Caddaaladda Yaa Ka Mas’uul ah

“Afrika uma baahna nin xoog badan [kaligii taliye]. Waxeyse u baahan tahay hay’ado [dowlad, baarlamaan iyo garsoor] awood leh,” Oraahdii Madaxweyne Baraka Obama – Juuly 2009.Juistice

Inkastoo, 5tii sanadood ee la soo dhaafay dalku uu horumar ka sameeyay dhaqan-gelinta gedi socodka dimuqraadiyada iyo dowlad-wanaaga, haddana tuhun wuxuu ka taagan yahay habka loo hirgelindoono awood-qaybsiga iyo dhowrista xuriyadda asaasiga ah ee muwaadinka.

Dimuqraadiyada ereyga awood-qaybsi wuxuu u taagan yahay in awoodaha [Dowladda, Baarlamaanka, iyo Garsoorka] ay midba midda kale hubiso (check and balance). Baarlamaanka wuxuu dejiyaa sharciga dalka, garsoorku wuxuu turjumaa sharcigaas, dowladdana waxey fulisaa maamulka iyo ku dhaqanka sharciga.

Dalal badan oo Afrikan ah, dhibaato waxey ka haysataa maqnaashaha awood-qaybsiga dhabta ah iyo ixtiraam la’aanta xuriyada aasaasiga ah. Haddaba, dimuqraadiyad ma aha jiritaanka hay’adahaas [baarlamaan, garsoor iyo dowlad] magac ahaan keliyah, ee waa ku dhaqanka dowladnimo ku dhisan awood-qaybsi dhab ah.

Dersi waxaa noogu filan, dowladdii Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul-wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal ee 1967-1969. Nidaamkaas, oo lahaa 3da awoodood, haddana waxaa fashiliyay awooda dowladda oo ka xoog badatay awoodihii kale.

Sidoo kale, rejiimkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee 1969kii-1990kii, wuxuu ku xad-gudbay awooda madax-banaanida garsoorka iyo ilaalinta xaquuqda muwaadinka. Sharciga wuxuu noqday wax siyaasadda ay u adeegsato sidii ay doonto.

Labada dowladba waxey ka il-duufeen khatarta ka imaan karta nidaamka oo kharribma. Taas ayaana qayb ka ah waxa dalka dhaxalsiiyay burbur dhaqaale, bulsho iyo siyaasad.

Caddaaladda Waa Tiirka Dowladnimada

Sharci ahaan, qofka eedaysanaha ah dembiile ma aha, ilaa maxkamad go’aan ka gaarto kiiskisa. Taas waxey akidaysa in xuquuqda muwaadinka ay tahay muqadas.

Sida dustuurku uu qeexayo, “garsooraha wuxuu xur u yahay firkradiisa ku saabsan tarjumada sharciga si uu u guto wajibaakiisa.” Madax-bannaanidaas, waxey saldhig u tahay awood-qaybsiga dowladnimada. Waayo, haddii caddaallad la waayo dowladnimo ma jiri karto.

Waxaa hubaal ah, in garsoore caadil ah uu ku qotominayo firkradiisa sharci fasiraad hadba caddaynta la hor-keeno. Haddana, taas micnaheedu ma aha in eedaysanaha uusan dembi-gelin amase dacwad-oogaha uu ku xad-gudubay xaquuqdiisa.

Taariikhda waxey nabaraysaa, in xilligii Madaxweyne Aadn Cabdulle Cusman (1961kii), saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka oo joogay gobolada waqooyi (Somaliland), ay 11kii Desember afgambi dhici-soobay sameeyeen. Eedaysanayaashi afgembiga ka dambeeyay waxaa la hor geeyay maxkamad.

Ka dib markii uu dhagaystay doodii (mudaca iyo daaciga), arkayna caddaymihii la hor keenay, garsoorihii wuxuu amray in la siidaayo. Dacwad-oogaha ma keenin caddayn xuriyad looga qaado eedaysanayaasha ayuu ku saleyay go’aankiisa. Inkastoo, arrintaas aad looga dooday, haddana dowladda faragelin kuma samayn xukunkii, ixtiraamka awood-qaybsiga dowladnimadda awgeed.

Nidaamka Kala Dambeynta

Muhimadda qaanuunka iyo nidaamka kala dambeynta (law and order) ma aha keliyah in dalku leeyahay hanaan sharci. Ee waa in cidna, awood kastaba ha la haatee, loogu dulqaadan sharci-jibin. Markaas keliyah, ayaa dowladda iyo garsoorka si habsimi leh u fulin karaan xilalkooda.

Ficilka Garsooraha Banaadir wuxuu ka tarjumayaa ixtiraamka madax-banaanida garsoorka ee maanta dalka ka jira. Fulinta xeer-ilaalinta amarka maxkamadda, ayagoo ay u furan tahay racfaan ka qaadasho, taas waa astaan muujinaysa awooda uu sharciga siinayo Xeer-ilaalinta si mar kasta loogu dadaalo in la helo caddaalad waafi ah.

Sidaas darteed, xilka dacwad-oogaha waxaa ka mid ah baarista ama qabashada, si ku meel gaar ah, qof, gaadiid iyo goob lagu tuhmayo fal-dambiyeed. Xeer-ilaalinta waa hay’adda sharci ahaan mas’uulka uga ah dowladda dhowritaanka sharciga dalka.

Is-hortaaga fulinta howlaha xeer-ilaalinta waxaa loo yaqaan carqaladeen caddaalad “obstruction of justice.” Taas oo ah isku day kasta oo lagu joojinayo baaris fal dambiyeed, amase lagu cabsi gelinayo xukun. Ficiladaas, waxaa ka mid ah laaluush, handadaad, dil [hub u qaadasho], jir-dilka markhaatiga, ciidanka dambi-baarista amase howl-wadeenada garsoorka.

Xuriyadda Muwaadinka

Xuriyadda siyaasadda iyo madaaniga ee muwaadinka ma aha in la carqaladeeyo fulinta sharciga. Sidoo kale, xuriyada qoolku ma aha dhibateynta [nafta, maalka iyo cirdiga] cid kale amase hurinta fidno dhalisa qalqal iyo xasilooni darro.

Haddana, xildhibaanku wuxuu xaq u leeyahay inuu ka doodo mashaakiladda taagan si aan loo afduubin dimuqradiyadda. Hase yeeshee, doodaas maxalkeedu waa baarlamaanka gudihiisa. Intaas, wixii ka baxsan, waa in si asluub ku dheefan tahay loo jeediyo, si aan loogu xad-gudub sharciga.

Maxkamad hor-geynta siyaasi (amase qof muhiim ah) waa awood aan lagu arag Soomaaliya 50kii sanadood ee la soo dhaafay. Culimada cilmiga siyaasadda iyo sharciga, waxey akidayaan in tilaabadaas ay tilmaam cad u tahay in sharciga hortiisa dadka [Soomaalida] ay u siman yihiin.

Dustuurka

Inkastoo hoggaamiye siyaasadeedka dalku si habsami leh (dimuqraadiyad ah) ay isugu dhiibayaan xilalka, haddana ma sahlana ku dhaqanka dhabta ah ee dastuurka. Mas’alada baarlamaanka hortaal waa sidee si buuxda loogu dhaqan gelin lahaa dustuurka.

Xaaladaha qaarkood, mucaaradnimo waxaa loo fasirtaa fowdo dhalin karta qaran dumis, taas oo ah mafhuum qaldan. Hirgelinta dimuqraadiyad buuxda, waxey u baahan tahay dhowrista qaanuunka iyo nidaam kala dambeyn dalka. La ma gaari karo dimuqraadiyad buuxda iyo caddaalad loo siman yahay, haddii uusan sharcigu ka sareyn cid kasta.

Dhismaha “Maxkamadda Dastuurka” oo dhoorta awood-qaybsiga dhabta ah waa rugni lagama maarmaan ah. Dhinaca kale, waxaa kobcayo codka iyo awoodda bulshada rayidka ah oo la’aantood dimuqraadiyada aysan degi-karin. Caddaaladdu waa tiirka dowladnimadda, waxaana ka mas’uul ah dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Barlamaanka wuxuu u baahan yahay tababaro joogta ah iyo dhaqaale uu ku fuliyo howlaha, si kor loogu dhigo kartida hawl-qabadka. Garsoorka wuxuu u baahan yahay in laga ilaaliyo faragelinta dibedda [baarlamaan iyo dowlad], si loo helo hufnaan. Dowladda waxey u baahan tahay aqoon-kororsi joogta ah (continuing education), si looga soo kabsado waayo aragnimo la’aanta.

Intaba, waxey kor u dhigayaan wada shaqeynta iyo is-maqalka awooda dowladnimada. Taas, ayaa xoojin karta ka hortaga faragelinta shisheeyaha, la dagaalanka musuq-maasuqa, laaluushka iyo ku takri falka awooda wax u dhimaysa sugidda caddaaladda iyo habsami u socodka nidaamka dowladda.

Waxaa hubaal ah, in awood garsoor oo madax banaan, dimoqraadiyad buuxda, horumar dhaqaale iyo bulsho aysan kala harin.

Dulmi diidow dulmi doonow dulmi diidaan aragnee, dulmi diidow dulmi doono ha isku noqon……………. 

Cabdulqaadir Cariif

Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

F.G.: Heesta waad ka heli kartaa – https://hnymp3.com/mp3/dulmi-doonoow-dulmi-diidaan-aragnay.html

Advertisements