Thursday, June 1, 2023
Home Dhaqaalaha Dhal Dhalaalka Beenta ah (A White Elephant)

Dhal Dhalaalka Beenta ah (A White Elephant)

Sida warbaahinta dalka lagu faafiyay 6dii Maarso 2018 Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari wuxuu sheegay in dalka Barlamaan cusub looga dhisi doono.

Darta barlamaankii hore waxa la dhisay bilaawgii 70yadii, xiligii dawladii mililetriga aheyd ay dalka ka talineysay. Waxaa lagu dhisay mucaawino laga helay dawladda Talyaanigaa.

Dhismaha xarunta cusub, sida uu guddomiyaha sheegay, joogeeda wuxuu noqonayaa todobo dabaq.  Waxey yelaneysa qolol xafiisyo ah oo xildhiban kasta u gaar ah. Sidoo kale, xaruntaas waxey yeelaneysaa qol weyn oo shirarka barlamaanka lagu qabanaayo iyo shirarka caalamiga ah haddii loo bahdo.

Mudane Jawaari waxa kaloow ummadda Soomaaliyeed u sheegay in dhismaha daartaas ay ku bixidoonto lacagta gaareysa 100 Malyan oo Doolar. Kharashkaas waxaa ballan qaaday bixintiisa dawladda Turkiya.

Intaas waxaa dheer in dowladda Qadar ay dhawaan dalka ku deeqday lacag gaareysa 200 Malyan oo Doolar ah. Marka laga reebo dhismaha jidka isku xira Afgoye-Muqdisho iyo Jawhar, lacagtaas waxey ku baxeysaa badan keeda dhismooyinka xafiiska Ra’iisul-wasaaraha, Wasaarada Qorshaha iyo dowladda hoose ee Xamar. Haddana, dhamaan dhismooyinkaas waxna kuma soo kordhinayaan horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada toona.

Haddaba, waxaa isweydiis mudane, seddaxada qaybood ee dawladda oo kala ah: Xafiiska Madaxweynaha, Golaha Xildhibannada, iyo Golaha Wasiirrada mid walba ma si gaar ah ayuu heshiisyo ula geli kara dawladaha  shisheeye, siiba haddii  heshiisyada ay saameyn ku yeelan kara madaxbanaanida siyaasadda dalka,  dhaqaalaha, amniga, iwm? Mise waxa jira xafiis (wasaarad) arrimahaas si gaar ah ugu xilsaaran oo baarta nacfiga mashruuca dalka u leeyahay, kadibna hor geynaysa Golaha Wasiirrada, Barlamaanka iyo ugu dambeyn Xafiiska Madaxweynaha si intaba u ansixiyaan ?

Sida la ogyahay waxaa dalka goor dhow uu ka soo baxay abaaro ka dib markii roobabkii da’i jiray ay yaraadeen. Isla markaasna dhirta dalka si masuuliyo darre ah loo jaray, dhuxul ahaana dibidda loo iib geeyay.

Sidoo kale waxa isbeddal ku dhacay cimilada guud ahaan dunida oo keenay dufaano iyo abaaro daba dheraaday.  Wabiyada oo biyo yareeyay mararka qarkoodna gebi ahaanba guray.

Arrimahaas waxey sababeen in magaalo madaxyada Gobollada iyo Caasimada dalka ay ku sugan yihiin amase ay ku soo qulqulayaan dad badan oo macluul uga  soo hayamay deganadoodi.

Inkastoo raxmada Alle lagu diirsaday, haddana roobkii dhowaan ka da’ay dalka waxey khasaaro xoog leh u geysteen magaalooyin badan, khaas ahaan kuwa ku yaal jiida wabiyada.

Waxaa lagama maarmaan ah in madaxda sare ee dalka ay goor walba ku baraarugsan yihiin kala hormarinta mashaaricda hirgelintooda sida baahida dalka ay u kala daran tahay. Waxaa lagama maarmaan ah in baaris lagu sameeyo mashaaricda horumarinta inta aan daar lagu shubin waxa yar ee dalka lagu deeqay amase la soo deynsaday.

Dalku wuxuu u baahan yahay habeynta iyo maamul u sameynta biyaha labada Webi. Sidoo kale waxaa baahi ka jirtaa horumarinta tabacka beeraha iyo warshadeyntooda si loo kordhiyo dhoofinta-dalabka dalka. Sidoo kale waxaa u baahan in la kordhiyo tababarka iyo talosiinta shaqaalaha farsamada wax-soo saarka beeraleyda, xoolaha iyo kaluumeysiga.

Mashaariicda u baahan wax ka qabadashada aad ayey u badan yihiin, ha yeeshee waxaa wanaagsan dawladda inay sannad walba qorshaha misaaniyadeeda  iyo wax-qabadkeeda ku darsato kharash dayactir amase dib u dhiska kaabadaha dhaqaalaha oo ay ugu horeyaan jididka si isu-socodka dalka gudahiisa u fududaado.

Iyadoo dawladda Turkiya ay ku mahadsan tahay gargaarka aadan–nimo iyo garab istaagga joogtada ah ee dadka iyo dawladda Soomaaliyeed. Arrinta ku saabsan dhismaha xarun cusub ee Golaha Shacabka oo la sheegay in dhowaan la bilaabayo, waxa wanagsaan in dib loo dhigo inta uu dalka dhaqaale ahaan iyo nabadgelyo ahaanba uu isku filaansho ka garaayo, lacagtaasna loo weeciyo mashaariin ka nacfi badan.

Sida, xubno ka tirsan xildhibaanada dalka ay shegeen waxaa xarunta baarlamaanka lagu shaqeyaa 4 malmood todobaakiiba.  Sacaadaha fadhiyadana kama badna 3 ilaa 4 saacadood maalintiba.

Sidaas darteed hadda ma jirto baahi degdeg ah oo loo qabo dhismo xarun cusub . Daartii hore ee barlamaanka oo 8dii sano ee la dhaafay lagu shaqeynaayay haddii ay u baahan tahay dayacatir waa in dawladda ku sameysaa.

Lacagta loo qondeeyay dhismaha daar cusub oo barlamaanka iyo deeqda dowladda lagu dhisayo xafiisyadda wasaaradaha, ma aha mid waqtigaan ku habboon in la geliyo dhismo (white elephant) sababo badan awgeed:

  • Dalka Soomaaliyeed wuxuu hadda ku jira dagaal ka dhan ah al-shabaab.
  • Ciidamada dalalka Afrika ka socdana waxaa la qorsheynayaa sidii dalka ay uga bixi lahaayeen.
  • Ciidamada Soomaliyeed weli ma laha tabar wanaagsan mana haystaan qalab dagaal oo tayo leh.
  • Maamulka daarta dabaqyada badan iyo xafiisyada dhal-dhalaalaya waxey u bahan yihiin hanti lagu daryeelo iyo kharash aan yareen sida wiishash, korontada, nadaafad gudaha iyo dibedda iwm.
  • Intaas oo dhan waxey la imanayaan kharash sannadeed badan oo waqtigaan Miisaaniyadda dalka ay qadi karin. Daqliga dawladda weli kuma filna in uu daboolo wax ka badan mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha.

Ugu dambeyn lacagta loogu tala galay in lagu dhiso xarunta cusub ee barlamaan dalka iyo xafiisyada dowladda waa in lagu wareejiyo dhinaca mashaariicd waara ee la xiriira horumarinta dhaqaalaha ee ay baahida weyn ka jirto, oo u baahan in dalka wax lagala qabto, iyadoo dawladda Turkiya iyo Qadar loo bandhigayo mashariicdaas kuwa ay yihiin.

Maxamed Xuseen Amin

Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments