Dal walba wuxuu leeyahay dhaqan u gaar ah dadkiisa. Sidaas darteed, waa lagama maarmaan in hoggamiye-yaasha ay aqoon durugsan u leeyihiin dabeecada dalka iyo dhaqanka dadka ay maamu-laayan arrimahooda siyasadeed iyo dhaqaale.
Soomaalida intooda badan, waxey ka soo jeedaan dad reer-guuraa ahaa boqolaal sano. Dadkaas, oo ab-ka-ab ahaa xoolo-dhaqato dabeecadoodu iyo fikirkoodu waxey ku saleysan tahay nolosha adag ee bii’adooda. Degaankaas, oo roobku ku yar yahay, wuxuu leeyahay abaaro isdaba joog ah oo dad iyo duunyaba barakaciya amase laaya (gaajo iyo cudur ku dila).
Dabeecadda noloshaas waxey dadka ku beertay ad-adeeg xad-dhaaf ah. Dhaqankaas, wuxuu bulshada xoolo dhaqatada ah ku beeray inay goorwalba heegan u ahaato dagaal dhaxdooda ah ama mid meel kale uga yimaada.
Sidaas darteed, waxaa qofka ku yaraada dulqaadka iyo dareenka iska hubsashada. Mararka qaarkood wuxuu ku dhaqaaqaa tillaabo u geysata dhibaato ka weyn midda uu tabanayay dad badan, sida dhimasho iyo dhawac. Waxaa jirta mahmaayo Soomaaliyeed oo dhaheysa “hubsiimo halbaa la siistaa.”
Nin Talyaani ah oo daraasad ku sameeyay dhaqanka iyo dabeecadda dadka (Anthropology) ayaa Soomaalida ku sheegay in ay yihiin dad ay Gacantaa ka horeyso maskada (La mano precede il cervello). Taasoo ula jeedo sabar yarida iyo hubsasho la’aanta Soomaalida.
Sidoo kale, taariikh-yahan Carbeed oo magaciisa la yiraah Shibaab ad-Diin, buug uu qoray qarnigii 6aad iyo 7aad oo lagu magacaabo “ Futuuh al-Habasha” wuxuu Soomaalida ku timaamay, marka la reebo ka qayb qadashadooda dagaal jihaad ah, inay yihiin dad leh dabeecad halis ah oo burcadnimo (Savage). Dadka musaafirka ah ayey si joogto ah jidka u galaan una dhacaan.
Waa nasiib darro ah, in dhaqanka waqtigaas oo hadda laga joogo 1500 sano, inuu yahay mid weli dalka ka jira. Maalin walba, warbaahinta dalka waxey soo tabisaa dhibaato burcadda u geysatay dad musafiriin ah oo u kala socda Gobollada dalka. Burcadaas, waxey jidadka u galaan kana dhacaan wixii hanti ah ee ay wateen dadkaas (rag iyo dumurba).
Dhaqankii reer miyiga ee boqolaal sano ka hor ay awoowe-yasheena ku dhaqmi jireen waxba iskama beddelin xataa marki magalooyinka la soo degay, oo dadka aqoon sare oo diin iyo mid maadi ahba ay barteen.
Maanta Soomaaliya waxaa laga helayaa dad haysta shahaadooyin jamacadeed oo heerka ugu sareeya ee Beni-Adamka ay ka gaaray cilmiga (siyaasadda, dhaqaalaha, caafimaadka iwm). Aqoon-yahanadaas, haddane, waxey weli u dhaqmayaan sii dhaqankii gabobay, maskaxdoodana ka ma suulin reer baadiyanimadii.
Waa nasiib darro, inay ummadda Soomaliyeed hoggaankooda ay gaari la’yihiin biseel iyo ilbaxnimo garsisa harumar dhaqaale iyo siyasadeedba. Dalalkii xornimadda qaatay wixii ka dambeyey 1951kii halka ay marayaan iyo meesha Soomaaliya ay joogto waa kaaf iyo kala dheeri.
Si haddaba dalka u gaaro horumar dhinaca walba leh, waxaa lagama maarmaan ah in dadka loo magacaabaya jagooyinka dawladda sida Golaha Wasiirrada iyo kuwa loo dooranayo Xubinimada Golaha Sharci Dejinta ay yihiin dad aqoon durugsan u leh dabeecadda degaanada kala duduwan ee dalkooda, dhaqanka bulshada iyo nooca dhaqaalaha deegan walba.
Ugu dambeyn, waxa lagama marmaan loo arkaa inay madaxda sare ee dalka, inta ay qof u magacaabin xil siyaasad ama darajo sare oo maamulka dhaqaalaha in ay si qoto dheer u hubiso qofku inuu leeyahay: (1) aqoontii loo bahnaa, (2) kana bixi karo, karti ahaan xilka loo magacaabayo, (3) in-dheer-garad daacad u ah dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa.
Qofkasta oo wax garad ah waa inuu og yahay in “QOF XIL QAADAY EED QAADAY.” Dadka Soomaalidana iyagoon aan wax hubsan inay qof eedeyaan waxba uguma fadhiso, oo ma laha damiir Alle ka cabsi iyo dhaqan hubsasho.
Ayadoo aan laga tagayn tixgelintii siyaasadeed ee awood qaybsiga qabiilka, haddana waa in qofna lagu qaadan qabiilkiisa keliyah. Jidgooyo siyaasadeed soddon sano ayay dalkaa dib u dhigtay. Inta laga gaarayo Hal qof iyo Hal cod, waa in la hubsado, qofka in uu leeyahay tayo hoggaan, waddaninimo iyo shuruudahii loo baahanaa.
MaxamdeXuseen Amin
Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
F.G.: Masawirka Amir Arts – http://www.aminarts.com/