Afgambi Siyaasadeed: Jawaari iyo Khayre

In muddo ah jawJawari - Khayreiga siyaasadda Soomaaliya wuxuu ku jiray “bash-bash.” Dhaqankii siyaasadda fowdada ku dhisnaa wuxuu u muuqday mid laga gudbay. Hase yeeshee, rayn-rayntii ma sii raagin.

Waxaa durba bilowday boodyo qaawsi siyaasadeed. Qal-qal dastuuri ah ayaa dalku qarka u saarmay. Jaha wareerka mas’aladda kuma ekeen Soomaalida, ee dano shisheeye ayaa gacmaha la soo galay.

Sideedaba, siyaasadda dimoqaraadiyada barlamaaniga ku dhisan kama dhamma aragti kala duwanaan iyo iskhilaaf macquul ah. In ka badan boqolkii 62 dowladood ayaa ku dhaqma tabtaas.

Haddana hirgelinta dimoqraadiyadda dhabta ah waxey ku xiran tahay isbedel dhaqan-bulsho, si loo ilaaliyo qaanunka dalka. Haddii aan sidaas loo wajahin xaqiiqada waxaa laga yaabaa in fashil siyaasadeed oo hor leh dalku ku habsado.

Ma sahlana xaajada, balse haddii dib loo eego taariikhda khilaafka dowladda dhexe iyo gudoonka barlamaanka, waxaa dhici karta in aanu fahamno halka fidnadda ka socoto. Sheekada waxey ku bilaabatay nux-nux ku aadan in la qooshayo mooshin ka dhan ah dowladda kol haddii mucaaradka ku fashilay Istambuul iyo Nairobi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa si qoraal ah dowladda uga codsatay  inuusan aqbalin wax (mooshin) qalqal gelinaya maamulka. Arrintaas wuxuu u arkay guddoomiyaha afgambi siyaasadeed.

Waxaa seegtay guddoomiyaha inuu kula gorgortamo Ra’iisul-wasaaraha inuu la yimaad aqlabiyad taagersan fikradiisa. Inkastoo dowladda lagu ansaxiyey aqlabiyad sare, haddana xildhibaanadda Soomaalida ma laha mabda’ joogta ah, dalkana xisbi kama jiro.

Ayadoo laga warsugayo gudoonka ayaa barlamaanka la horgeyey isafgarawaagii Soomaaliya iyo  Emaraadka (heshiiska DP World iyo Somaliland). Xaaladda ololsan awgeed ayaa xildhibaanada la hordhigay hindiso-sharciyeed degdeg ah.

Nasiib daro, xildhibaanada ma laha kal-kaaliyeyaal u soo darsa sharci-hindiseedyada inta aysan ansaxinin . Cilada waxey ka taagan tahay dhaqaalo xumo, waqtiga shaqada xildhibaanada oo yar iyo awoodda aqriskooda oo liidata.

Hindiso-sharciyeedka  lagu takoorayey DP World waxaa la ansixiyey ayadoo aan laga fiirsan saameyntiisa. Sida ay qoreen wargaysyadu, siiqada (language) sharciga wuxuu u dhacayay in dowladda laga qaaday “awooda gelista heshiis-caalami,” ilaa baarlamaanka uu ka ogolaado heshiiska.

Halkii laga sugaayey iskaashi iyo wada shaqayn ayaa waxaa ka dhashay tuhun  iyo xirig-jiid awood qaybsi dowladnimo. Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Xasan Cali Khayre uu helay sir la xiriirta in dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah uu heshiis hoose la gaaray guddoomiyaha.

Si aan si qarsoodi ah loo horkeenin golaha mooshin, ayaa dowladda dul-dhigtay dhismaha barlamaanka ciidan suga nabadda. Inkastoo dowladda sharci ahaan ay awood u leedahay nabad sugida, haddana tilaabadaas waxey dhiilo gelisay guddoomiyaha.

JAWARIXaajo ku suubaneyd in hoos loo dhaqo ayaa la hordhigay siyaasiyiin caqli-gaab ah (narrow minded). Arrinta waxey ka murugtay kala war qaadasho la’aanta hogaanka dalka iyo saboolnimada cuqaal-qarameed hoos u dhaqda axwaasha dalka.

Culumadda cilmiga siyaasadda ku takhasustay ayaa hore u sheegtay in khilaafka dimoqaraadiyadu, haddii aan laga taxaderin, uu isku rogi karo colaad gaari karta isku dhac hubaysan, markii lays quursado amase lays muquuniyo. Ficilka Guddoomiyaha wuxuu noqday quursi, halka kan Ra’iisul-wasaaraha uu u muuqday inuu yahay qoor-qabad.

Inkastoo aan xaqiiqada la wada hayn, haddana waxaa laysla dhexmarayaa in Maxamed Sheikh Cusman – Jawaari uu ka carooday ka tixgelin la’aanta xulashadii golaha wasiiradda. Dhinaca kale, codsiga qoraalka ah wuxuu  astaan u yahay kalsoni darrada dowladda ay ka qabto qoolka Guddoomiyaha.

Talo waxey faraha ka baxday markii dowladda ay uga jawaabtay eedaynta warbaahinta loo soo mariyey ololayn mooshin.  Guddoomiyaha waxaa lagu eedeyay inuu ku takri falay awoodiisa, diidayna dib-u-habeenta dastuurka. Xildhibaanada waxey la kala safteen labada dhinac, mana la helin koox-qarameed u kala deb qaada.

Waxaa halkaan ka cad in dhaqanka siyaasiyiinta Soomaaliya uu ku dhisan yahay aragtida loo yaqaan “Zero-Sum Game.”  Aragtidaas waxey aaminsan tahay  “guul ama guul-daro.” Mana laha wax u dhexeeya.

Waxaa loo baahan yahay in wax laga barto dhacdada manta, laguna fekero sidee xaaladaas oo kale dib loogu laaban. Siyaasiyiinta Soomaalida waxaa ka maqan in tanaasul, sabrid (dulqaadasho) iyo isfaham uu yahay wadiiqada dal uu ku hormaro.

Sideedaba, xasiloonida siyaasadda iyo horumarka dhaqaalaha waxaa ka dhexeya xiriir toos ah. Soomaaliya waxey u baahan tahay inay la timaad faham cusub oo u horseeda madaxbanaani dhaqaale iyo siyaasad.

CABDULKADIR CARIF

F.G.: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

F.G: Masawirka gacanta waxaan ka soo amaahaney AmirArts

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s