Inkastoo ay wax walba ka dhuntay, nasiib wanaag wuxuu ka badbaaday masiibadii ka dhacday Oktoobar 14dii, 2017 – Isgoyska Soobe ee Muqdisho. Marnaba ma soo marin Soomaaliya masiibo intaas le’eg. Weerarkaas aan naxariista lahayn, waxaa lala beegsaday dad aan waxba galabsan oo ku howlanaa noolal maalmeedkoodii. Bakool, oo dukaan yar ku lahaa goobtaas waxaa ku soo dumay daartii, wuxuuna ka jabay lug.
Oktoobar 14dii, waxey walbahaar ku reebtay dhamman dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatadii goobtaas. Ganacsatada yar-yar ka ah waxey waayahaan dambe, si lixaad leh ugu tiirsan yihiin iibinta badeecadaha ay soo amaahsadaan. Nasiib wanaag, Bakool deyn culus ma qabin, haddana maalintaas wuu cayrtoobay.
Muddo yar ka hor masiibada, ayuu Bakool guursaday gabar qurux badan oo uu jeclaa. Dhowr todobaad ka hor, ayay Fartuun xanuunsatay aadna daciif u noqotay. Kharashka dawadeeda waxey ku kacday wax ka badan awoodiisa, haddana Bakool marna kama wahsan inuu kula tacaalo diin iyo daawo.
Masiibadii ayaa Eebe khayr ka dhex siiyey. Gargaarkii dadweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ayuu ka helay Kaalmo dhan 3,500 doolar. Lacagtaas, wuxuu doortay inuu ku iibsado mooto saddex lugoodley – “Bajaaj,” si uu noolal maalmeedka reerkiisa uga soo saarto.
Bakool wuxuu Muqdisha yimid asagoo ka yar toban sano, mana xasuusto halka waalidkiis ay ku dambeyeen. Colaado iyo abaaro is-daba joog ah ayaa reerkiisii ka soo raray duleedka Xudur. Sida ay magaalaba midda xigta ugu sii guurayeen ayay Baydhabo soo gaareen ayada oo uu la socon aabihii. Wuxuu halkaas ku bartay ciyaal uu 2005kii u soo raacay Muqdisho.
Wuxuu ka mid noqday ciyaalka ka qaraabta suuqayada Xamar. Derbi jiifnimadii wuxuu ku bartay Felis oo ka ganacsata qaadka. Waxey la yaabtay da’diisa iyo dadnimadiisa. Wuxuu sii nadiifin jiray goobta ay ku ganacsato, ayada oo aan cidna u dirsan. Waxey bilowday inay u tuurto dhaadhac, si uu u helo wax uu afka ku rito.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Faarax oo qaadka ka iibsada lana yaabanaa nadafada goobta, firfircoonida wiilka yar, howl-qabad iyo dhaqan wanaagiisa, si hoos ahaan ah u weydiiyay Falis arrimihiisa. Intii uu ka arkay mooye, waxey u raacisay inuu yahay mid fahmo badan oo aamin ah. Bakool wuxuu Felis ag-joogay muddo dhan 2 ilaa 3 sanadood.
Faarax wuxuu u soo bandhigay wiilkii fursad cajiib leh. Waxaa loo sheegay inuu ka shaqeyn doono foorno (jiko) rootiga lagu dubo inta u dhexeysa saq dhexe ilaa barqadii. Howlahiisa waxaa ka mid ah inuu shido dabka, nadiifiyo goobta, weliba dhex seexdo si uu u ilaaliyo.
Bakool cuno iyo jiif keliya kama helin, ee wuxuu kaga badbaaday fidnadii xag-jirta, seegseegnimo iyo muqaadaraadka magaaladda. Wuxuu Fornada ka helay walaal uu ka talo qaato iyo dhallinyaro ganacsata ah oo uu ku daysado. Wuxuu jeclaaday inuu sidooda oo kale yeesho gaari-gacmeed uu ku iibiyo rootiga.
Horaantii 2011kii, wuxuu si xushmad leh u codsaday in laga sii daayo shaqada. Faarax wuxuu u sheegay inaysan sahlaneen ka ganacsiga suuqayada, weliba rootiga uusan gelin dhigaal. Inta uu joogay Fornada, Bakool wuxuu bartay qorista, higaada iyo xisaabaadka ilaa heer dugsi dhexe.
Markii uu suuqa tegay, waxaa ku soo baxay kharash jiif iyo raashin. Faa’iidadii uu hamminayay waxey u muuqatay inuusan rooti keliya ka sameyn karin. Wuxuu la tashtay nin bagaash ku iibiya waddada oo u sheegay in iibka bagaash-ku ka yara roon yahay ka cunada.
Wuxuu kale oo uu u sheegay in badeecadda lagu soo qaato amaah, haddii uu heli karo wax uu ku bilaabo. Kaydkiisa waa ku filnaa in lagu bilaabo, gaari-gacanka lagu rogo, wuxuuse ka sii welwelsanaa sidii uu u ballaarin lahaa mustaqbalka dhow.
Ganacsigii waa u najaxay, wuxuuna go’aansaday inuu furto firshad uu filayey inay dhaanto waratada. Wuxuu dukaan yar ka helay wado luuq ah ee qorax ka soo bax ka xigta dhismaha Zoobe. Wuxuu heystay lacag ku filan deebaajiga iyo labo bilood oo ijaar ah.
Xaafadu waa wadnaha magaaladda, wadadana waa mid socodkeedu aad u badan yahay. Waxaa sheeda ka saaran amaseba ka soo horjeedda hoteelo, bukaan socodyo iyo jaamacad. Bilihii hore dukaanku wuxuu ka badnaa inuu daboolo kirada iyo noolashiisaba.
Sannadkii 2015ka, ayaa hoteel Amaana oo jaar la ahaa uu soo degay nin dhallinyara ah oo ka tegay W. Maraykanka. Wuxuu la yaabay socod xumada dukaanka iyo dulqaadka wiilka. Todobaad ka dib, wuxuu ka wareystay xaalada dukaanka. Bakool wuxuu qirtay in dakhliga uu aad u adag yahay, danse ay ku khasbeeso inuu sii hayo dukaanka.
Maalmo ayuu la murugsanaa, wuxuuna kula taliyay inuu ganacsigiisa u bedelo adeeg, sida cunto fudud iyo cabitaan qabow, si uu ugu adeego ardada jaamacada iyo shaqaalaha dhismooyinka ku dhow.
Wuxuu soo daynsada laba qaboojiye, mid ka mid ah wuxuu ku kaydiyaa alaabada ceeriinka ah, kan kalana wuxuu u isticmaalaa cabitaan qabow. Wuxuu bilaabay inuu shah iyo canjeedo iibiyo. Qiimaha Safari Hoteel ee ka soo horjeeda, ma aha wax danyarta ay awooddo.
Waxaa ku soo yaacay ardadii jaamacadda iyo dadkii suuqa. Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa u yeeray macallin aad ugu boggay waxqabadkiisa iyo adkeysigiisa. Wuxuu u sheegay inuu gacan ka siinayo haddii uu doonayo inuu waxbarto, si uu u qaato imtixaanka dugsiga sare.
Bakool oo baahi u qabay cilmi, ayaa taladii qaatay. Wuxuu qortay labo wiil oo ka caawima howsha. Muddo ka dib, Jaamacadii waxaa ku shaacay sheekadiisii, kadib markii uu si cajaa’ib leh uga gudbay imtixaankii. Deeq waxbarasho ayaa loo fidiyey, wuxuuna isku qoray qaybta ganacsiga iyo maaraynta.
Asagoo sannadkii hore wax yar uga dhimman yahay, muufadiisiina ay maraq ku dhacday, ayaa cirka ku soo dumay. Alla uunbaa og, meesha uu ku dambeyn lahaa Bakool, haddii uusan helin raxmada Eebe iyo gargaarkii ummadda.
Cabdulqaadir Cariif Qaasim
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.