Thursday, September 21, 2023
Home Siyaasadda Waa Kuma Wadani

Waa Kuma Wadani

Waa oraah xambaarsan macno badan sida ay u arkaan dadyowga adduunyada ku nool. Hase ahaate, dood ayaa ka furan sida ay Soomaalida u isticmalaan, ama qiimaha ay u leedahay. Waana dulacda doodda maqaalka.

Ablooga hadh inaad tahay soo ma oga,” Heestii Arligeygoow

Waxey taariikhda ina baraysaa, in loo qaybiyo seddax qaybood bilowgii hababka aadanaha u noolaa, oo kala ah xooladhaqato, kaluumaysto, iyo beeralay. Kuwaas oo ku kala duwan qaabka noloshooda u maareeyaan iyo sida ay ula falgalaan deegaanka ay ku nool yihiin.

Xoola-dhaqatada waa dad guurguura oo baad iyo biyo u raadsada xoolahooda, hadbana deegaan dega kadib marka ay u sahan tagaan amase looga soo waramo. Kooxdaan ma laha soohdin xadaynaysa, waxaana laga yaabaa inay wajahaan khatar amni.

Hooy-gooda waa mid fudud oo la fur-furi karo, isla markaasna meeshii ay doonaan u rarma (portable). Waxay ood ku xayn-daabaan (moorada) xoolahooda si aysan dugaaga uga cunin. Waxay samaystaan dhar-dhaar ay cunada ku karsadaan, waxayna halkaas ku nagaadaan inta ay naq leedahay amase ay aaran tahay.

Markii uu jilaalka yimaado ama daaqa ku yaraado way ka guuraan, oo waxey u hayaaman meel kale oo daaq ama barwaaqo lagu sheegay. Deegaanka ay ka guurayaan waxay ka qaataan oo kaliya aqalkoodii oo ahaa mid ka koobnaa agab la kala fur-furi karo.

Halkii ay ka guureen waxaa soo dega muddo kadib, markii ay aaran noqoto, reer geedi ah oo sidooda oo kale xoola-dhaqata ah. Sidii oo kale waxay qotomiyaan aqakooda halka kii hore looga guuray.

Waxay isticmaalaan xeraddii xoolaha iyo dhardhaaraddii hore. Halkaas, waxaa ka cad in xoola-dhaqatadu aysan laheen deegaan ay ku negaadan amase ay kala sheegtaan. Soo lama dhihi karo waa dad xili ku nool ah oo ahmiyad badan u laheen dhulka.

Kaluumaystadu waa dadka dega xeebaha, waxayna noloshooda ku tiirsan tahay waxaa ay badda ka helaan. Waxay xiriir ganacsi joogta ah la sameeyaan dadyow dhaqan, diin, iyo af kala duwan.

Kaluumaysatadu waxay leeyihiin deris leh soohdin. Hoygoodu waa mid ku negaada meesha uu ku dhisan yahay, wuxuuna ka kooban yahay agab aan si fudud geedi u gelin.

Bad-dhacdu waxay garteen in hoygoodu yahay dhulka. Baduna tahay halka ay dhuunigooda u raadsadaan. Dhul la’aan waa hoy la’aan.

Beeralyadu waa ay ka duwan yihiin qaabka ay u mareeyaan noloshooda labadaddaas hab aynu soo xusnay. Waxay qotaan dhulka si ay quudkooda ama dhuunigooda ula soo baxaan. Waxay sugaan dhulka ay faleen inuu uu wax u dhalo si ay ugu nacfiyan. Goobaha ay noolasha kala soo baxaan (beeraha) way soohdimeeyaan.

Xoolo-dhaqatada iyo bad-dhacda ma laha soohdin meelsha ay ka soo saartaan quudkooda. Dhinaca kale, beeralaydu hoygoodu waa soohdimeysan yahay, mana ah mid la furfuro oo hadba meel loo raro. Waxay leeyihiin deri xeerka dhexeyo. Dhul la’aanta waxay uu aaminsan yihiin inay tahay cuno la’aan iyo hoy la’aan.

Haddaba su’aashu waxay tahay waa kuma sedaxdaas qolo kan dhulka u aaminsan wax aan laga maarmin una haya jacayl xad-dhaaf ah?

Waxaa tariikhda casriga soo baxay kacaankii warshadeynta oo dadka u soo jiitay inay deggaan deegaan joogta ah (magaalo). Isbedelkaas ayaa mideeyey hab-noleedkii kala duwan (xoola-dhaqato, kaluumaysato iyo beeralay ) ee aadamuhu u nooleen qarniyo fara-badan. Habka noolasha cusub oo ku dhisan warshadaynta wax-soo-saarka iyo kala faa’iidaysi, wax badan oo saameen ah ku yeelan dunida sadaxaad, gaar ahaan Afrika oo ay Soomaalida ka mid tahay.

Waxaa dhowaanahan soo if baxay mashaakilaad (crisis) iyo afkaaro iska soo horjeedo. Kuwaas oo wareer iyo madax-xanuun ku riday siyaasiyiinta hogaamisa dunida uu ka hirgalay kacaankii warshdaha (reer-galbeedka). Habka cusub oo ah caalimiyeen (Globalization) una taagan fikrada ah in la wada noolaado, ayaa  meesha ka saaraya jiritaanka soohdin dalkasta (qofka) u gaar ah.

Aragtidan caalimiyeenta (Globalization) waxay ku qotantaa tii geel-jiraha ee oranaysa “Geelay geela way wada jirtaan wayna kala jirtaan.” Aragtidan caalimiyeenta waxay ka soo horjeedaa midda loo yaqaan Qaranimada (Nationalism). Habka Qaranimada oo u macno dhaw dhaqanka habka kaluumaysatada una sii badan dhanka beeralayda (soohdinlayda ah).

Hadaba su’aashu waxay tahay saamayn intee la’eg ayay nagu yeelatay hardanka aragtiyada aduunyada ee socda?

Waxaa xusid mudan in aynu milicsano waxa ay ka badashay hanaankeena nololeed iyo jiritaankeena ummad ahaaneed xornimada kadib. Dhisitaanka iyo unkidii dowladnimada Soomaalida intii xorta noqotay, gaar ahaan israacii labaddii gobol (konfurta iyo waqooyiga) ee Italigaa iyo Ingiriiska ay kala gumaysan jireen .

Dadka Soomaaliyeed uma kala harin raadinta xornimadaas, marka laga reebo koox yar oo xiriiro ku dhisan danaysi la lahaa gumaystaha. Haddana, waxay hogaaminta dalka gacanta u gashay dhaqankii dalka u badnaa oo ahaa xoola-raacatada. Waxay ku danbaysay soddon sano oo xur ah kadib, in dalkii bur-buro qaranimadiina baaba.

Miyaanan u baahneen inaynu cashar ka barano wixii sababta u ahaa burburkaas!?! Waa arrin ay qorayaasha Soomaaliyeed iyo shisheeyaba ay ka bixiyeen faalooyin badan, ayagoo ka eegaya xaglo kala duwan. Waxaa is weydiin leh yaa eeda la saraa!

Waxay ila tahay inay sababtu tahay inaynu laheen dareen wadaniyadeed oo aynu ku ilaashano dhulkeena. Qofka waa inuu ilaashadaa waxa uu ku magacaaban yahay sida hantidiisa, xoolahiisa ama booskiisa dhuleed oo uu waraaq sharciyeed u haysto.

Dhaxal awoowe ina tahay soo ma oga,” Heestii Arligeygoow

Laakiin, Soomaalida ka soo jeeda dhulkii ka xoroobay gumaystihii talyaniga iyo ingiriiska oo dhistay Jamhuuriyadii Soomaaliya uma dhaqmin inay tahay dhaxal ay ka dhaxleen awoowyaashoodii. Waxaa waajib ah in loo hawl-galo sidii manhajka dugsiyada loogu dari lahaa daruus da-yarta (ardada) lagu barbaariyo dal-jaceelka.

Soomaaliya dadkeeda waxay u badan yihiin kuwo ka soo jeeda xoolo-raacato. Xoolo-raacatuna ma’lahan kal-gacal dhul (dal-jaceel) oo ay iska dhaxlaan. Dalkooda waa halka markaas naqa (daaqa) leh ama aaran ah.

Shalay iyo maanta waa kuwa hogaanka iyo siyaasada dalka haga (gacanta ku haya). Dhulkii naqa iyo aaranka ahaa ee ay ku dagaalami jireen waxaa u bedelay “hagida hanaanka dowladnimada” oo ay u arkaan mid ay barwaqo iyo hodantimo QOFEED (shakhsi) ka heli karaan.  Waxayse xisaabta ku darsan inay jiraan dad u danqanaya DALKA IYO DADKA oo qori (taariikhaynaya) dhibaatada ay ku hayaan DALKA IYO DADKA. Isla markaana sugaya isla-xisaatan waqtiga ku haboon.

“Isaga inuu ku leeyahay soo ma oga.” Heestii Arligeynoow

Saciid Cabdisalaam

F.G.:  Fikradaha qoraalka waa kuwa qoraaga u  gaar ah oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

F.G.:  Sawirka Amin Arts – http://aminarts.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments