Soddon sanadood oo jaha-wareer siyaasadeed, burbur bulsho iyo dhaqaale ka dib, Soomaaliya waxey soo gaartay halkii ay ka hirgelin lahayd dhaqaale caadi ah oo u horseeda horumar.
Shaki kuma jiro, in Soomaaliya ay la kulmayso caqabado adag si dhaqaalaheedu uu dib ugu soo laabto xayn-daabka dowladnimada. Amniga iyo khatarta cimilada ka sokow, dhaqaalaha waxaa dabraya raa’sulmaal la’aan iyo maqnaashaha banki dhexe – oo uruuriya xogta dhaqaalaha, dejinya siyaasadda lacagta, ilaaliyana heerka qiimaheeda.
Dhinaca kale, beeraha iyo xoolaha oo saldhig u ah dhaqaalaha dalka waxaa 2015kii laga dhoofiyay $.859 million keliyah, halka la soo dejiyay $.3.7 bilyan. Isu dheeli tir la’aan ganacsiga dibedda (trade deficit) oo dhan $.2.8 bilyan ayaa ka mid ah caqabadaha xalka u baahan.
Badeecadaha la soo wariiday (imported), lagama taxaderin saamayntooda tacabka dalka, maceeshada dadka iyo bii’ada toona. Weliba, intaas waxaa ka daran in canshuurta laga soo hooyay ay ka yar tahay boqolkiiba 2 GDPga.
Dalalka Rwaanda iyo Tuunisiya dakhligooda canshuurta waxaa lagu qiyaasay, intii u dhexeysay 2000-2014kii, inuu kala ahaa 16.1% iyo 31.3% GDP. Dalba dalka uu ka dakhli canshuur uruuris badan yahay ayuu ka kabasho dhow yahay, kana hanasho og-yahay kalsoonida maalgashatada caalamka.
Si kastaba xaaladu ha ahaatee, saadaasha IMFtu waxey soo kordhisay kalsooni. Waxaa la filayaa in 2018-2019ka kobaca dhaqaalaha uu ballaarto boqolkii 2.5 ilaa 3.0. Inkastoo, walaaca siyaasadda uusan u hiilinayn horumarka dhaqaalaha dalka, haddana saadaashu waxey tilmaan u tahay in Soomaalia ay ka gudubta xiligii dowlad la’aanta.
Shirkii Nairobi ee IMFta iyo Dowladda Soomaaliya, 5tii ilaa 11kii Dish. 2017kii, waxaa ka muuqatay rajada suuro-galka cafinta daynta ($5.3 bilyan) dalka. Ididiiladaas marka lagu daro olololaha canshuur uruurinta, waxaa cad in dalku diyaar u yahay horumar dhan kasta leh.
Waxaa nasiib darro ah, in aysan fududeen si dayn laysugu cafiyo amase mid cusub laysu amaahiyo. Kol haddii aan la filayn in si degdeg ah loo helidoono maalgelinta tooska ah ee dibedda, haddaba, xagee laga doonaa ilo dheeraad ah ee maalgashi?
Marka hore, waxaa loo baahan yahay in aanu meel isla dhigno maalgelinta tooska ah ee dibedda (Foreign Direct Investment – FDI). Maalgelintaas, waxaa lagu sameeyaa danaha ganacsiga amase lagu hantiyaa hantida waddanka kale sida: banuugta, warshaddaha, beeraha, soo saarista qayraadka dabiiciga ah, dib u dhiska kaabayaasha, iwm.
Sida badan, ma sahlana in kalsoonida maalgashatadaas la hanto. Waxey aad uga taxadaraan halista (risk) la xiriirta nabad-gelyada, caddaaladda, sharci dejinta, sarrifka, dheeli tirka dhaqaalaha, xasiloonida siyaasadda iwm.
Villa Somalia, ka ma fursandoonto inay dib u eegto sidii qurba-joogta ay gacan rasmi ah uga gaysan lahayd horumarinta mashaariicda waara. Wax-tarka mustaqbalka fog ka sakow, waxaa abuurmaya shaqo baahsan, hoos u dhacaya kharashka wax soo saarka iyo ganacsiga, si dadbanna u kordhaya jawiga nabadda iyo dakhliga canshuuraha.
Dood kama taagna, in maalgelinta qurbo-joogta saamayn ay ku leedahay koboca dhaqaalaha. Saameyntaas waxey ku xiran tahay hadba habka loo isticmaalo raa’sumaalkooda. Sida uu qoray wargayska “The Economist” 1dii Aguust 2014, boqolkii 40 dadka Soomaaliyeed waxey ku tiirsan yihiin xawaaladdaha dibedda.
2015kii, xawaaladdaha waxaa lagu qiyaasay boqolkii 23 GDP, waxaana badankooda loo isticmaalaa quudsi (consumption). Inta ka soo hartana, waxaa la geliyaa hanti-maguurta ah, oo aan si toos ah waxtar u lahayn kobaca GDP. GDPgu waa habka lagu xisaabiyo inta badeecadood iyo adeeg uu guud ahaan dhaqaaluhu soo saaray waqti mucayin ah.
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ku haboon inuu si taxadar leh u raadiyo hab-maaliyadeed waxtar u leh mustaqabalka dalka sida “qurba-joog sukuk.” Kharashka raa’sumaalkaas oo yar ka sokaw, waxaa kordhaya kalsoonida maalgashiga.
Intaas waxaa dheer in “qurba-joog sukuk,” qaranku ku magidoono shillin Soomaali. Halka maalgashiga shisheeyahu u baahan yahay in lagu bixiyo lacag adag. Weliba, maalgelinta sokeeyaha (xawaaladda) waxey u fal-gashaa, markii loo baahdo, sidii miisaan dheeli tira hoos u dhaca maalgashiga shisheeye iyo sabaynta suuqa sarrifka.
Sideedaba, xawaaladdaha qurba-joogta waxey dowr weyn ka qaataan awooda wax soo gadashada dibedda. Qurba-joog “Bond,” waxaa ku liibanay dalalka Hindiya iyo Israa’il. Waxaase ku hingoobay (lug go’ay) dalal ay ka mid yihiin Ethiopia iyo Giriiga iwm.
Guusha ma sahlana, waxayse ku xiran tahay ololaha maalgashiga, daah-furnaan joogta ah iyo wada xisaabtan dhab ah. Intaas waxaa wehliya, kalsoonida qurba-joogtu ay ku qabaan guud ahaa habka maaliyadda iyo xasiloonida siyaasadda.
Waxaa dersi noogu filan, saameynta siyaasadda ku leedahay horumarinta dhaqaalaha, marka dalalka laysku qiyaasayo ay inta kale iskaga mid yihiin. Tusaale, haddii lays barbar dhigo heerka horumarka dhaqaalaha dalka Talyaaniga iyo kan Jarmalka, waxaa cad in Jarmalku uu ka sito Talyaaniga. Haddaba, waxaa isweydiin muddan, waa maxay sababtu?
Jawaabtu ma sahlana, waxaase laga baadi-goobi karaa taariikhda siyaasadda labada dal. Dalalkaas waxey ku jabeen dagaalkii 2aad ee adduunka. Markaas kadib, ayuu dhaqaalahoodu bilaabey inuu dib u soo kabto.
Dalka Talyaaniga, intii u dhexeysay 1946kii ilaa 2016kii, waxaa soo maamulay 65 xukumadood. Halka dalka Jarmalka, intii u dhexeysay 1949kii ilaa 2016kii, ay soo maamulayn 24 xukumadood keliya.
Halkaas, waxaa ka cad in Talyaaniga ay ka jirtay xasilooni darro siyaasadeed oo kalifatay in muddo gaaban guddahooda lagu bed-bedelo xukuumaddaha. Taas waxey saameyn ku yeelatay horumarka dhaqaalaha Talyaaniga. Maanta, dalka Jarmalka wuxuu horseed u yahay dhaqaalaha reer Yurub (Eurozone), halka Talyaaniga uu soo luudayo safka seddexaad.
Sidaas darteed, horumarka dhaqaalaha iyo xasiloonida siyaasadda waxaa ka dhexeya xiriir toos ah. Soomaalida waxey halkaan ka baran kartaa cashar muhiim ah. Tusaalaha, kuma ekay labadaas dal oo keliyah, ee waxaa lagu dabaqi karaa isbarbar dhiga dawladaha Ingiriiska iyo Faransiiska, iwm.
Antonio Guterres – Xoghayaha Guud ee QM ayaa sheegay in shirkii London ee 11kii May 2017, uu siiyay Soomaalida fursad ay kaga guddubto rubac-qaarni colaad iyo faqri, kuna dhisato dhaqaale caadi ah oo u horseeda horumar busho.
Waxaa hubaal ah, in walaaca siyaasadda uu tuhun gelinayo awoodda fulinta dowladda mashaariicda horumarinta waarta. Haddaba, si looga badbaado shirqoolka meertada ah, waa inaan laga il-duufin waxtarka maalgelinta qurba-joogta. Sideedaba, maalgelinta qurba-joogta waa ka xasilooni badan tahay midda shisheeyaha, gaar ahaan xiliga dib u soo kabashada.
War iyo dhammaantii, iskaashiga dowladda iyo hantida gaarka ah (wadaniga) waa wadiiqada dalku ku gaari karo xasilooni siyaasadeed, horumar dhaqaale iyo bulsho.
Oraah Soomaaliyeed ayaa leh: “Howl Ninkiisii Hadaafow [fadhi-ku-dirir] Yahay, Yaa u Hormari Kara!?!”
Cabdulqaadir Cariif
Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.