud, iyadoo dalka laga saaray ku meel gaarnimadii. Madaweyne Xasan Sheikh wuxuu ra’iisul wasaare u macaabay (1) Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid,” (2) Cabdi-weli Sheikh Axmed iyo (3) Cumar Cabdirashiid Cali.
Ugu dambeyn, su’aashu waxey tahay xagee ciladda ka jirtaa? Deganaansha la’aanta xukuumadaha ma dhaqan uu dalku horumar ku gaari karaa? In lixdii biloodba qalalaase lugu jiro, kadina xukumadii kasoo baxdo sanad kadib la rido ma xalbaa? Intii u dhexaysay 2000kii iyo 2016kii (16 sanadood) dalku wuxuu yeeshay 11 xukuumadood. Marka sanadahaas loo qaybiyo tirada xukumadaha waxaa soo baxaya isku cel-celis ahaan in maamul kasta uu dalka ka jiray in ka yar sanad iyo bar.
Waxaa dadku aaminsan yihiin in rididda xukumaddaha ay ku timaado: (B) wada shaqeyn la’aan ka dhex dhacda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha; (T) xubnaha Golaha Barlamaanka qaarkood, oo iyagu lagu xanto inay marka Hoteelada ama meelaha kale looga yeesho dayn ay abaabulaan sidii ay lacag dheeri ah ay ku heli lahayeen. Sidaas darteed, mooshin “Motion” Kalsooni Kala Noqosho ku saabsan Xukuumadda ay hor dhigaan barlamaanka; (J) xildhibaano dawladahii hore xubin ka ahaa oo mar kale doonaya inay dib u soo galaan dowladda si wixii horay u seegay ay hadda u qabsadaan (maal iyo mood); (X) Ganacsato u baratay fa’iidooyin badan uga baratay isbedelka dowladda, (badeecoyin laga iibsado amase canshuur dhaaf); (Kh) Dowladdo sisheeye iyo hay’addo caalami ah oo dantooda ka arki la’ xukuumadda.
Mar kasta oo uu khilaaf siyaasadeed dalka ka dhaco, caalamku wuxuu u arkaa in nabadda dalka ay tahay mid aan dhab ahayn. Taasoo kordhisa walwalka iyo tuhunka deeq-bixiyaasha iyo maalgashatada caalamka ka qabaan wada shaqeynta hoggaamiyeyaasha dalka [madaxweynaha, xukuumada, iyo baarlamaanka].
Intaas waxaa wehliya, in ra’iisul wasaare kasta uu la yimaad qorshe howleed muhimadiisu (priority) ka duwan tahay kii ka horeyay. Marar bandan waxaa dhacda in wasiiradda cusub aysan ka war-hayn howlihii horey qabyada u ahaa ee u baahan in la qabyo tiro. Taasoo carqabad ku noqota deeq howleedkii dalka lagu maamulilahaa.
War iyo dhamaantiis, waxaa muhiim ah in ummadda Soomaaliyeed ay fiiro gaar ah u yaalto xasiloonida siyasadda dalkooda. Xasiloonida dalka oo cid kale oo wax ka qabaneyso ay jirin. Soomaalida waxaa la gudboon in kuwa qalalaasaha joogtada ah dalka ku haayo looga aqli celiyo, si loo ilaaliyo danaha dalka iyo mustaqbalka ubadkeena.
Maxamed Xussen Amin
F.G.: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.