Xalku Waa Wada-Shaqeyn Waarta

Somalia - Shirka-Muqdisho

Taariikhda dalka si kooban haddii loo dul maro, dadkii ka qayb qaatay halgankii xuriya doonka, oo biloowday 1943dii, kuwii goob joog aheyd iyo weliba intii taariikhdaas baratay, waxey og yihiin in SYL ay ku guleysatay 17 sano kadib, 1dii Luulyo 1960kii, in uu dalka helo xuriyadiisi. Waxaa isla markaa midobay labadii qaybood ee ugu horeeyay dhulka Soomaaliyeed.  Guumeysiga, reer Yurub ee cariga Soomaaliyeed, wuxuu socday laga soo bilaabo 1884tii, oo ah waqtiga ay dowladaha reer Yurub ay ku qaybsadeen Afrika magaalada Barlin ee dalka Jarmalka.

Labadii qaybood ee midoobay, waxey dhisteen dawlad rayad ah oo demoqaradi ah.  Dawladaas waxey xilka haysay ilaa 9 sano, iyadoo labo Madaxweyne ay xilka doorasho ku kala waregeen.  Dawladii rayadka aheyd, waxaa 21kii Oktoobar 1969, xilkii afgambi ugula waregay ciidamadii dalka oo taagero hub iyo la-talin ka helaayay dawladda Midoowga Sofiyeeti.

Isla markiiba, ciidamada waxey dhisteen Gole  ka kooban 25 sarkaal oo madax u yahay Jeneral Maxamed Siyaad Barre.  Golahaas wuxuu dhaqan geliyey nidaamka kali-talisnimo ah, waxeyna soo saarayn bishii Janaayo 1971dii wax lagu magacaabo Xashadii 2aad, oo u dhiganta Dastuur.  Xashidaas waxaa ku qornaa, laga soo bilaabo 21kii Oktoobar 1970kii, dawladda inay qaadatay mabda’a loo yaqaano Scientific Socialism oo ah heerka ugu sareeya ee shuuciyada (Maxisim- Leninism) oo aaminsan  diin la’aan.

Go’ankaas, wuxuu ahaa mid meel ka dhac weyn ku ah Diinta Islaamka iyo ummadda Soomaliyeed oo boqolkiiba boqol muslim ah.

Cidamadu, waxey dalka xukumayeen muddo 22 sano ah. Muddadaas, si xad dhaaf leh ayaa xuquuqdii aadanaha iyo xuriyadii dadka loogu tuntay.  Isla muddadaas dhaqaalahii dalka wuxuu noqday mid ay dawladdu ku takri fasho lacagahii shacabka Bankiyada u tiilay shillin laga waayo.

Waxa taas suurageliyay dhammaan Bankiyada dalka oo ahaa kuwo ay dawladda leedahay, wixii ka dambeyay bishii Maajo 1970dii. Xiligaas oo la qarameeyay Bankiyadii ganacsi ee ay lahayeen dalal shisheeye ah, ha yeeshee, hantida tiilay ay lahayeen badankeeda mowadaniin Soomali ah.

Dhibatoyinkaas iyo kuwo kale oo is biirsaday waxey sababeen ummadda in uu ka dhamaado sabarki iyo adkeysigi. Kadibna ay Jabhado hubeysan dhismaan oo dawladda la dagaalamo. Jabhadahaas, kuwooda ugu waaweyn waxey ahayeem USC, SSDF iyo SNM waxeyna suragal ka dhigeen in 22kii Jenaayo 1991ki Dawladii Militeriga aheyd in ay xukunka ka ridaan.

Jabhadahu waxey ahayeen kuwo qabiil ku dhisan oo aan laheyn qorshe qaran oo ay heshiis ku wada yihiin, sida ay dalka u maamuli lahayen.  Muddo yar gudaheeda Jabhada USC iyo SSDF waxa ka dhax qarxay dagaal qabiili ah oo awood ku dirir ah.

Kadibna, dagaalka markii dad badan oo labada dhinac ay ka dhinteen waxey noqotay in la kala guuro. USC waxey qabsatay Muqdisho iyo Gobollada Koofureed, SSDF-na waxey nidaam ismaamul dawladeed ka dhisatay gobollada Woqooyi Bari.

Si xal loogu helo dhibaatada Soomaliya laga bilaabo isla  sanadkii 1991kii  dawladaha addunka waxey shirrar dib-u-heshiisin ah ugu qabteen dadka Soomaliyeed dalalka  soo socoda:  Jibuuti laba goor, Addis Abeba laba geer,  Nairobi iyo Qahiro iyo meelo kale , intii  u dhaxeysay 1991 ilaa sannadki 1999 ha-ahaatee wax ka suuragalay ma jirin.

Soomaalida waxey ka kooban tahay dhoor qabiil sida dadka addunka oo dhan.  Addunka kama jiro qof aan qabiil ka dhalan, qabiilkuna sidisaba wax dhibaato ah malaha.

Waxa dhibaatada leh waa Qabyaaladda. Gabyaa Soomaaliyeed oo Leegada (SYL) ka tirsanaa, oo sida aan jeclahay magacisu ahaa Cali Xuseen, wuxuu dhibaatada qabyaalada ku tilmaamay tixdaan: “Dugsi ma laha qabyaaladu waxey dumiso mooyaane”.

Nin kale oo reer galbeed ah oo ah aqoon yahan bartay dhibaatada qabyaaladda oo   magaciisa yahay: Crawford Young wuxuu, isagoo ka hadlaya qabyaadda yiri: “If nationalism was a progressive and worthy topic, ethnicity was retrogressive and shameful one.” Warkaas oo micnahiisa yahay haddi waddaninimada ay tahay horumar iyo wax qiimo leh, qabyaaladda waa mid dib u socod iyo ceeb miiran ah.

Sannadkii 2000da bishii Maajo, ayuu mar seddaxaad Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele wuxuu shir dib-u-heshiisin ah Soomalida ugu qabtay Degmada Carte ee dalka Jibuuti. Shirkaas markii uu socday muddo bilooyin ah ururadii Soomaliyeedna ay heshiis gaari waayeen, ayuu Madaxweyne Ismacii Cumar Geelle shirka dhax yimid, kana codsaday Soomaalida in ay dalkooda iyo dadkooda u naxaan oo ay heshiis garaan.

Ugu dambeynti 27dii Agoosto 2000, ayey Soomalida ku heshiin dhismo Gole Shacab oo ka kooban 275 xunood, oo beelaha Soomaliyeed loogu qaybiyay sida soo socota: 4 beelood oo waaweyn oo mid walba loo qondeyay 61 kursi iyo mid shanaad, oo la siiyay 31 kursi. Sidaas tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka waxey ku noqdeen 275 kursi.

Isbedello si demoqaraadi ah u hirgalay

Somalia - Last 3 Presidents

27dii Agosto 2000, waxaa Madaxweyne u doortay, Mudane Cadiqaasim Salaad Xassan 145 xildhibaan.  Markii waqtigii xilka uu dhammadayna waxa 10kii bishii Oktoobar 2004, degaanka Mbagathi ee dalka Kenya, loogu doortay Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed.  Madaxweyne Cabdullahi Yusuf wuxuu xilka ka degay qalelaaso darteed iyadoo waqtigiisii uusan dhamaanin.

Waxa Madaxweyne noqday Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo horay uga tirsanaan jiray uruur magaciisa ahaa Maxkamadaha. Kaas oo ay dhisteen beelaha Muqdisho deganaa, si wax looga qabto nabadgelyo la’aanta Muqdisho ka jirtay.

Maxkamadaha oo dhowr ahaa waxey noqdeen kuwo ilaa iyo heer ay shacabka ku kala badbadaan.  Muddo yar kadib maxkamadaha waxey sameysteen nidaam leh maamul dawlad iyo barlamaan.

Maxkamadahu waxey Muqdisho xukumayeen muddo lix bilood ah waxeyna nabadgelyada magaaalada ka dhigeen mid sugan.

Xil isku wareejinta madaxtinamada dalka oo ku socotay si nabad ah, ayaa waxa 2012kii madaxweyne loo dortay Mudane Xasaan Sheikh Maxamuud.  Afar sano kadib, biloowi 2017kii waxaa isna madaxweyne loo dooray Mudane Maxamed Cabullahi Formaggio.

Go”aankii Dowlad Gobolaydyada

Somali - States 5

Sida lagu sheegay warbaahinta dalka 8dii Sebtembar 2018, Dawlad Goboleedyad Dalka, shir ay ku yeeshay Kisimaayo, waxey go’aan ku gareen joojinta la shaqeynti Dawladda Dhexe ee Dalka.

Tilaabadaas ma noqon mid lagu farxo marka la tixgeliyo dhibatooyinka tirada badan ee dalka horay u soo maray iyo kuwa weli ka socda, oo la filayay in ay soo dhowaatay waqtigii uu dadka ka bixi lahaa.

Go’aanka Dawlad Goboleedyada, wax kasta ha looga dan lahaadee, waa mid ugub ah oo aan horay taariikhda u soo marin Gobollo inay Caasimadda dalka ka go’aan. Waa tilaabo leh astaamo kala dhan taalid walaaltinima iyo wadajirka ummad isku jinsi, isku af iyo isku diin ah.

Sida runta ah wixii wadajir lagu waayo kala go’go iyo tafaraaruq laguma helaayo. Sidaas darteed waxaa wanaagsan Madaxda Gobollada inay dib isku noqdaan oo ay dalka u radiyaan xal siyasadeed oo loo dhan yahay oo waara. Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku Jiraa in ummada wada jirto.

Dawladda Dhexana, waxaa looga baahan yahay in ay u dhaqanto sidii:  Oday ilmo badan dhalay oo mid walba fikir iyo dabeecad gooni ah leeyahay. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay inuu isku hayo oo daryeelo cabashoyinkooda.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Maxamed Xuseen Amin.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

2 comments

Leave a Reply to ocean king app Cancel reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s