Wednesday, April 24, 2024
Home Caalamka Afrika Uma Kala Harin Beijing

Afrika Uma Kala Harin Beijing

Shirweynahii Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika 2018 ee labada maalmood 3dii iyo 4dii Sebtember ka socday Beijing, waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa horumarka dhaqan-dhaqaalaha labada dhinac.  Markale, Shiinuhu wuxuu  ballan qaaday inuu ku bixin doono hanti dhan 60 bilyan doolar, kobcinta wax-wada-qabsiga labada gees.

Dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay, ayaa tan iyo markii ay gaareyn Beijing la yeeshay mas’uuliyiinta Shiinaha wadahadallo heerar kala duwan leh. Soomaaliya, waxey kulankaas qalinka ku jiiday iskaashi aan gacan hoorsi ahayn. Hase yeeshee, maalgashiga Shiinaha ee Afrika ayaa dood ka taagan tahay.

Waxaa is-weydiin u baahan, Soomaaliya ma ka faa’iideysan doontaa, mise si fudud ayay dabin ugu dhaci doontaa.”

China Business in Africa

Tan iyo markii la asaasay iskaashiga (FOCAC – 2000), wada-shaqaynta Koofur-Koofur waxey noqotay mid soo hooysa natiijooyin wax-ku-ool ah.

Inkastoo reer galbeedka ay eedeeynayaan iskaashiga, haddana xaqiiqda waxey muujineysaa in Afrika horumarkeeda sii kobacayo sanadba sanadka ka dambeya. Iskaashigu, wuxuu abuuray ganacsi shuruudo wanaagsan iyo dhoofin mug leh uu sheegay “Brooking Institution – August 2015.”

Beijing waxey Afrika kala shaqeyn doontaa, 8 (sideed) wax-qabadyo waa weyn oo la hirgelin doono saddexda sanadood ee soo socota. Howlahaas, waxaa ka mid ah: (1) Hindisaha dhiirigelinta warshadaha, (2) Qorshaha isku xirka kaabayaasha, (3) Fududeynta ganacsiga, (4) Horumarinta cagaaran, (5) Dhiirigelinta karti-xirfadeedka, (6) Barnaamijka daryeelka caafimaadka, (7) Isdhexgalka dadweynaha, iyo (8) Nabadda iyo ammaanka.

Sida uu qoray wargeyska “Xinhuanet – 02/09/2018,” mugga ganacsiga labada dhinac wuxuu gaaray 2017kii ilaa 170 bilyan doolar, halka sanadkii 2000ka uu ka ahaa 10 bilyan doolar keliya. Qiyaasta ganacsiga Maraykanka iyo Afrika dhex-maray sanadkaas, wuxuu ahaa saddex meelood meel marka la barbar dhigo kan Shiinaha (DW – 06/09/2018).

Beijing FOCAC

Xiriirku kuma salaysna ganacsi keliya, ee wuxuu leeyahay hadafyo horumarineed oo dan wadaag ah. Shirkii 2015kii ee “Johannesburg,” Shiinaha wuxuu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono saddex caqabadood oo weligoodba hor taagnaa horumarinta qaarada Afrika: (a) Kaabayaasha saboolka ah, (b) Karti-xirfadeedka shaqaalaha oo liita, iyo (j) Ra’sumaal la’aanta dhaqaalaha.

Walow, maalgashi uusan ahayn wax laga argagaxo, haddana deeqda Shiinaha ee aan shuruudda lahayn waxey kordhisay musuqa madaxda Afrika. Madaxweyne – Xi Jinping, asagoo la hadlaya jamaahiirtii joogtay shirka wuxuu ku yiri, “iskaashiga Shiinaha wuxuu si cad u beegsanayaa caqabadaha hortaagan horumarka. Ma aha in maaliyadda iskaashiga lagu bixiyo mashaariic aan macna laheyn.”

Si loo fududeyo howl-qabadka saddexda sanadood ee socoda, maalgashiga wuxuu u qaybsan yahay 15 bilyan doolar oo ah gargaar, deyn aan dulsaar laheyn iyo amaah fudud, 20 bilyan oo ah khadadka deynta (credit lines), halka 10 bilyan doolar loogu tala-galay maagelinta horumarinta, iyada oo 5 bilyan doolar lagu dhiiri-gelin doono soo dejinta badeecadaha Afrika.

Sidoo kale, Shiinaha wuxuu ku dhiiri-geliyay shirkadahiisa in Afrika geliyaan raa’sumaal dhan 10 bilyan doolar, saddexda sanadood ee soo socota.

Khaaliban, soo-saarista khayraadka, suuq-geyntiisa iyo horumarinta kaabayaasha, waxaa maamula guddiyo isku dhaf ah oo loo yaqaan “Master Facility Agreements.” Tabtaas, waxaa loogu talagay inay yareyso halista khatarta ganacsiga ee dhammaan marxaladaha iskaashiga.

Kaabayaasha waxey lagama maarmaan u yihiin kobaca dhaqaalaha, inkastoo aysan ku filneyn inay abuuraan shaqooyin wax ku ool ah. Sidaas darteed, dalalka deeqda raadsada waxay u adeegsadaan horumarinta kaabayaasha si ay u soo jiitaan maalgalin wax-qabadyada wax soo saarka, si shaqo bahsan loo abuuro.

Somalia - Beinjing delegation

Sideedaba, heshiisyada laba-geesoodka ah, marna ma siiyaan awood gorgortan wadamada soo-koraya. Sidaas darteed, Soomaaliya [Afrika] waxey ku badbaadi kartaa in daah-furnaanta la kordhiyo, si loo cadeyo kharashyada iyo faa’iidooyinka kala duwan ee maaliyadda mashruuca.

Weliba, waxaa muhiim ah in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed – Farmajo uu tixgeliyo in maalgashiga Shiinuhu yeelan karo cawaaqib xun ama wax-tar wax ku ool ah. Taas oo ku xiran hadba doorka uu maamulkiisu ka qaato qiimeynta heshiisyada amaahda iyo qandaraasyada maalgashiga.

Kuwa naqdinaya Shiinaha, ayaa Afrika uga digaya inay ku dhicin dabinta deyn aysan qaadi karin, sidii tii reer Galbeedka, oo ilaa hadda dalal badan oo Afrikaan ah, luqunta ugu jirta (Los Angeles Times – 03/09/2018).

Dhaqaaleyahan Jarmal ah, oo ku xeel-dheer arrimaha Afrika ayaa sheegay in, “iskaashiga Shiinaha ee horumarinta dhaqaalaha, kaabayaasha iyo warshadeenta uu u shaqeynayo si wax ku ool ah, marka loo eego midka reer Galbeedka, (DW – 03/09/2018).”

Shiinaha iyo Soomaliya, waxay xiriir diblumaasiyadeed yeeshee December 14, 1960. Mashaariicda uu dalka ka hirgeliyey waxaa ka mid ahaa: Wadada isku xirta Beled-weyne iyo Burco, Masraxa Qaranka, Warshadda Sigaarka, Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, Mashruuca Biyaha Hargeysa, Isbitaalka Banaadir, Beeraha Faanoole, iwm.

Maalgashiga Shiinaha, waa wadiiqada dalka uu ku heli karo deyn aan shuruud ku xirnayn oo lagu hormariyo kaabayaasha. Soomaaliya, waxey joqarafiyada kaga taal goob muhiim u ah isu-socodka ganacsiga aduunka ee mara Bada Cas iyo Badweynta Hindiya. Weliba, waa irida wadamada deriska ah ee aan bada laheen.

Somalia - Dr Hodon Abdi

Sanado badan, ayaa warbaahinta caalamka soo bandhigeysay sawirada xun ee dalka. Soomaaliya waxay doonaysaa iskaashi dhaqaale, maalgashi horumarin, kaalmo dowladeed (dadweyne) iyo mid gaar ahba, ee ma raadineyso dheeq, ayey tiri Hodon Cusmaan Cabdi – La Taliyaha Madaxweynaha (China File – 08/06/2018).

Waxaa shaki ku jirin, in xeebaha dekeddaha dabiiciga ah leh ee Soomaaliyeed ay gacan weyn ka geysan karaan hindisaha Shiinaha (Belt and Road Initiative). Intaas waxaa dheer, in ay ku fiican yihiin dalxiiska, kaluumaysiga, iyadoo weliba dhul beereed aan hore looga faa’iideysan uu reed socdo.

Waxaa cajiib ah, in inta u dhexeysa dekedda Massawac ee Eriterea iyo tan Mombasa ee Kenya in aysan ku ool deked baaxad weyn (port hubs). Maraakiibta caalamka, gaar ahaan kuwa Shiinaha ee badeecadaha u sida Afrika iyo Aasiya waxaa looga adeegaa dekedda “Hambanthota” ee Sri Lanka.

Afrika waxaa lagu wadaa inay noqon doonto xarunta warshadaha caalamika ee ka soo cararaya qaaliga kharaashka hawl-galka Shiinaha. Taas, miyeysan Soomaaliya siinaynin fursad ay ku noqoto “East African Port Hub.”

Dhinaca Kale, khabiir ka tirsan Jaamacadda Melbourne ayaa sheegay in, “Shiinaha raadinayo in uu maalgashto warshadaha ku tiirsan wax-soo-saarka muruq-maalka, bacdamaa dadkooda uu u batay waayeel iyo hodan” (EWN – 31/08/2018). Intaas waxaa dheer, in dhaqaalaha Shiinaha oo ku horumaray wax-soo-saarka muruq-maalka qiimaha jaban, uu u guuray warshadaynta qalabka u baahan farsamada heerka sare (fiiri maqaalka Siyaasadda Xirig-Jiidka).

Somalia - Shiinaha Shir 2018

Shaki kuma jiro, in fursadahaas u furan yihiin Soomaaliya oo dadkeedu u badan yihiin da’ shaqo. Muruq-maalka da’ yarta shaqada la’a, waxaa lagu qiyaasay boqolkii 67, (Youth Policy Organization – 08/06/2014). Dalal badan oo Afrikaan ah waxey iskaashiga ka kororsadeen tikhnoolojiyad xaddidan, xirfad shaqo iyo howl-gelin muruq-maal.

Dabcan, haddii aan laga fikirin sidii laysku waafajin lahaa nidaamka waxbarashada maanta, iyo bahida shaqada mustaqbalka, waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay seegi-doonto fursado hanti-abuur ah, oo weliba suurto-gilin karta in la yareeyo saboolnimada baahsan.

Wax yaalo badan oo ay siyaasiyiin reer galbeed ah ka aaminsan yihiin iskaashiga Shiinaha, ayan run ahayn. Culimada Jaamacadda Boston iyo tan Johns Hopkins, waxey ogaadayn in daynta Shiinaha ay ka dulsaar jaban tahay tan reer galbeedka, kana mudda dheer tahay dib u bixinteeda (Washington Post – 12/04/2018).

Sanadkaan, waxaa Afrika iskaga daba yimid madaxdii reer Yurub, “Angela Merkel, Theresa May, iyo Emmanuel Macron,” oo wata siyaasad ku dhisan niyad wanaag, hase ahaate tallaabo gaaban. “Tobannaan sano oo ah dayacaad iyo ballan-qaadyo been ah [kadib], reer galbeedku waxay Afrika ka kasbadeen kaliya in aan lagu kalsoonayn, ayuu yiri Rashid Karshe, (BBC News – 22/06/2006).

Inkastoo aan la faah-faahin heshiisyada Shiinaha iyo Soomaaliya, haddana diirad saarida sidii loo heli lahayd malgashi aan dulsaar lahayn, waa habka ugu haboon ee lagu horumarin karo dalka. Soomaaliya waxaa luqunta ugu jira deyntii hore. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in taxadar laga ahaado heshiisyada wax u dhimmi kara dadaalka deyn cafiska. Sideedaba, galbeedku ma doonayaan in lacagtooda (IMF funds) lagu mago qaanta Shiinaha.

War iyo dhammaantii, heshiiska iskaashiga Beijing wuxuu xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka gudubtay maxraladdii dowladnimada jilicsan (fragile State). Weliba wuxuu dalka ka xureyay shuruudihii hay’adaha maaliyadda caalamiga iyo maalgashiigii martida loogu ahaa Reer-Galbeedka iyo Gacanka Carbeed keliya.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AfeefFikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments