Sida la wada ogyahay, sicir bararka wuxuu dhacaa marka lacagta ku wareegta dalka ay aad uga badato badeecoyinka suuqyada yaal. Sidaas darteed, heerka awoodda wax-gadasha lacagta ayaa hoos u dhaco.
Arrintaas, xaalad la mid ah marka lala kulmo, waxa ka dhasha qiimaha badeecoyinka oo aad u SARE KACA maalinba maalinta ka dambysa. Ilaa qiimaha dhaceedu uu gaaro heer lacag jeebka lagu qaadan karo ay goyn weydo cunno hal gelin qof ku qadeeyo.
Xalad sidaas ah, inta badan waxey ka dhacdaa dalalka ka soo kabanaya dagaallo sokeeye iyo burbur dhaqaale oo xoog leh. Ma aha mid uu wax ka qabashadeeda ku filan yahay Bankiga Dhexe oo keli ah. Weliba, banki aan laheyn ra’sumaal ku filan, iyo hanti lacag adag ah oo u kaydsan (foreign currency reserve), si uu u damaanad qaado lacagta dalka.
Intaas, marka weliba lagu daro habac-sanaanta shacabka oo aan dooneyn inay bixiyan qaraanka loo yahay “canshuurta,” haddana waxkasta ka sugaaya dawladda Dhexe iyo Dawlad-goboleedyada. Sideedaba, shacabka waa inuu leeyahay garaad ku saabsan in dawladaha dunida oo dhan uu maamulkooda ku dhisan yahay canshuurta dadkooda ay bixiyaan. Taas, oo Xukuumadaha u isticmalaan sugidda nabadgelyada gudaha, ilaalinta xuduudaha dalka, dhismaha jidadka, dekedaha, iyo wixii dan guud ah ee soo raaca.
Arrinta qoraalkaan uu ku saabsan yahay, oo ah mush-kilidda sicir bararka lacagta ay tahay mid ka horeeyay Dawladda hadda xilka haysa. Haddana, dawladda waa waajib saaran in ay dadaal badan ka geysato sidii ay shacabka uga samata bixin laheyd khasaaraha ka soo gaaraya sicir bararka lacagta been abuurka ah.
Hordhacaas kadib, haddi laga hadlo taariikhda lacagahii rasmiga ahaa ee dalku yeeshay, wixii ka horeeyay 26kii Jenaayo 1991, waxey ahayeen sida soo socota:
- Laga soo bilaabo 1950kii, oo weli dalka xoriyadiisa helin, lacagta warqadaha ah ee ka socotay waxey ka koobneyd 4 qaybood oo magacooda ahaa “Somalo” oo ah: 5 shillin, 10 shillin, 20 iyo 100 shillin.
- 1962dii, dawladda Soomaliyeed magaca lacagta waxey u bixisay “Shillino Somalo,” madama farta-Somaaliga aan weli la hirgelin. Lacagtaas, waxey aheyd 4 qaybood oo kala ahaa: 5 shillin, 10 shillin, 20 shillin iyo100 shillin.
- 1972dii, dawladda Soomaaliyeed waxey soo saartay lacag far-soomali ku qoran oo iyana ka koobneyd affar qaybood oo kala ah: 5 shillin, 10 shillin, 20 shillin iyo 100 shillin.
- Disheember 1989kii, dawladda waxey soo saartay lacag cusub oo labo qaybood ka koobneyd:.50 shillin iyo mid ah 500 shillin.
- Ugu dambeyntii, 15kii Maajo 1990kii, dawladda waxey soo saartay mid kale oo ah 1000 shillin.
Lacagta kunka shillin ah ee ay soo saartay dawladii la riday 21kii Jenaayo 1991kii, ayaa ugu dambeysay lacag rasmi ah uu yeesho dalka. Waana tan 1000ka Shillin ee been abuurka maanta suuqa yaal laga soo min guuriyey asal ahaan.
QORSHEYAAL LACAG SOO SAARID OO HORE U FASHILMAY
Marka laga soo bilaabo 2008dii, waxaa jiray isku dayo la sameeyay si lacag cusub dalka loogu daabayo, hayeshee wax ka suuragal ilaa iyo hadda arrintaas ma jirto. Isku dayidaas waxa ka mid ah:
- In 6dii bishii Maajo 2008dii, Mr. Bashiir Ciise Cali oo ahaa Guddoomiyha Bankiga Dhexe ee Soomaliya wuxuu isku dayay lacag cusub inuu dalka la soo sameeyo. Lacagtaas oo u qaybsaneyd sida soo socota:
- 10 shillin oo tiradiisa guud ay tahay 200 milyan warqadood,
- 20 shillin oo tiradiisa ay tahay 150 milyan warqadood,
- 50 shillin oo tiradiisa guud ay tahay 140 milyan warqadood,
- 100 shillin oo tiradiisa guud ay tahay 50 milyan warqadood,
- 200 shillin oo tiradiisa guud ay tahay 40 milyan waraqadoo.
Isugeynta lacagtaas guud waxey ahayd 580 milyan warqadood. Warqadaas, mid walba qiimaha ay lacag ahaan yeelaneyso lama sheegin.
Heshiiska daabacadda lacagta Guddomiyahu wuxuu la galay shirkad magaceeda yahay OBERTHUR TECHNOLOGEIES SA – Division Fiduciarie – 102 Boulevard Malesherbes, Paris – France. Heshiiska waxaa labada dhinac u saxiixay Mr. Christophe Montet, oo shirkadda lacagta dabaceysay uu aha: Commercial Director dhinaca Bankiga Dhaxe ee Soomaliyana Mr. Bashir Issa Ali.
Qiimaha guud ee lagu dabacaayo warqadaha lacagta iyo kharshka keenista Muqdisho waxey labada dhinaca ku heshiiyeen 20 Milyan Euros. Sidoo kale, labada dhinaca waxey ku heshiiyeen Bankiga Dhexe in uu ku bixiyo habka loo yaqaan SWIFT 100% (Boqolkiiba Boqol) isla marka heshiiska la sixiixo. Heshiiskaas, wax natiijo ah oo ka soo baxay dalka laguma arag.
- Taarikhda markay aheyd 18/01/2010, Shariif Xasan Sheikh Aden, oo ahaa Wasiirka Maaliyadda, wuxuu Golaha Wasiirada dawladda Soomaliyeed hor geeyay mashruuc ku saabsan soo dabacaad lacag shillin Soomaali ah oo qaybaheeda lagu sheegay sida soo socota:
- Sh.So. 1000, Sh.So.2000, Sh.So.5000, Sh.So.10,000, Sh.So.20,000 iyo 50.000 Shillin Soomaali.
Wasiirku wuxuu Golaha Wasiirada u sheegay, warqadaha lacagta la soo dabacaayo inay gaarayso 5 trillion iyo 28 bilyan Shillin Soomaali. Sidoo kale wuxuu Golaha u sheegay kharashka lagu soo dabacaayo warqadahaas ay gareyso 17 milyan oo dollar, ayna bixineyso Dawladda Suudan. Hayeeshe, Wasiirka ma sheegin lacagtaas in ay deeq tahay ama deyn.
In kastoo sharciyada ku saabsan soo saaridda iyo maamulka lacagta dalka ay qorayaan inuu xilkeeda leeyahay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe. Hadana, lacagta tiradaas badan lahayd ee Golaha Wasiirrada dalka ay fadhigoodi 18kii Janaayo 2010ki ku ansixiyeen (28 wasiir ee shirka joogay) waxa abaabulkeeda lahaa Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan Sheik Aden. Lacagta maalintaas dawladda ku meel gaarka ah ay oggolatay ilaa iyo hadda dalka ma soo gaarin.
Dhowaan, intii bilo ah, waxa dalka ka socday war ku saabsan in la sameynayo lacag cusub. Wararkaas waxa mar laga maqlay Wasiirka Maaliyaddda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, marna Guddomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali. Wasiirku wuxuu 6dii Juunyo 2018 sheegay in dalka loo sameynaayo lacag midiiba ay tahay 5,000 iyo 10,000 Shillin Soomaali. Sawirka lacagtaas wuxuu Wasiirka u soo bandhigay shacabka.
Maalmo kadib, wuxuu Guddoomiyaha Bankiga Dhexe isaguna sheegay in dalka loo sameynaayo lacagta soo socota: Sh.So.1000, Sh.So. 2000, Sh.So.5000 iyo 10.000 Shillin Soomaali. Muddo ka dibna waxey sheegeen in la soo daabacayo mid ah Sh.So.20,000 iyo 50,000 Shillin Soomaali.
Hayeshee, madaxdu marnaba ma cadeynin waxa damaanad u noqonaaya lacagta ay shegayeen in dalka loo soo dabacaayo. Sidoo kale masheegin qiimaha sarrifka ee kala dhaxeynaya lacagaha qalaad ee sida xoogga leh dadka Soomaliyeed uu dibedda cuntada daruuriga ah ugu soo iibsado.
Sida la ogyahay, lacagta warqadaha ah ee dalalka dhaqaalahooda soo-koraaya wax qiimo ah ma yeelaneyso haddii uusan dalkaas haysanin kayd dahaab ah oo lacagta dammaanad u noqda, amase lacagtaas ay cuskaneyn lacagaha dalalka dhaqalahooda horay u maray sida: dollarka Mareykanka, Pound-ka Ingiriska, Euro-ga Yurub iyo wixii la mid ah.
Iyadoo, ay jiraan sharudaha kor lagu xusay oo lagama maarman u ah, si ay lacag warqado ah u sameystaan dalalka ka soo kabsanaaya dagaalo sokeeyo, ayey Madaxda ka gabsadeen in ay sheegaan sida laga yeelayo. Waxeyse shegeen arrin taas mid ka duwan oo ah wax lala yaabo, taas oo ah in dalku haysanin kharshkii lagu soo daabaci lahaa warqadaha lacagta oo gaareysa 40 milyan doolarka Mareykanka, ha ahatee ay raadinaayo dowlad naga bixiso.
Xal u helidda arrinta ku saabsan sicir bararka dalka ka jira, oo ay sababtay lacagta tirada badan ee been abuurka ah (Counterfeit), waxaa lagama maarmaan ah in lacag qaran loo sameeyo. Hase yeshee, si aan loogu dhicin khaldaadkii hore oo kale, waxaa lagama maarmaan in ay dawladda magacawdo guddi aqoonyahano Soomaaliyeed, oo si gaar ah ugu takhasusay cilmiga dhaqaalaha iyo lacagaha. Kuwaas oo si dhameystiran daraasad ugu soo sameeyo sida ugu haboon oo lacag rasmi ah dalka loogu soo sameyn karo, iyadoo la tixgelinaayo daruufa gaarka ah ee dalka ka jira.
Arrinta maalmahaan soo korartay oo ah: inay cid walba oo ah Soomali ama ajnab ay tartan u gali karto jagada guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaalya waa mid ugub ah, oo aan horay dalka u soo marin 57dii sano uu xorta ahaa. Sidaas darteedna ay ku habooneyn in ay Dawladda Soomaliyeed oggolato inay hadda taariikhda noo gasho.
Arrinta haddii ay ka mid tahay, sida shuradaha ay IMF-ta ku xirto marka ay deyn u fidineyso dalalka soo koraaya ee la kulmaa doruufo baahi lacag adag ah ( Foreign Exchange ) oo ay uga gudbaan xalada noocas ah, waa dhacdaa in ay IMF-ta tagaradeeda ku xirto shuruudo ay ka mid tahay dalka ay deynta siinyeso inay u magacawdo of la-taliye ah oo iyada ka socda. Taasoo kale waxey horay u soo martay dalkeena.
Maxamed Xuseen Amin
Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.