Isbedelka Dabaysha Geeska Afrika

Igad flagsGeeska Afrika, waxaa ka dhacaya dabayl barwaaqo iyo diihaal wada sidata. Juqraafi ahaan “Geeska” waxaa leysku yiraah waddamada Eritrea, Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya, Suudaan iyo Koofur Suudaan, iyadoo Kenya iyo Ugandha ay aad isugu dhow yihiin.

Cajiib waxaa ah, in dadka degaankaas aysan isku aqoon reer “Geeska Afrika.” Haddana, gobolku wuxuu leeyahay dhaqan iyo taariikh isla xiriirta, inkastoo sidoo kale ay jiraan kala duwanaan u gaar ah dal walba.

Su’aashu waxey tahay, dabaysha cusub ee Geeska Afrika, ma bedeli kartaa xaaladda gobolka ee ku salaysan colaad, xuriyodoon iyo saboolnimo?

Ma sahlana meel laga bilaabo, waayo gobolku waa meel caqabadihii horey ee gumeysigii iyo kuwa cusub ee dagaalka qabow iyo kan xag-jirka, ay isugu yimaadaan. Weliba, jaha-wareer wuxuu ka taagan yahay, amniga iyo badbaadada khayraadka dhulka, Badweynta Hindiya, Badda Cas, mariinka Bab al-Mandab, iyo biyaha Wabiga Nile.

Itoobiya waxey ku guuleysatay 1991kii, inay dhaqan gelisay ismaamul-qowmiyadeed (9 dowlad-goboleed iyo 2 magaalo oo madax-banaan). Walow, ay dhinac martay dimoqraadiyada, kuna xadgudubtay xuquuqda aadanaha, haddana waxey hirgelisay dhaqaale lixaad-leh.

Eriterea - Itoobiya
Afwerki iyo Aby Axmed

Si kastaba ha ahaate, heeshiiska Itoobiya iyo Eriterea wuxuu sidaa rajo, inkastoo gobolka uu kala kulmay fal-celin isku dhafan (ileen farxadi waa naxdin).

Wargeyska “Standard – 24/07/2018,” ayaa isbedelka cusub ku tilmaamay inuu xanuun ku noqon doono ciyaartoyda Kenya “Safaricom iyo KCG Group” oo ku haminayey suuqa Itoobiya.

Saadaashu waxey tahay, in kaabayaasha isku xiri lahaa Kenya (dekedda Lamu), Koofurta Suudaan iyo Itoobiya ay muhiimad beelayaan. Juba (K. Suudaan) oo la filayey in gooni u istaagii (2011) ku barwaaqoobi doonto, ayaa ilaa hadda isku khilaafsan wadaaga awoodda iyo khayraadka dalka.

Somalia-Eritrea Presidents
Afwerki (midig), Farmajo (bidix)

Dhinaca kale, heshiisku wuxuu abuuray marxalad cusub oo nabadeed. Go’aanka Madaxweyne Isaaias Afwerki uu ku martiqaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed – Farmaajo, wuxuu calaamad u yahay horumarka nabadda Geeska Afrika.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in dib u soo celinta xiriirka Itoobiya iyo Eriterea uu “muujinayo dabayl cusub oo rajo leh, inay ku baahi-doonto Afrika,” (Guardian – 9/07/2018).

Bronwyn Bruton, oo hoggaamiya diblomaasiyadda aan rasmiga ahayn, ee horumarinta xiriirka Washington iyo Casmara, ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in ay Eritrea ka qaadaan cunaqabatayntii hubka (The NewYorker – 02/08/2018).

Doodaha naqdinaya heshiiska, waxey leeyihin nabadda waxey fursad dhaqaale siin doonto Eriterea, mid saldhig Washington, oo ciriiri ku qabta ciidamada Shiineyska, iyo mid guul argudasho Dubai. Hase yeeshee, waxaan shaki ku jirin in Jabuuti ay daremi doonto qaran-juufada (qanjirada) haba yaraatee.

Sanadihii la soo dhaafay, Jabuuti waxey horyaal ku ahayd, xasilloonida siyaasadda, kabayaasha horumarsan iyo jawiga ku habboon maalgashiga. Jabuuti waxey martigelisaa awooddo tartamaya ciidamadooda sida Mareykanka, Shiinaha, Fransiiska, Jabaanka, Jarmalka, Talyaaniga iyo Sacuudiga.

Horn of Africa Recent MapDadaalada isdhexgalka dhaqaalaha (economic integration) ee Addis Ababa iyo Jabuuti ay horseedka u yihiin, kuwo lagu ballaarinayo ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay, lala gaaray Kenya, Soomaaliya iyo Sudan.

Walow, khilaafadka iyo xasilooni darrada amniga ay xadidayaan la macaamilka gobolka, haddana dunidu iskama indha tiri karto muhiimadda juquraafiyadeed ee mandiqada u leedahay mariinka ganacsiga caalamka.

Ma aha wax la yaab leh, in iska soo horjeedka Gacanka Carbeed uu saameyn ku yeeshay gobolka. Geeska wuxuu la wadaagaa Jasiirada Carabta taariikh iyo xiriir dhaqan-dhaqaale soo jireen ah.

Waxaa muran ka jiraa, sidii leeysku waafijin lahaa xiriirka siyaasadda Geeska Afrika iyo kan Xulufada Sacuudiga, haddii aan labada dhinac laga helin siyaasad maskax furan.

Casmara iyo Addis Ababa waxey xiriir dhow la leeyihiin Imaaraadka, halka Jabuuti, Khartoum iyo Muqdisha xiriirkoodu uu aad u liito. Masar waxey bilowday inay tarxiisho qaxootiga Soomaalida, ciidamo geyso xuduuda Suudaan (Sawa-Eriterea) ayadoo hugan magaca xulufada afarta, taas oo walaac gelisay gobolka (Oriental Review 01/2018).

Somalia Muuse-DP-WolrdTaxadar waxaa u baahan, siyaasadda fara-gelinta Imaaraadka, oo ku wajahan ka faa’iideysiga xasilooni darrada guddaha dalka, si ay u kala qaybiso ummadda Soomaaliyeed (Alarabia 19/03/2018). Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midowbey ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay “gebi ahaan jebiyeen sharuucda caalamka,” kuna “xad-gudubeen qaranimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliya,” (AlJaziira 03/18/2018).

Alexander Rondos, oo Midowga Yurub waakiilka uga ahaa Geeska Afrika, ayaa asagoo  falanqeynayo arrimaha gobolka yiri, “Kuwa ula dhaqma [Soomaaliya] iyada oo aan loo daneynayn, waxay maalin bixin doonaan qiimaha ay dayacaan; halka kuwa isku dayaya in ay ku ciyaaran (manipulate) heli doonaan in farahooda ay gubtaan,” (Center for International Relations and Sustainable Development – 2016)

Horaantii 2018ka, Dowladda Federalka Soomaaliya, oo diidan ciidameynta iyo boobka dekedda Berbera, ayaa dacwo ka dhan ah Dowladda Imaaraadka horgeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbey.

Imaaraaka wuxuu saldhi ciidamadeed ku leeyahay Casmara oo uu kaga duulo Yemen.  Warbixin ay qortay “Arab Center – Washington DC – 09/03/2018,” ayaa sheegeysa inuu wato qorshe ujeedadiisu tahay inuu kala qaybiyo Yemen, si uu u qabsado koofurta iyo “Bab al-Mandab.

Jabuti - Ismail O GelleFebruary 2018ka, Jabuuti waxey dib ula noqotay heshiiskii ay la laheyd Dubai Port. Sideedba, “Imaaraadka ma doonayaan in mandiqada ay ka dhalato dekad baaxad leh oo la tartami karta tan Jabal Cali,” ayuu Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle ku yiri warbaahinta.

Taas waxaa akidaya, in Juun 2012kii Yemen ay dib uga noqotay heshiiskii DP World ee 2008kii. Sida uu qoray “Financial Times – 12/09/2012,” dhaqdhaqaaqi dekedda Cadan oo ahayd 500,000 (20 feet unit container) heshiiska ka hor, ayaa hoos u dhacay ilaa 140,000 uu gaaro 2011kii.

Turkigu wuxuu goor hore arkay muhiimadda Geeska Afrika, wuxuuna kula dhaqmaa xiriir ku salaysan kalsooni iyo is-ixtiraamid, inkastoo uu faa’iido doon yahay. Sidaas oo ay tahay, ayuu xiriir wanaagsan la leeyahay awoodaha ugu waa weyn addunka ee kula tartamaya maalgashiga Afrika.

Suudaan rubac qarnigii la soo dhaafay, waxey ku jirtay mashaakil siyaasadeed oo isu rogay colaad qowmiyadeed iyo tafaraaruq. Inkastoo, muhiimadda Qadar ay aad u soo ifbaxday colaadii Darfuur kadib, haddana waxey bedeshay maalgashigii dekeddaha,  ayada gelin doonta 4 biylan doolar Sukaan (Suudaan). Halka Turkiga lagaa filayo inuu geliyo 750 malyan doolar oo  maalgelin ah. Dekedda iyo tareenka isku xiri doono Addis Ababa iyo Khartoum waxey door weyn ka qaadan doonaan kobcinta dhaqaalaha gobolka.

Xuriyadii (1993) kadib, Madaxweyne Afwerki wuxuu qaaday tubtii kali taliska Mengistu Haile Mariam iyo Jen. Maxamed Siyaad Barre. Diidmada Eriterea dhex-dhexaadinta, waxey tilmaan u tahay in labada dalba ay si xoog leh ugu lug leeyihiin cayaaraha xintanka shisheeyaha ee “geopolitical rivalry.”

Colaadda Itoobiya iyo Jabuuti ka sokow, Eriterea waxey qeyb ka tahay fidnada Geeska Afrika, khaas ahaan tan Soomaaliya (New York Times 22/06/2018). Ka dib markii lagu soo eedeyey inay gacan siiso argagixisada, ayaa bishii Deshember 2009kii, Qaramada Midowday ku soo rogtay cunaqabateen.

Inkastoo Soomaalida, qoomiyad khur ah ay kasoo jeedo, haddana dhaqankii reer-guuraaga kama badbaadin dagaal sokeye. Dalka waxaa luqunta ugu jira fidno ay ka dambeyaan awoodo shisheeye, oo mid kasta ajenda u gaar ah leeyahay.

Jabuti - Eritrea BorderSidaas darteed, heshiiska Eriterea iyo Soomaaliya, wuxuu ka tarjumayaa sida siyaasadda gobolka isku bedeshay tan iyo markii Ra’iisul-wasaare Aby Axmed uu u fidiyey Eriterea nabad iyo iskaashi.

Aragtidaas tu la mid ah, ayaa siyaasadda dibedda Soomaaliya lagu haggayaa si loo saxo khaladaadkii hore, gobolkuna uu u wada helo nabad iyo noolal. Taas ayaa ku jirtaa danta qaranka Soomaaliyeed iyo tan gobolka.

Itoobiya waxey xiriir dhow la leedahay Maraykanka dhanka dagaalka xag-jirka, Midowga Yurub dhanka socdaalka-qaxootiga, iyo Shiinaha dhanka horumarinta ganacsiga iyo kaabayaasha, sida uu qoray wargeyska “Wall Street Journal – July 9, 2018.” Dhanka kale, Itoobiya waxey maalgelin toos ah ka heshaa dalalka reer-Galbeedka, kuwa Bariga Dhexe iyo Fogba.

Walow kalsoonidii Jabuuti iyo Soomaaliya laga yaabo inay mugdi gasho, haddana taariikhda xiriirka dhow ee laba-geesoodka ah, wuxuu galaa waqtiyo kala duwan. Waxaase nasiib darro ah, in Safiirka Jabuuti ee Muqdisha uu suuqa ku naadiyo arrin ku habooneyd in labada dowladda ay si hoose uga xaajoondaan. Filic kaasi miyuusan u ekeen kii dagaal ogoshaahii (Wordlords)!?!

Hadda ka hore, ayaa laba nin oo reer Bakool ah hashoodii libaax ka qaaday goor fiid ah. Waxey baadi-goobaanba, ninkii raga ugu horeyay ayaa goor barqadi ah, wuxuu arkey libaaxii oo geed harsanaya. Naxdin awgeed, ayuu jilbaha dhulka ku dhuftay.

Kii kale ayaa soo dul joogsaday ninkii oo dhulka jilbaha ku haaya. Isla markiiba waxaa hortiisa uga muuqday libaaxii oo indha ku cadeynaya. Intuu barkagay (naxay), ayuu taabtay ninkii asagoo leh “war libaaxii raadkiisa ma aragtay.” Markii uu dhowr jeer ku cel-celiyey, ayuu ninkii u jawaabey oo uu yiri, “war maxaad ka rabtaa libaaxa raadkiisa, waaba kaasoo horjeedaabe!?!!

Hadda iyo dan, Jabuuti waxey u baahan tahay inay fahamto isbeddellada ku hareeraysan, lana timaad siyaasad ay kula dhaqanto asxaabta iyo nacabkaba, oo u horseeda nabad joogta ah.

Waxaa ku waajibey Dowladda Soomaaliya, inay raadiso waddo diblumaasiyadeed oo lagu dejin karo khilaafka degaanka “Ras Doumeira.” Taas ayaa wax tar u leh geedi-socodka nabadda Geeska Afrika, oo abuuri kara dhaqdhaqaaq dhaqaale lagu wada barwaaqoobo. Ileen farxadi waa naxdin!

CabdulQadir Cariif Qaasim

Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Advertisements

6 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s