Buggani sida lixda buug oo ka horreeyay oo Nuruddiin Faarax (N.F.) uu qoray waxuu ku qoran yahay afka Ingiriisiga. N.F. wuxuu adduunwynaha ka mutaystay[1] aqoonsi iyo abaalmarinno fara badan: bilicsanaanta[2] qoristiisa iyo curintiisa[3] murtida xambaarsan. Wuxuuna u soo jiiday dadkiisa iyo dalkiisaba sharaf weyn. Buuggan waa sheeka mala awaal ah[4]. Duniya waa kalkaaliyad ka shaqeysa Cisbitaalka Banaadir. Waxay leedahay saddex carrur ah; laba mataano Nassiiba iyo Mataan oo ay u dhashay waayeel indhoole ah (Subayr ama Zubair) oo aabbeheed uu ku daray, iyo Yarer oo ay u dhashay Taariq oo ah tifaftire[5] Xiddigta Oktoobar oo ay ku kala tageen khamriga cabbiddiisa.
Duniya markuu Subayr ka dhinty waxay usoo guurtay Muqdisho. Duniya si fudud ayay ku guursatay Taariq oo ugu deeqay guri kiro jaban; kaasoo muddada hore say[6] iyo wehel[7] wanaagsan u noqday, ka dibna ka adkaan waayay balwadiisa[8].
Muddo ka dib waxay barasho la wadaagtay wiil la yiraahdo Bosaaso oo isna diyaar u la ah deeq. Wiilkan wuxuu saaxiib la yahay Dhakhtar Mire oo ay Duniya isla shaqeeyaan oo ayna isla yihiin indheergarato[9] aqoontooda ugu deeqa dalkooda. Bosaaso wuxuu kaloo saaxiib la yahay walaalkeeda Abshir oo dibadda kasoo biila Duniya oo aan mushaarkeeda ku fillayn.
Sheekadu waxaa ay ku salaysan[10] tahay deeqda ha ahaato mid dhex marta laba ruux sida Duniya iyo Qaasim oo ah maalqabeen xidid[11] la ah, ama iyada iyo Bosaaso, ama iyada iyo walaalkeeda Abshir iwm; ama mid dhex marta dawladaha sida Soomaaliya iyo dalalka gablbeedka. N.F. wuxuu isaga gudbaa adduun yaraha qoyska Duniya iyo adduunweynaha iyo deeqda iyo gargaarka. Nuruddiin wuxxuu muujinaaya, si kastaba, in Af Wax Cunay Xishoo[12] ay tahay xaqiiq jirta.
Mawduuca[13] deeqda wuxuu cirka isku shareeraayaa[14] kolka uu qoraaga uu soo tebiyo maqaal[15] uu qoray Taariq oo si siyaasi ah uga hadlaayo in deeqda ay deeq-qaataha ay ka dhigto hayin[16] ama dhibaataba ka soo gaarto (bog.192-198). Mar kalena qoraagu wuxuu adeegsanaayaa gabar reer Denmark ah oo ku hawlan samafal[17] iyo Yusur. N.F. misna dhan kale ayuu naga tusaayaa deeqda wanaagsan. Tusaale wuxxu u qaadanayaa qaaraanka[18] loogu deeqo ciddi dhibaataysan; kaasoo ah deeq aan la garanayn ruuxa bixiyay. Tusaale kale waxaa ah Bosaaso iyo Mire oo labaduba ka soo laabtay dalalka Maraykanka iyo Jarmalka oo ay ku hayseteen wax allaale waxay doonayeen, balse ka doorteen inay dalkooda iyo dadkooda ay ugu deeqaan aqoontooda iyakoon deeq ama abaal doonaynin. Tusaale kalena waxaa bixinaysa Maryan oo ah ruux waayeel oo habeen la kulmayso Taariq oo sakhraansan. Duq Maryan waxay ku dedeysaa bustadeeda[19] waxayna gaar[20] ka qabanaysaa habeenkii oo idil si aysan tuugada u furan ama eeyahaba aysan u cunin. Marka Taariq oo wax badan raadinaayaay ruuxaas samaha u falay inuu u mahadnaqo bustadeedina siiya, balse Maryan way dafirasysaa[21].
Dhanka dawladaha, waxaa tusaale deeq suubban ah tan dawladda Shiinaha oo cisbitaalka Banaadir ugu deeqday dadka Soomaaliyeed iyadoo marna dareensiin inay abaal ka rabto. Waxaa la yaab leh in cisbitaalkaas weyn aysan ka muuqan calan ama astaan[22] Shiino sida jawaannada ama daasadaha[23] deeqda reer galbeedka oo mid waliba ay ku qoran tabay cidda deeqda bixisay astaantoodana si buusxda ay uga muuqato. Deeqda qaarkeed ee Afrika la siiyo waa mid naaxisa[24] diktatoorrada macaluulisana[25] dadwenaha.
Axmed Qaasim Cali
References: