Wednesday, June 7, 2023
Home Gudaha WAAYO DALJIRKA 2017

WAAYO DALJIRKA 2017

Dalkan dadkii lahaa waa baraarugeen, waa dhallinyarada Soomaaliyeed, wiilal iyo gabdhaba. Waxyaalaha xasuusta nagu reebay sannadka 2017 waxaa ugu weyn masiibadii 14kii Oktoobar ka dhacday Muqdisho, isgoyska Zoobe oo hadda loo bixiyay 14ka Oktoobar.

Ayada oo cid kale aysan abaabulin ayey is adeejiyeen Dal iyo Dibadba. Waa tii la ogaa wacdaraha ay dhigeen oo ay ka mid ahayd u gargaaridda dadkii dhaawaca ahaa iyo ururintii meydadka. Waxay saf u galeen inay dhiig u shubaan dadkii dhaawaca ahaa ee u baahnaa.

Meel walba oo ay ku sugan yihiin “WAA WAREEY” ayey ku qayliyeen, iyagoo adeegsanayey baraha bulshada. Dunida oo dhan waxay gaarsiyeen inta ay la egtahay baaxadda dhibaatadii ka dhalatay qaraxii Zoobe maqal iyo muuqaalba.

Ardaydii joogtay Dalalka la geeyay dadkii dhaawacyada culus qabay waxay isku xilsaareen inay kaltan u galaan Isbitaallada la geeyay si ay u garab istaagaan, ugana saacidaan dhinaca luqada marka ay takhaatiirta la kulmayaan.

Dhallinyarada waa kaydka aan ku ribeyno, cisi iyo sharaf Allaha siiyo, saadaasha waa guul Insha Allah. Ugu dambeyn bal ila dhegeysta heesta ay tiriyeen dhallinyarada Xidigaha Geeska:

Afkaygow qolo ma tihid, qabiil iyo reer ma tihid, qof gaar ku lihi ma jiro ……

Xaliima Sheikh iyo Xusein Xusein

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments