Heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya

Horn of AfricaBooqashadii Ra’iisul-warsaaraha Itoobiya Dr. Aby Axmed Cali ee Muqdisha 16kii Juun 2018ka, waxey ku soo kordhisay dooda qaranka fikrado si qoto dheer u kala fog.

Fikrada hore oo lagu tilmaami karo “Protectionism,” waxey ku doodaysaa in gooni oo loo kala istaago [deriska] lagu ilaalin karo madax-banaanida dalka, laguna dhowri karo dhaqanka bulshada, diinta iyo dhaqaalaha.

Taas waxaa lid ku ah, fikrad lagu tilmaami karo “Globalism,” oo qabta in isku furitaanka xuduudaha – oo uu ganacsiga si xur ah u socdo, ay dhalinayso horumar dhaqaale iyo siyaasad keeni kara in nabad lagu wada noolaado.

Runtu waxay tahay in labada aragtiba ay leeyihiin sifooyin wanaagsan, iyo kuwa xun oo loo baahan yahay in laga feejignaado. Arrintu waxey u eg-tahay:  “Neef-Kaaga Dabro, Eebana Ku Aamin.”

Muranka u dhexeeya tarjumada heshiiska ma yara. Sidaas darteed, doodda maqaalka waxey ku kooban tahay istaraatiijiyad door-bideysa sidii loo heli lahaa fursad si dhaqsi leh dalka dib ugu soo kabto.

Aby and M bin Zayed
Maxamed Bin Zayd iyo Dr. Aby Axmed

Dareen wuxuu ka taagan yahay, waxa isku beegay iskaashiga Addis Ababa-Muqdisho iyo deeqda dowladda Imaraadka. Maalin ka hor booqashada Dr. Aby Axmed, dowladda Imaraadka waxey ku yaboohday Itoobiya 3 bilyan doolar, oo isugu jirta deeq iyo maalgashi.

Muran kama taagna in Addis Ababa ay leedahay dano istaraatiijiyadeed, waayo dal walba wuxuu leeyahay dano u gaar ah. Waxaase munaaqasho u baahan sidee Soomaalida ula ciyaari lahayd turubka, ayada oo aan la saawilin.

Weliba, war wuxuu ka taagan yahay, intee in le’eg ayey Villa Somalia ka gaashamatay in aysan ku dhicin dabintii kol hore Kenya dalka u dhigtay (heshiiskii badda).

Sida muuqata, Soomaaliya ma laha ra’sumaal kayd ah, umana fududo inay hesho deyn toos ah, inta tii hore meel laga saari doonto. Sidoo kale, Itoobiya waxey ku jirtaa ciriiri lacag adag, taas oo astaan u ah in dalku uusan laheyn kayd lixaad leh. Haddaba, maxaa laga filayaa in iskaashigu uu suurto geliyo?

Tan hore, waxaa suurogal ah in Addis Ababa ay daneyneyso in gorgortan cusub laga furo heshiiskii Berbera. Dubai iyo Muqdisha waxey hore isku afgaran waayen in Soomaalida ay qaadato (gobol iyo federal oo wadajira) saamiga ugu badan saamileyda oo ah boqolkii 51 ugu yaraan, si dalku u noqodo “Majority Shoreholder.”

Somalia DP World SignMa aha wax lala yaabo, in Imaraadka ay isku dayeen inay dudsiiyaan Soomaalida xuquudooda saami, ayadoo DP World samigeeda dekedda Dooraale uu yahay boqolkii 33, kan Sokhna ee Masarna uu yahay boqolkii 49 keliya.

Ilo xog’ogaal ah ayaa khiraya in intaba lagu soo gaarey dadaal. Gorgortanka wuxuu ka bilowday 2015kii in la siiyo Soomaalida sanadkii 5 malyan doolar iyo boqolkii 10 dakhliga dekedda (fiiri maqaalka – Imaraadka: Maxaa Xiga Colaada.….). Bishii 3aad ee 2018ka, waxaa labada dhinac isku mari waayeen boqolkii 30 – qaado amase ka tag.

Inkastoo Soomaalida ku kala qaybsantay, haddana Dowladda Federalka Soomaaliya waxey qaadatay mowqif ku saleysan xikmadii lahayd: “waa baahanahay baqti loo ma cuno.” Guud ahaan, xeesha dib u gorgortanka waxey u egtahay digo-rogaasho, Soomaalidana diyaar uma aha.

Walow, aan la ogeyn waxa miiska saaran, haddana bishii Maarso 2018ka, Qadar waxey dekedda Suakin (Sudan) la gashay heshiis maalgelin dhan 4 bilyan doolar. War laga soo xigtay “Port Strategy – 29/03/2018” ayaa sheegayo in Sudan ay qaadaneyso boqolkii 51 samiga. Taas waxey ka dhigtay suuqii u xirnaa DP World, mid tartan u furan.

Waxaa qalad ah in loo arko heshiiska Addis Ababa iyo Muqdisho mid ku dhisan jaceyl. Kuwa wax dhaleeceya waxey jeclaan lahayd in lagu eedeeyo isbeddelka siyaasadda dibedda madaxda qaranka. Waxeyse iloowsan yihiin, in dowlad-gobolaydyada qaarkood ay mas’uul ka yihiin kala qaybsanaanta wiiqeysa ilaalinta danaha muhiimka ah ee Qaranka.

Waa run in taariikhda Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka dhex muuqto kacdoon iyo dagaal joogto ah. Hase yeeshee, ma jiro maalgeliye ku dhiiran doono inuu raa’sumaal joogta ah geliyo Soomaaliya iyada oo aan la xalin khilaafaadka deriska. Waxaase muhiim ah, si looga hortago in lagu noqdo qaladaadkii shalay, in shakiga labada dhinac lagu xaliyo wada shaqeyn buuxda, niyad wanaagsan iyo horumar waara.

Tan labaad, iskaashigu wuxuu noqon karaa mid xambaarsan hal-abuur ka duwan kii hore. Labada dal waxey wada raadsan karaan maalgelin macquul ah, sida ay hore u sameyeen Jabuuti iyo Itoobiya. Taas waxey Soomaaliya ka dhigi isgooska ganacsiga ee u dhexeya Afrika iyo Caalamka oo saameyn ballaaran ku yeelan doona maalgashiga tooska ah ee Geeska Afrika.

Dhab ahaan, heshiiska Addis Ababa iyo Muqdisho wuxuu shaaci-bixiyey in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi ganacsi fiyow iyo maalgashi faa’iido wadaag ah. Sannado badan, ayaa warbaahinta caalamka soo bandhigeysay sawirada xun ee dalka.

Maanta ganacsatada waaweyn iyo maalgashadayaasha caalamka ayaa isha ku haya itijaaha cusub ee siyaasadda dhaqaalaha dalka. Juquraafiga dalka iyo siyaasadda caalamka (geo-political) ayaa Soomaaliya dekeddaheeda ka dhigaya muhiim.

Waxaa cajiib ah in inta u dhexeysa dekedda Massawac ee Eriterea iyo tan Mombasa ee Kenya inay ku ool xeebtaas oo dhan deked baaxad weyn (port hubs), marka laga reebo midda Jabuuti.

Dhaqaaleyahaanada addunka ayaa aaminsan in horumarinta kaabayaasha ay shuruud u yihiin warshadeynta mustaqbalka. Shaqo abuuris ka sokow, waxaa kordhaya wax-soo-saarka gudaha, dhoofinta dibedda iyo hal abuurka dadka.

Istiraatiijiyada malgashiga kaabayaasha ayaa la filayaa inay caawintay koritaanka dhaqsaha badan ee Itoobiya iyo Jabuuti. Dakhliga dekedda Jabuuti ay ka hesho isticmaalka Itoobiya keliya ah ayaa kor u dhaafaya 1 bilyan doolar sanadkii.

Waqtiga xaadirka ah, Soomaaliya haddii ay dooneyso in door muhiim ah ku yeelato hannanka cusub ee dhaqaalaha caalamka, waa inay mudnaanta siisaa dib u habeyn joogta ah, kana shaqeysaa dhismaha iskaashi faa’iido wadaag ah.

Sida uu wareyey Bankiga Adduunka, 2016kii maalgashiga tooska ah ee addunka wuxuu ka badnaa 2 trilyon doolar. Marka la eego inta Afrika soo gaaray sanadkaas, Soomaaliya waxey ugu hooseysaa 10ka dal ee ugu liita soo jiidasha maalgashigaas.

Itoobiya, waxey si siman gacanta ugu soo dhigtay maalgashiga reer Galbeedka, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog (fiiri maqaalka siyaasadda xirig-jiidka ..). Wakaaladda wararka Itoobiya, waxey sheegtay in 2018ka Addis Ababa soo jiidatay maalgelin toos ah oo gaareysa 4.17 bilyan doolar, halka 2012kii ay ka heshay 1.3 bilyan keliya. Maalgelintaas waxey abuurtay 16,000 shaqoyin dheeri ah.

Warbixin uu qoray wargeyska “Washington Times – 18/04/2018,” ayaa sheegaya in Shiinuhu uu u qoondeyay maalgelin dhan 1 trilyon doolar horumarinta kaabayaasha Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo Koofurta Aasiya.

China-African ForumIntaas waxaa dheer, in Sebteembar 2018ka, la filayo in shirweynihii Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha (FOCAC) ee Beijing la soo hordhigi doono maalgelin dhan 60 bilyan doolar. Sidoo kale, warbixin ay bixisay “The Foreign Policy Group – 09/02/2018,” ayaa sheegaysa in Jabaan ay u qorsheysay maalgelin dhan 200 bilyan doolar horumarinta kaabayaasha si ay ula tartanto Shiinaha.

Si loo fududeyo isla ganacsiga Afrika, Ururka Afrika iyo Bankiga Hourmarinta Afrika waxey ku howlan yihiin sidii loo hirgelin lahaa shabakad waddo (tareen) isku xirta Bariga iyo Galbeedka Afrika. Ganacsiga u dhexeya dalalka Afrika waa boqolkii 12 keliya, halka ka Koonfurta Ameerika uu yahay 22%, Waqooyiga Ameerika 40%, Asia 50% iyo Galbeedka Yurub 70%, sida ay soo bandhigtay 06/2015kii Jaamacadda “Harvard.”

Ilo xog’ogaal ah ayaa sheegay in maalgashiga qayraadka dabiiciga ah ee dalku uu ku xiran yahay qayb-ahaan hadba sida loo hormariyo wadooyinka, tamarta (electrical grid), garoomada, dekadaha, iyo casriyeenta teknologiyada. Waddana ma hormari karo isaga oo aan muhiimada siin sidii loo kasban lahaa kalsoonida buuxda ee maalgashadayaasha, dhidibadana u aasin xiriir dan-wadaag ah oo ku dhisan ixtiraam iyo iskaashi lagu gaaro horumar iyo barwaaqo.

Wax kasta oo laga fekerayo heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya, haddana iskaashigu wuxuu u muuqdaa mid diirada saaraya u adeegista danaha qaranka. Waxba kuma jabno in la kaashado sumcadooda si loo dhiso tan dalka “National Branding.” Taas ayaa xalin u ah caqabadaha hortaagan maalgashiga tooska ah.  Oraah Shiines ah ayaa leh “Micna ma leh in bisadu ay madowdahay amase caddahay inta ay qabaneyso jiirka.

Haddaba, si loo helo kalsooni maalgelin toos ah, waxaa Villa Somalia looga baahan yahay in heshiiska ay kula dhaqanto feker taxaddar leh, go’aan qaadasho adag, iyo geesinimo lagu hirgeliyo, xitaa marka uu yahay barnaamijka mid aan loo wada riyaaqin.

Ugu dambeyntii, naqshadeynta iyo hirgelinta siyaasad-dhaqaale oo hiigsanaysa inaan laga haarin horumarka Afrika, kuna saleysan wada-tashi, wada shaqeyn buuxda iyo niyad wanaag ayaa maanta muhiim u ah Soomaaliya si loo gaaro “Guul Guulaysatay.” 

Dal ra’sumaal yar (low-capital) sida Soomaaliya, iskama indha-tiri karo muhiimada maalgashiga shisheeyahaya u leeyahay koritaanka joogtada ah ee dhaqaalihiisa. Malcolm X ayaa hore u yiri “mustaqbalka waxaa iska leh kuwa maanta u diyaargaroobaya.”

Cabdulqaadir Cariif Qassim

Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

6 comments

  1. […] Maanta dunida waxay ku tartameysaa suuq ballaaran, muruq-maal jaban, dhaqaale kobocsan iyo kaabayaal casri ah. Haddaba, waxaa muhiim ah in Soomaalida (koofur iyo waqooyi) u kaadiso (sugto) “qoob ka ciyaarka,” fahamtana isbeddellada ku hareeraysan, lana timaad aragti siyaasadeed oo ay kula dhaqto Geeska Afrika, oo u horseeda nabad iyo horumar joogta ah (Jamhuriyadda). […]

    Like

Leave a Reply to Warbixin: Fadeexaynta Qadar iyo fashilinta Soomaaliya | Baahin Media Cancel reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s