Hagida, maamulka iyo maareynta nolosha adanaha, iyo bay’ada waa aqoon la barto, doorna ka qaadata hanaanka dowladnimada iyo baraaraha bulsho kasta. Waxaa mudan in la isweydiiyo 48 sano oo xornimo ah ka dib, maxay Soomaaliya u la’dahay hanaan dowladnimo oo dhammaystiran. Waa dooda maqaalka, si aynu taas u fahano waxaan dul-isaagaynaa dhowr qodob.
Dastuur waa heshiis bulsho, qaabeeya habka ay ummad isku maamulayso, kaasoo leh waajibaad dul-saaran muwadinka iyo xuquuq uu yeelanayo. Sharciyada iyo xeerarka dal waa inaysan ka hor imaanin dastuurka dalka.
Dastuurka waxaa uu damaanad qaadayaa, ilaalinta iyo dhowrida nafta, sharafka, iyo hantida muwadinka. Muwadinka, si uu u helo xuquuq-diisa waa inuu gutaa waajibaadka lagu leeyahay, oo ah dhowrida iyo ilaalinta sharciga iyo xeerarka dalka. Sida bixinta canshuurta, ilaalinta nabad-gelyada, marqaanti furka, doorashada ama xulida shaqsi buuxin kara ama u qalma hogaaminta, hay’adaha dastuuriga ah.
Dowladaha horumarka ka gaaray ilaalinta xuquuqda muwaadinka iyo dhaqaalaha, waxey ku timid isla-xisaabtanka hay’adaha dastuuriga ah dhexdooda, sareenta sharciga iyo tixgelinta codka muwaadinka.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa u doortay garyaqaan Brett Kavanaugh inuu buuxiyo jago ka banaan maxkamada sare (supreme court). Waxaa soo baxday, intaan codka loo qaadin, inuu kula kacay fal anshax xumo ah haweeney la yiraahdo Professor Christine Ford, oo ay dugsiga sare isla dhigteen 30 sano ka hor (bilowgii 80da). Waxaa lagu bilaabayaa baaritaan, haddii lagu helo eedaynta waxaa uu ku weenayaa ugu yaraan jagadaas (CNN – 30/09/2018).
Taasi waxay tusaale u tahay, in xilalka siyaasiga iyo kan sharciyada noqdaan dadka qabanaya kuwo la hubiyey hufnaantooda iyo kartidooda, si ay ugu adeegaan bushada. Haddaba, Soomaalida habka ay wax ku xushaan ama ay ku doortaan waa sidee?
Kan ayaa nagu qolo ah, kanaa i xiga, kanaa laan-dheere ah, iyo kanaa lacag haysta! Qof ku yimid maxuu horumar keeni karaa!
Faysal Cabdiqadir, waxuu tusaale ku dayasho mudan u yahay kuwa leh han maamul iyo mid siyaasi. Faysal waa madaxii xafiiska waxbarashada magaalada Dhagax-buur ee dhulka Soomaali galbeed ee hoos taga xukuumada Itoobiya.
Isbedelada ka dhacay Itoobiya, ee sababay inuu meesha ka baxo hogaankii hore ee dhulka Soomaali galbeed, ayaa hogaanka cusub ku qasabtay inuu soo rogo in deegaanada doortaan shaqsiyaadka maamulaya xafiisyada maamul-deegaan.
Qabiil walba waxuu soo bandhigay damiciisa ku aadan qabashada kuraasta halka uu dago. Faysal waxaa loo gartay inuu sii hayo xafiiska waxbarashada magaalada dhagax-buur, walow aysan beeshiisa degin. Taasoo uu ku mutaystay kartidiisa shaqo. Dad-weynaha dhagax-buur 100% wuxuu raali ka noqdeen intii uu maamulaye xafiiska waxbarashada magaalada (BBC Somali 09/24/2018).
Shacabka Soomaalida, waxaa deeqa in la tuso wax-qabad, cadaalad iyo sinaan. Akhristow soo lama soo gaarin xiligii lala dagaalami lahaa xag-jirnimada Qabiilka iyo Qabyaaladda wax ku qaybsiga kuraasta iyo xilalka dowliga.
Madaxweynaha iyo ra’iisal-wasaaraha dalka federalka Jarmalka, Frank Walter iyo Angele Merkel labadaba waxay ka soo jeedaan Jarmalka bari (east of Germany). Taas waxay cadeen u tahay in lagu doortay arigtooda siyaasada ee aan lagu xulan halka reerkooda degaan.
Qeexid la’aanta Awooda Maamulka Heer Gobol iyo Heer Qaran.
Dastuurka, waxaa uu siinayaa awooda maamul siyaasada arrimaha dibada, gashaandhiga (ciidan), maaliyada, iyo jinsiyada dowlada dhexe. Waxaa maanta aragnaa in maamul-goboleedyada hogaankooda ogoleen arrintaas dastuuriga ah.
Dalka Spain, gobol katalaan (Catalan) ayaa ku dhawaaqay inuu ka go’ay dalka intiisa kale. Dowlada Spain ayaa arrinkaas ka hortagtay, waxayna soo rogtay xukun-degdeg ah. Waxay dacwad ku soo oogtay hogaamiyaasha katalaan ee gooni-goosadka.
Intaas kadib, waxay dowlada Spain qabatay doorasho gobolka katalaan. Maamulka katalaan waxay dib ugu celisay hogaanka la doortay. Howshaas, waxaa fududeeyey labo arimood: Tan hore oo ah in ciidamada federalka hoos tagaan dowlada dhexe, iyo in maamulka xafiisyada dowlada dhexe si firfircoon uga howl galaan katalaan, sida sirdoonka, police federalka, maamulka maliyada, hanti-dhowrka, xeer-ilaalinta iwm. Katalaan waxay laheed boliska gobolka (local police).
Tan labaad oo ah in shacabka katalaan (Catalan) dibada u soo baxeen ayagoo diidan, go’aanka ay qaateen maamulayaasha gobolkooda (katalaan). Hogaanka Spain dhib badan kalama kulmin inay xaalada caadi ku soo ceshaan. Walow ay jirtay shacab tiro yar oo doonaye gooni-isutaag.
Soomaaliya waxay cashar ka baran karaan waxii ka dhacay katalaan (Spain). Waajibaadka buslshada, waxay farayaan muwaadinka inuu aamuska ka baxo, oo uu muujiyo codkiisa (doorashada) wadan jacaylka, una hiiliyo qarimada, midnimada, naftiisa, iyo jiilasha dhalan doona.
Muwadinka Soomaaliga, waxuu xaq u leeyahay inuu degi karo (ku noolan karo), kana shaqeen karo Jamhuuriyada Soomaaliya dhexdeeda, goobtii iyo meeshii uu doono! Laga dooran karo, waxna ka dooran karo! Haddaba, xagee ku danbeysay xaquuqdaas? Markii aan gudan weynay waajibaadka ayaan luminay xaquuqdaas iyo kuwo kale oo fara-badan.
Dalka Maraykanka waa federal, muwadinka (citizen) waxaa uu heystaa xuquuqda aan kor ku xusay, iyo kuwo kale oo badan! Waxaa uu ka kooban yahay 50 maamul-goboleed (states). Gobol kasta oo ka mid ah, miisaniyad sanadeedkiisa wuxuu ka badan yahay dalal waaweyn oo jira. Misna, hogaamiyaasha goboladaas looguma yeero mansabkooda(title) madaxweyne waxay hayaan jagada governor.
Sidaas ayuu dalka Maraykanka ku yeeshay hal hogaan oo ay ka go’aan arrimaha masiiriga ah. Waa hanaanka la doonayo in Soomaalida la jaan-qaado, waa haddii horumar la rabo.
Maamul goboleedyada waxay ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen Dowlada Dhexe, waa ifo-faale muujinaya mustaqbalka waxa soo socda. “Fiintu waxay ka qaylisaa waxa soo socda.”
Haddii maamulada gobolada loo ogolaado inay samaystaan ciidamo ka baxsan bolis-goboleed (local police), waxaa cad inay ku dhawaaqi doonaan inay ka go’een Jamhuuriyada inteeda kale, haddii ay danahooda gaarka ah ka dhex arki waayaan midnamada Soomaaliyeed. Ayna naf iyo maal badan ku weyn doono ku soo celinta xeen-daabka midnimada.
Boris Johnson, xog-hayihii hore ee arrimaha dibada Ingiriiska (British), ayaa hadal qadaf ah wax kaga sheegay qayb bulshada Ingiriiska ka mid ah. Taasoo aheed in si jeesjees ah u af-lagaadeeye labiska dumarka muslimiinta.
Waxaa si caro ah kaga jawaabay hogaamiyaasha siyaasada oo ay ku jirto Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Ms. Theresa May. Waxaa iska fogeeye hadaladiisa siyaasiyiinta hanka ka leh hogaaminta Ingiriisk. Waxay isu tuseen haddii ay ka aamusaan inay ku ween karaan cododka qaar ka mid ah muwaadiniintooda. Akhristow codkaaga ma yahay mid la qadariyo? Mise waa Gashaanti Amuska ayaa lagu Meheriyaa.
Madixii sirdoonka gudaha Jarmalka ayaa lagu qasbay inuu jagada baneeyo. Mr. Hans-georg, kadib markii uu dafiray dhibaato loo geysanaye dadka soo galootiga ah (Refugee), taasoo ay ku geysteen kooxaha midigta fog 26kii, Agoosto magaalada Chemnitz.
Haddaba, muwadinka Soomaaliya dhibaato intee la’eg ayaa loo geystaa saacad kasta, isla markaasna aynu sacabka iyo durbaanka u tumeeyno inay dhibaato kale nagu sii sameeyaan dadka masraxa siyaasada jila.
Waxbarashada dugsiyada, waxay door ka qaadan karaan xoreenta iyo kobcinta garaadka aadamaha. Si mustaqbalka dalku u helo jiil xor ka ah maskaxda, waa in manhajka dugsiyada lagu daraa barashada gudashada waajibaadka dastuuriga ah, iyo xuquuqda muwaadinka.
Aqoon la’aan waa Iftiin la’aan
Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.