Thursday, June 1, 2023
Home Siyaasadda Soomaalida Weli Biseyl Dawladnimo Ma Gaarin

Soomaalida Weli Biseyl Dawladnimo Ma Gaarin

Dadka addunka ku nool casrigaan horumar weyn ayey ka gaareen dhinac walba. Horumarkaas oo ku saabsan nolosha bulshadooda, ha ahaato dhinaca aqoonta, siyaasadda, dhaqaalaha, isgarsiinta, gaadiidka dhulka iyo cirka. Hase yeeshee, Soomaalida waxey weli ku sugan yihiin halkii ay awoowe-yashood kumanaan sano ka hor jogeen.

Nasiib darro, shacabka Soomaaliyeed ee casrigaan weli ma gaarin inay maskaxda ka shaqeysiiyan oo ay wax ka baddelaan hab-dhaqankii bulsho iyo dhaqaale ee gaboobay oo ku dhisnaa: dhaqan xoolo-dhaqato reer guuraa ah. Kuwaas oo marba xoolahooda  ula guuro meesha uu roob ka da’o iyo dad degaan joogta ah leh oo beeraley  ah, hayeeshee wax-soo-saarkooda uu weli  joogo heer uu qof ama dhowr qofood  oo hal qoys ka tirasan ay dhulka  beerta masaar kaga geed qaadan.  Beerta marka sidaas loo diyaariyo beeraleyda waxey tacbaan xiliyada ay roobabka soo dhawadaan. Miraha ay abuurtaana waxey yihiin Galey, Messego ama Haruur, Sisin, Digir iyo wixii la mid ah.

Roobabku haddii ay xiliysdoodi da’i wayaan, beeraleyda ma haystaan wax ay suuqyada geyaan iska dhaafe wax ay cunaan. Maxa yeelay wax-soo-saarkooda kuma darsadaan inay kayd sameysataan si waqtiyada abaaraha ugu badbadaan.  Sido kale, xoole-dhaqatada ma sameystaan dhul seero ah oo dhir iyo coosba ay ku beeraan, si waqtiyada abaaraha dad iyo duunyaba uga badbaadan macluul iyo dhimasho intaba.

Somali House FarhiaSoomaalida iska dhaaf mashaariic waaweyn oo waxtar leh inay sameystaane, ma gartaan dhulka ay sheganayaan inay leeyahiin, siiba xoolo-dhaqatada, oo u badan omane ah inay hormariyaan. Mana awoodaan inay iskashadan kooxdii meel wada degaanba oo ay Ceelal qotaan si ay iyaga iyo xoolahodaba biyo u helaan. Waqti aan dhoween, waxaan maqli jiray odoyaal ku sheekeysanaya ceelal badan oo gobolada ku yaal in ay qodeen Ajuuraan, iyagoo isla markina ka cabanaaya inay biyo la’aan haysato.

Dhul dabeecad adag leh, meel kasta oo dunida ka mid ah ayuu ka jira. Hase ahaatee dadka ayaa maskaxdooda iyo muruqoda isu geeya kadibna ceelal qota. Tusaale ahaan dadka Yaman iyo Shiinaha waxey boqolaal sano ka hor dhul buuraley ah oo wax-berista ku wanaagan biyo sareen, iyagoo aan haysan qalab casriga ah sida Wiishash ama Motorro. Intaas waxey ku gaareen caqli iyo xoog ay isku geyeen. “RABBIYOOW DAD AAN WAX GARANEYN HA CADAABIN.”

Tirada shacanka Soomaaliyeed

Guud ahaan qaybaha dadka Soomaaliyeed ma tiro badana. Waxey ka kooban 4 qaybood oo waaweyn iyo qabaa’il yar-yar oo dega hareeraha Webiyada dalka, magaalooyinka qadiinka ah sida: ee Banaadir, Marka, Barave iyo Jasiirado yar yar oo Koofur ka xiga magaalada Kisimaayo. Tirada dadka Soomaaliyeed waxa qiyaas ahaan waqti hore lagu sheegay, sida Buugga uu qoray ninka Ingiriiska ah ee magaciisa yahay I.M. Lewis, oo sanadahi 1955tii ila 1957di joogay carriga Soomaliland, buggaas oo magaciisa yahay “A Pastoral Democracy” wuxuu boggisa 7aad qaybtiisa hoose  ku sheegay qiyaasta tirada dadka  Somaliland deganaa in ay aheyd 640,000. .Sidoo kale wuxuu  sheegaya in qiyaaso kala duwan lagu sheegay tirada dadka Soomaliyeed ee Talyaniga gumeystay, kuwaas oo ah : 1,250,000 iyo  2,000,000; hayeeshee isaga uu  qaatay midda ah 1,250,000 qofood.

Tirooyinkaas madama dadka Soomaaliyeed cid tirisay oo Koow iyo Labo tiri ay jirin ma noqon karaan kuwo lagu kalsoonan karo. Waqtiga hadda la joogo qiyaasaha tirada guud ee labadii qaybood oo xorriyadooda helay 1960ki waxaa lagu sheegaa inta u dhaxeysa 12 ila 14 Milyan.

Dhibaatada iyo dib-u-dhaca uu Isticmaakii reerYurub u geystay dadka Soomaaliyeed.

Dhibatooyinka iyo dib u dhaca uu u geystay isticmaarka ummadda Soomaliyeed waxa ka mid ah: xoriyad iyo waxbarasho la’aan, is-hortaag horumar bulsho, dhaqaale iyo wixii dhaqdhaqaaq siyasadeed ah intaba. Sababahaas waxey yihiin kuwa soo socda:

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dawladahii reer Yurub ee qabsaday Soomaliyeed, wixii ka dambeeyay shirkii Berlin ee 1884ti, waxa ka mid ahaa inay dalka u kala gogoyeen 4 qaybood oo ah:

(1) Ingiriiska wuxuu qabsaday labo qaybood oo kale ah: (b) Dhulka Somaliland oo isugu jira Waqtiga iyo dhulka Soomaalida Galbeed ee hadda loo yaqaan Kilinka Shanaad. Dhulka Soomaalida Galbeed wuxuu Ingiriiska ka gooyay Somaliland, kadibna wuuu siiyay dalka Etiobiya, waqti yar ka hor inta uu Somaliland siinin xorriyada 26kii Junyo 1960kii.  (t) Sidoo kale Ingiriiska wuxuu qabsaday qayb ka mid aheyd dhulka Soomaaliyeed oo xuduud la lalaha dalka Kenya. Dhulkaas wuxuu u baxiyay NFD – “Northern Frontier District,” si uu muujiyo inuu ka duwan yahay dhulka Kenya. Hayeshee, markii uu Kenya siinayay xorriyadeeda 1963di, halkii dadka Soomaliyeed dhulkeeda dib ugu soo celin lahaa, wuxuu ku darey dalka Kenya. Ingiriiska wuxuu ugu daneynayay dadkiisa beeraha iyo hanti kalena ku lahaa Kenya, wuxuuna yiri: Arrinta ku saabsan dhulka NFD Soomalida iyo Kenya ha ka heshiiyaan.

(2) Faransiika wuxuu qabsaday dhulka Soomalida iyo Cafarta oo halbowlaha u ah mariinka badda cas “Strategic.” Baddaas waxey isku xirta Yurub, Afrikada Woqooyi, Yeman, Woqooyiga, Soomaaliya iyo weliba Bad Weynta Hindiya.

(3) Talyaaniga ugu horaanti ka kireystay Sultankii Carbeed ee reer Comaan oo haystay Jasiiradda Zanzibar 1892dii dhulka Soomaliyeed ee Gobolka Banaadir. Gobolkaas wuxuu ka koobnaa degmooyinka xeebta ee Warsheikh, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.  Sannadka marku ahaa 1905tii ayuu Suldaanka Zanzibar, oo watigaas ahaa Barghash, ka iibsaday degmooyinkaas oo Caasimada ay u aheyd Muqdisho. 1922tii wixii ka dambeyay, oo dawladii Fascistaha aheyd ay xkunka dalka Talyaniga ay qabsaatay wuxuu Talyaaniga isku balaariyay guud ahaan dhulka Soomaalida laga bilaabo Bosaaso ilaa iyo Kisimaayo. Talyaaniga wuxuu watay barnaamij ah in uu weligiis deeganaado Koofurta Soomaliya. Sidaas darteed, wuxuu dalka keenay beeraley Talyaani ah oo uu dejiiyay dhulka ay webiyada maraan si ay u beertaan iyagoo hab khasab adoonsi ah shaqaalaha Soomaliyeed ugu shaqeystaan. Isticmaarka Talyaaniga wuxuu ahaa mid dadka dalka leh aan u oggoleyn waxbarasho dhafsiisan fasal 3aad ee Dugsiyada Hoose. Intaas waxa sii dheer in uu dugsiyo waxbarasho ku baahin dalka oo dhan. Sidaas darteed, 25tii bishii Febraayo 1941, markii dagaalkii labaad ee dunida uu Ingiriiska ka qabsaday Talyaaniga dhulka kofurta Soomaliya dugsiyada dalka ka furna ma dhafsiisneyn Fasalka seddaxaad. Ardada shahaado ka qatayna waxey garayeen 1000 arday oo u qaybsan labo ah:  nus Soomali iyo nus Yamaniin

(4) Itoobiya, sida kor lagu soo sheegay, wuxuu Ingiriiska siiyay qayb ka mid ah dhulka Soomaliyeed, in kastoow jiray heshiis uu Ingiriiska uu la saxiixad Odoyaal ka Wakiil ah ummadda Soomaaliland, heshiiskaas uu ku ballan qadayay in dhulka Soomaliland uu ka difaaco (Prote ction) wixii dowlado kale ah ee dhulkooda soo hunguriyeeyo. Ingiriiska heshiiskaas waa ku ballan kadibna wuxuu qayb ka mid ah dhulka Soomaliyeed wuxuu siiyay dalka Etiobiya. Nasiib darro Etiobiyana, oo dal Afrikaan ah, isla markina aan jaar nahay waxay garan waysay inay ka qayb qadanin dhibaatooyinka badnaa ee reer Yurub ay u geysanayeen dadka Soomaaliyeed.  Dhibatooyinka waaweyn ee isticmaarka reer Yurub ay u geysteen dadka   Soomaliyeed waxa ka mid ah inay horumarinta aqoonta shacabka waxba ka qabanin oo ay furin Jaamacado si sare ugu qadaan heerka aqoonta dadka.  Sidaas darteed 1960kii ay Ingiriiska iyo Talyaniga dhulka Soomaaliyeed oo muddo dheer ay hasteenlaga soo bilaabo 1884/1886 oo dhan 74 sano, ma jirin wax horumar dhaqaale ama bulsho ah oo ay labadabaas dal u sameyeen shacabka Soomaaliyeed ee dhulooda ay qabsadeen.

Maha wax logu soo koobi karo hal qoraal dhibaatooyinka dawladahii isticmaarka ahaa ay u geysteen dalka iyo dadka Somaaliyeed. Dhibatoyinkaas oo kuwooda si tooska u taabana bulshada ay ka mid yihiin:  ka curyaminta dhinaca waxbarashada, wax ka qabasho la’aanta daryeelka caafimaadka guud ee bulshada, wax ka qabashada waddooyinka isku xira Gobollada iyo Degmooyinka dalka. Arrimahaas iyo kuwo kale oo raad ku leh hab dhaqanka Soomaalida oo aan  aqoon u laheyn iska dhaaf wax siyaasad iyo dawlad waxtarkeede aan garaneyn inay wax isku darsadaan oo shirkado sameytaan si ay horumar dhaqaale u garaan. Waa jiraan dad aan badneyn oo dalka gudahiisa iyo dibedaha wax ku soo bartay oo shahadoyin heer sare ah haysta, hayeshee    dadkaas waxey ka badi wayeen danahooda gaarka ah oo ah sida ay hanti deg deg ah u sameysan lahayeen iyo kuwo go’aansaday inay dalalka dibedaha ku noladaan ha ahaatee Idaacada ka had-hadlo iyagoon soo bandhigeynin wax fikrado ah oo wax looga qabadan karo dhibatooyinka waaweyn ee dalka ka jira sida:  abaaro soo noqnoqda,  amini darada, musumasuuqa  iyo wixii la mid ah.

Ugu dambeyn Dhibaatooyinka iyo masuuliyad darrada dalka ka jirta oo, mar kasta, in farta lagu fiiqo ay tahay waxaa ka mid ah hab-dhaqanka xubnaha Golaha Sharci Dejinta oo lixdi biloodba mar ama wax ka badan mashquul ku noqda diyaarinta  “Motion” lagu ridaayo Golaha Wasiirada taasoo danta ay ka leeyihiin ay tahay si  dawladda ay ugu helaan kuraas Wasaaradeed ama xogaa dhaqaale ah.  Sidaasna ay ku curyaaman waxqabadkii xubnaha dawldda bilo badan iyo hawlahii sharci dejinta ahaa ee ummadda ay u dooartay. Dhaqankaas waa mid si buuxda u caddeynaaya heerka garaadka la,aan bulshada  oo ah dawlad la’aanteed dal inuusa jiri karin.

Mohamed Xuseen Amin

Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments