Thursday, April 25, 2024
Home Siyaasadda Caqabadaha Dowladnimada Soomaaliya

Caqabadaha Dowladnimada Soomaaliya

Soomaalida, waxay ahaayeen qabaa’il ku nool geeska Africa, inta aanu soo gelin gumaysiga reer galbeedka qaarada Africa. Kadib markii, dad-yowgii Afrikanka ahaa ay dareemeen xanuunka jireed iyo maskaxeed ee uu ku hayey gumaystihii dhulkooda ugu yimid, waxaa qaarada ka bilowday dhaq-dhaqaaqyo gumaysi diid ah. Soomaalida, waxay safka hore ka galeen halgamadii qaarada looga xoreenayey xoogagii dulmiga ku qabsaday Afrika.

Helitaankii xornimada iyo israacii labo gobol, oo ka mid ah shantii qaybood ee loo qaybiyay Soomaalidii ku nooleed geeska Africa, waxaa curatay Dowladii ugu horeeysay oo ay ku abtirsadaan dadkii ku hoos jiray xukunkii British ee gobolada waqooyi iyo kii Italyaaniga ee koonfurta.

Aqoonta maamulka dowladnimada, oo aan badnayn iyo raacashada danaha shaqsiyeed, ayaa waxaa bartanka laga galay hanaan qabyaaladeed, eex, musuq, ku takrifal awoodeed, iyo dagaalo ku salaysan qabaa’il. Dilkii Madax-weynihii labaad ee Jamhuuriyada Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake wuxuu horseeday in hogaanka dalka ay qabtaan ciidamada.

Shacabkii ku noolaa Jamhuuriyada Soomaaliya intooda badan way soo dhoweyeen isbadalka ku yimid hogaanka dalka, si la mid ah maalintii ay xornimada ka qaateen gumaytihii Engiriiska iyo Italyaaniga. Shacbigu wuxuu filayey inay ka kabsandoonaan waqtigii iyo fursadihii ka lumay.

Dhab ahaantii, ayagoo maanka ku haye hogaankii askarta dalka qabsatay, qabyaalada inay aheed sababta kaliftay inay jahawareer gasho maamulkii ayaga ka horeeye, ayay waxay iska fogeeyeen isticmaalka qabyaalada ilaa xad.

Asaaskii Xisbiga Hanti-wadaaga Kacanka Soomaaliyed ka dib, ayay soo shaac-baxday isticmaalka qabyaalada waxaana bilowday nin toox-sinimo. Dagaalkii 77 kadib, waxaa faraha ka baxay kala danbaytii. Waxaa dib u bilaabmay qabyaaladii, eex, musuq, ku takrifal awooda iyo boobkii hantidii dowlada. Waxaa fursad helay quwado dibadeed oo abuuray xoogag mucaarad hubaysan ah, ilaa xoog lagu riday maamulkii jiray.

Waxaa dalku galay dagaalo sokeeye, bur-bur dhaqaale, qax, iyo barakac baahsan. Waxaa abuurantay gaajo laga hortagi karay, iyo cuduro la daween karay inay galaaftaan nafo la badbaadin karay.

Muddo ka dib, waxaa dalka ka abuurmay xoogag si dad-ban uga madax banaan hogaamiye kooxeed-yadii ku hardamayey dalka, sida dallado waxbarasho, warbaahin beeleed, ururo wata magaca bul-shada rayidka ah iyo kuwo magacyo diin xanbaarsan.

Xoogagani, waxay naafeeyeen ugu danbeyntiina meesha ka saareen hogaamiye kooxeed-yadii dalka iyo dadka dhibka ku haye. Balse, waxay maanta yihiin caqabadaha ugu weyn ee hortaagan helitaanka maamul dowli ah oo si dhamays-tiran u shaqeeya.

Waxay yihiin hogaamiyaal aan la-dooran, waxayna saamayn toosa ah iyo mid dad-ban ku leeyihiin shacabka, iyo hogaanka dalka Soomaaliya (waqooyi iyo koonfur). Xoogagani, ayagoo huwan magaca bulshada-rayidka ah ayey galaan-gal ku leeyihiin ururada caalamiga iyo dowladaha reer galbeedka oo isla markaas u ah gaashaan.

Somali students

Si taas aan u iftiimiyo, dalladaha waxbarashada waxay joogaan gobol, degmo, iyo tuulo kasta oo dalka ka mid ah, xitaa meelo ka baxsan maamulka dowladda. Waxay dalka ugu faafeen si la mid ah shirkadaha waa-weyn ee isgaarsiinta iyo kuwa xawaaladaha.

Waxay door-muuqata ku leeyihiin jaangooyinta talada iyo maamulka dalka. Isla markaas, waxay kuraas ku leeyihiin goloyaasha dalka, heer gobol iyo heer qaranba. Waxay saamayn ku leeyihiin xeerarka dalka loo sameenayo, ayagoo mar walba ilaashanayo danahooda.

Sanad dugsiyeedkii 2014-2015, Wasaarada Waxbarashada waxay damacday inay soo rogto imtixaan midaysan ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sare. Arrintaas, waxaa si cad uga hor yimid daladaha waxbarashada oo tiradooda gaarayso 12 (labo iyo toban) iyo xubno ka mid ah hogaamiyaasha aan la dooran, sida dallada SOSCENSA oo u hadlay Diini Axmed Diini iyo Cabduqadir Ibrahim Gacal Abkow oo u hadlay Dhaq-dhaqaaqa Bulshada Rayidka. Waxay ku hanjabayn inay abaabulayaan ban-aanbaxyo waa-weyn oo uga soo horjeedaan qaadista imtixaan midaysan (Wargeyska Hiiraan 14/05/2015).

Waxaa ku-lankaas ka soo baxay go’aan ka kooban 12 qodob oo lagu diidanaa hindisihii Wasaarada Waxbarashada. Goobtaas, waxaa ka akhriye isagoo ku hadlaya magaca 12 dalladood ee waxbarashada Aweys Shiikh Maxamed (fiiri Somali Media Switzerland 2015).

Balse, dadaal dheer oo ay samaysay Wasaarada Waxbarashada waxay ku guulaysatay qaadista imtixaan midaysan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya (Radio Muqdisho 21/08/2015). Ilaa hadda, waxaa imtixaanii diidan dalladaha gobolada waqooyi-mudug, nugaal, iyo baari, haddii Soomaaliland aan xisaabta lagu darin.

Haddii shalay caqabadaha asaasiga ah ee hortaagnaa waxbarashadda ay aheed helitaanka goob ammaan ah (dugsi), maanta waxaa muuqata, in dalladahu ay qayb ka yihiin dhibaatada, halkii laga sugayey inay xalinta dowr ka cayaaraan. In la qiyaaso heerka aqoonta ardada, si loo kordhiyo tayada macallimiinta iyo heerka tacliinta waa danta qaranka.

Somali Students (c)

Boqolkii 30 caruurta da’da warbarashada gaartay keliyah, ayaa hela fursad isqoris dugsiyada hoose-dhexe ee dalka, sida ay sheegtay 2015kii UNICEF – Somalia. Manhajka dugsiyada qaarkood, waa kuwo laga soo min-guuriyey dalalka Khaliijdka Carabta, iyo kuwii casrigii gumeysiga – Talyaaniga iyo Ingiriirska, oo aan degaanka ku habbooneyn (Mareeg.com).

Intaas waxaa dheer, in dugsiyada dalka ay isticmaalaan wax kasta oo buugaag ah oo ay ka heli karaan adduunka. Warbixn dhawaan Bankiga Addunka uu soo saarey oo ku saabsan waxbarashada Afrika ee 2018ka, ayaa shaaca ka qaaday in “tayada waxbarida [Afrika] ay tahay mid sabool ah, maadaama macallimiinta qaar aysan si gaar ah wax u baran.”  Taasi waxay tilmaameysaa in loo baahan yahay hab lagu kordhiyo takhasuska macallimiinta si loo helo tacliin tayo leh.

Somali Students (e)Maalgelin la’aanta waxbarashadda iyo barbaarinta ubadka, waa caqabad loo baahan yahay in Golaha Shacabka kala xisaabtamo dowladda. Balse, dalku wuxuu u baahan yahay jaamacaddo – dadweyne iyo kuwo gaarka ahba. Tayada waxbarashada, waxaa lagu cabbiri karaa iyadoo lala xisaabtami karo bahda waxbarashada iyo dalladahooda.

Warbixin ay soo saartay hay’adda USAID, ayaa sheegaysa in boqolkii 90 macallimiinta dalku ay yihiin lab (rag). Walow, macallimiinta dhedig (dumar) ay xiiso u hayaan la shaqeynta carruurta yaryar. Barbaarin taya leh, ayaa aasaas u ah horumar waxtar leh. Taasi, waxey adkeyneysa muhiimadda “manhaj mideysan,” wada-shaqeyn daah-furan iyo wada-xisaabtan dhab ah.

Waxaa kaloo xusid mudan, in aynu dul-istaagno ururada ama hay’adaha wata magaca cilmi-baarista nabada iyo amaanka ee abuurmay muddadii dowlad-la’aanta. Hay’adahaas, waxay aheed inay cilmi-baaris qoto dheer ku sameeyaan waxa abuuray nabad iyo amaan la’aanta, ayagoo ka madax-banaan hab-fakarka Soomaalida ay dishootay reer-nimada iyo qabyaalada. Isla markaasna, ay daraasadooda talooyinka wata sal uga dhigaan sareenta sharciga iyo qawaaniinta dowliga in lagu dhaqmo.

Taa badalkeed, waxaa cad in ay talooyinkooda qoraalka iyo wareysiyada ay bixiyaan laga dha-dhan san karo abuuritaanka jahawareer siyaasadeed iyo xasilooni daro. Taana waxaa sabab u ah labo arimood, tan hore oo ah in markii hore lagu abuuray ilaalinta danaha qabiilka iyo salaan lagu fuulo masraxa siyaasada. Tusaalaha dhow aynu soo qaadan karno waxaa ka mid ah markii ay na saamaysay khilaafka khaliijka Carbeed oo ay isku qabsadeen maamul-goboleedyada iyo dowlada federalka hagida siyaasada arimaha dibada, iyo dhismaha ciidan-qaran oo hanta amniga dalka.

Waxaynu soo gaarnay xiligii aynu dib u eegi laheen qaladaadka, si loo helo dowlad gudata shaqada muwaadinka xaqa uu u lahaa. Taa si loo helo, waa in manhajka dugsiyada lagu daraa barashada casharo kobcinaaya garaadka ardayga iyo ogaanshaha xeerarka aasaaska u ah helitaanka dowlad ka madax-banaan hab-fakarka qabiilka. Taas oo ku saleysan sad-bursiga oo aynu ka dha-dhan san karno maamaahyada sida:

Dheri ninkii u dhow ayaa lafta kala baxa;

Nin xoog leh ayaa xaajo u toostaa;

Miskiin ayaa leh misko la fuulo.

Saciid Cabdisalaan

Afeef: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments