Soomaaliya Deyn Cafiskii Ma Gaartay

somalia debt reliefShirkii Madasha Brussels ee 16-17/7/2018, ayaa u riyaaqay in Soomaaliya ay ku joogto jidkii dib u soo kabashada dhaqaale. 

Haddaba, su’aashu waxey tahay, Soomaaliya ma ka baxsan-doontaa saboolnimada ba’an, haddii loo cafiyo deynta?

Shirkii Qaramada Midowbay ee “Millennium Summit – 2000” madaxda caalamka waxey isku raacday, in waddamada saboolka ah aysan ku rafaadin culeys-deyn aysan bixi karin. 

Go’aankaas, ayaa jawaab u ahaa seddax arrimood: (b) Ololihii NGO-yada “Cancel the Debit” oo cadaadis dhaliyey, (t) Qorshahii “Brady Plan” oo guul ka soo hooysay hoos u dhiga deyntii Laatin Ameerica, iyo (j) Dalalka qaameysan oo badankoodii kari waayey inay bixiyaan qaantii.

Sidaas darteed, IMFta iyo Bankiga Addunka ayaa loo xilsaarey in si tifaftiran ay u egaan deymaha, si loo xaqiijoyo in dalka loo fidinayo cafiska uu istaahilo. Culeyska deynta wuxuu caqabad ku yahay horumarka dhaqaalaha, haddana, waxaa jira afkaaro aminsan in cafisku uu yahay abaalmarin loo fidinaya wadamada aan lahayn asluub iyo anshax wanaagsan ee dhaqaale toona. 

Sideedaba, cafisku wuxuu ku xiran yahay buuxinta afar xaaladood: (1) In hannaanka siyaasad-dhaqaale lagu maamulo hufnaan, (2) In laga fogaado amaah dambe oo qaali ah, (3) In la maalgeliyo fidinta adeegyada asaasiga u ah bulshada, iyo (4) In la diyaariyo istaraatiijiyadda lagu yareynayo saboolnimada.

Sida IMFta ay sheegtay 8/03/2018ka, dalal garaya 36 oo 30 ka mid ah ay yihiin Afrikaan, ayaa ilaa hadda loo fidiyey cafis amaah dhan 76 bilyan doolar. Dalalkaas waxey u qalmeen barnaamijka cafinta ee “HIPC” (Heavily Indebted Poor Countries).

Cafintu uma baahna codsi hoggaamiye iyo gu’tirsi toona, ee waxaa loo maraa labo marxaladood oo qaadan kara waqti aad u dheer. Marxaladda kowaad, oo loo yaqaan “decision point” waa marka la hirgeliyo dib-u-habeyn lagu qanci karo, waxeyna qaadataa 2 ilaa 3 sanadood. Haddii dalku uu raaco qorshaha loo qoondeyey, waxaa “IDA” (International Development Association) u fidisaa deyn aan dulsaar laheyn.

Somali Minister for Finance with IMFNasiib darro, dalalka Eritrea, Sudan iyo Soomaaliya waxey buuxin-waayeen shuruudihii hor u dhaca u ahaa marxaladda 1aad. Colaada ka sokow, waxey la raagayn bixintii deymaha. Soomaaliya, intaas waxaa u dheer, inay in mudda ah (1991-2013) ka maqneed xeyn-daabka dowladnimada.

Abril 2013kii, IMFta waxey aqoonsatay Dowladda Federalka Soomaaliya. Kolkaas, ayaa la bilaway toosinta howl-qabadka Bankiga Dhexe iyo dib u habeynta nidaamka maaliyadda dalka. Hay’addaha maaliyadda caalamka waxey Soomaaliya ku leeyihiin deyn (debt arrears) gaareysa ilaa 300 malyan doolar.

July 2015kii, ayaa IMFtu soo gabagabeysay “Article IV Consultation,” oo muhiim u ah dib u dhiska hannaan siyaasad-dhaqaale oo qumman. Hase yeeshee, Abriil 2016kii, ayaa la hirgeliyay “Staff Monitored Program.” 

Inkastoo, intii u dhexeysay 2013kii ilaa 2016kii, Soomaaliya ay muujiysay dadaal, haddana waxaa dib u dhac ka yimid xasilooni-darradii siyaasadeed ee xiligii Madaxweyne Xasan Sheikh. Seddexdii Ra’iisul-wasaare ee isbedelay iskuma wargelin arrimaha udub dhexaadka u ahaa deyn cafinta.

Haba yaraatee, lixdii sanadood ee la soo dhaafay, dalku wuxuu horumar ka sameysay, hirgelinta habsami u shaqaynta hay’addaha maaliyadda, la dagaalamka musuq-maasuqa iyo xoojinta dowlad-wanaaga. 

Guul waxaa ahayd, in Madaxweyne Xasan Sheikh uu ogolaaday in maaliyadda dalka dibedda laga maamulo (Bankiga Adduunka, Bankiga Horrumarinta Afrika, iyo Qaramada Midowbay) inta dalka uu ka gaaro hufnaan maamul.

Horaantii 2018ka, dowladda Soomaaliya waxey ku guulaystay dhaqan-gelinta canshuurta iibka iyo tan shirkadaha, oo laga soo hooyey lacag dhan 42.5 malyan doolar. Dakhliga oo kordha waa habka ugu haboon ee looga kaaftoomi karo gargaar-shisheeye. Weliba, waa qodob muhiim u ah deyn cafinta, muujinayana in isku filaasho la hiigsanayo.

Wadada deyn-cafinta waa mid aad u dheer oo qallafsan. Mararka qaarkood waxaa dal lagu soo rogi karaa shuruudo aad u adag. Haddana, waxaan shaki ku jirin, in Soomaaliya ay u qalanto deynta cafin, marka la eego: (b) saboolnimada baahsan, (j) culeyska deynta, (x) maqnaashaha adeega aasaasiga ah iyo (t) hirgelinta dib-u-habeynta.

IMF - DirectorMadaxa hay’adda IMFta – Christine Lagarde, ayaa horaantii 2018ka ballan-qaaday in mudnaan la siindoono deyn-cafinta Soomaaliya. Sidoo kale, shirkii Brussels waxaa ka muuqday in Soomaaliya ay soo gaartay gabagabadii marxaladda kowaad. Aragtidaas waxaa taageeraya hirgelinta barnaamijka 3aad ee “Staff Monitored Program” oo muhiim u ah cafiska.

Walwal wuxuu ka taagan yahay amaah-bixiyeshaasha “non-Paris Club” iyo “Commerical Creditors” oo aan la saadaalin karin dabeecadahooda deyn-cafiska. Soomaaliya waxaa deyn dhan 5.3 bilyan doolar ku leh: (1) “Paris Club”  $2.3 bilyan, (2) “non-Paris Club bilateral creditors” $.1.5 bilyan, iyo (3) “Multilateral creditors” $1.5 bilyan.

Qaantaas waxaa la galay xiligii Jaalle Maxamed Siyaad Barre (1970-1990). Aslakeedu wuxuu  ahayd $.1.9 bilyan, hase yeeshee, waxaa ku kordhay 30 sanadood oo dulsaar heer-ciqaabeed ah. Waxaa la aaminsan yahay in bixinteeda ay qaadan doonto in ka badan 60 sano, marka loo eego dakhliga maanta.

Marxaladda qalin jibinta oo loo yaqaan “completion point,” waa marka “IFI” (International Financial Institution) ku qanacdo dalku inuu kasbaday in loo cafiyo deynta si lagama noqdaan ah. 

Deyn cafis keligeed ma kobciso dhaqaale, mana kordhiso maalgashiga gaarka ah. Hase yeeshee, waxaa kordha mucaawinada horumarinta rasmiga ah (Official Development Assistance), oo lagu maalgeliyo kaabayaasha. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in Dowladda Soomaaliya ay la timaad istaraatiijiyad laysku halleyn karo.

Inkastoo xiligaan uusan aheyn midkii ugu haboonaa, haddana lagama fursan doono in si gaar ah looga codsado, dowladda Mareykanka oo ka tirsan “non-Paris Club bilateral creditors,” kuna leh dalka deyn lixaad leh, inay Soomaaliya u fidiyo deeq-deyn-cafis. Tabtaas waxaa ku guuleystay dalka Liberia.

Mararka qaarkood, deynta waxaa laga iibiyaa shirkado qowleysato ah (vulture funds). Kuwaas oo muddo kadib ku dacwooda in la siiyo hanti ka badan asakii deynta laga iibiyey. Tusaale waxaa noogu filan shaxda hoos ku xusan:

Dalka

Deynta Qiimaha ay ku iibsadeen

Inta ay ku dacwoonayaan

Congo Brazzaville

US$. 10 malyan

US$.400 malyan

Peruvia

US$. 11 malyan

US$. 58 malyan

Zambia*

US$  3.5 malyan

US$. 50 malyan

Deynta Zambia waxey aheyd $3.5. Dalalka kale, qiimaha laga siiyey aad ayuu uga yareed asalka deynta. Wax dadaal ah oo HPIC ay ku ilaalineyso danaha dalalkaas ma muuqato. 

Dowladda Soomaaliya, waa inay si gaar ah uga taxadartaa maareynta deyn-cafiska, kana foojignaata dabinta la socota. Waxaa muhiim ah in la sii falanqeeyo amaah-leyda deynta inta Soomaaliya aan loo fidin cafinta. 

Dalba dalka uu ka wacyi-gelin ogyahay dadkiisa, ayuu kaga guuleysan ogyahay xallinta deynta, horumarinta dhaqaalaha iyo hanashada dadkiisa. Sidaas darteed, waa in si dhaqsa leh loo abaabulaa bulsho-weynta si loo fahamsiiyo sida loo kormeerayo deyn-cafinta amase loo wajahayo qaadashada mid cusub. 

Somalia - President and P.MinisterMas’alada hortaal Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo,” waa sidii dalka uga faa’iideysan lahaa kaalmada Brussel (caalamka), iyada oo ay waxyeelaynin qorshaha horumarinta dhaqaalaha mustaqbalka dhow iyo kan fog. Waxaa xaqiiqa ah, in xoogaa gargaar ah uusan waxba ka bedeli karin caqabadaha hortaagan horumarka dhaqaalaha dalka.

Walow, gargaarku sababayo dhibaatoyin aan lagu talagelin, haddana wuxuu naafic leeyahay marka la hubin karo in shilin kasta si sax ah loo isticmaalo. Daah-furnaantaas iyo wada xisaabtankaas dhabta ah, ayaa saameyn toos ah ku yeelan kara soo jiidashada maalgashiga gaarka ah.

Ayadoo lala kaashanayo Bankiga Horumarinta Afrika, waa in la qaban-qaabiyaa shir lagu kulminayo dalalka Afrika ee khibradda u leh deyn-cafinta iyo mas’uulyiinta dalka (sharci-dejinta, bankiga dhexe, howl-wadeenada hay’addaha maaliyadda dowladda iyo guddiga hanti-dhowrka, musuq-maasuqa iwm).

Xog-waranka shirka xog-wareysiga, wuxuu sahlayaa in laga feejignaado dabin, lana hirgeliyo talooyinka udub dhexaadka u ah dar-dargelinta deyn-cafinta, iyo diyaarinta qorshaha yareynta saboolnimadda.

Intaas ka hore, waa in Golaha Shacabka ansixiyaa dhammaan sharuucda dib-u-habeynta dhaqaalaha, xeerarka maaliyadda (canshuuraha) iyo dhismaha guddiyada qaranka. 

Kolkaas kadib, ayaa la kasban doonaa niyad-samida amaah-leyda, oo furo u ah in si tartiib tartiib ah loo helo kalsoonida maalgashatada caalamka.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Advertisements

2 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s