Qorshaha Boos Celiska Dekedaha

UAE map in SSannadahaan dambe, Jaraa’idka addunka waxey ka hadlayeen korshe ballaaran oo ku saabsan dekedo la doonayo in muddo gaaban laga hirgeliyo xeebata Eritrea, Djibouti, Soomalida –  Gobolada Woqooyi (Berbera), iyo Gobolka Puntland (Boosaaso).

Qorshaha baaxadaas leh oo waqti gaaban la doonayo in lagu hirgeliyo, ma noqon karo mid ku saleysan daraasad iyo qorshe maalgelin oo lagu hirgelinaayo awoodeeda dhaqaale dalka la rabo in dekedaha laga dhiso.

Sida ay shegeen warbaahinta addunka, qorshaha mashruuca dekedda dhiska waxa ka dambeeyo dalka Imaraadka Carabta Midoobay (UAE). Dalkaas wuxuu ka mid yahay dalalkii ku hoos jiray xukunka Ingiriiska laga soo bilaabo 1820kii.  Imaraadka midoobay, waxey ka kooban yihiin 7 dal oo yar-yar, waxaana lagu kala magacaabo: Abu Dhabi, Dubai, Al Sharigah, Ajmaan, Umm al-Qaywayn, Fujaiah iyo Ras al-Khaimah. Lix ka mid ah Midoowga Imiraadka, waxey Ingeriiska ka heleen xoriyadooda 2dii Dishember 1971kii, midda todobaadna 1dii Febaraayo 1972kii.

Baaxadda guud ee dalkodu waa 83,600 Sq.Km., tirada guud ee shacabkooduna, sida ay qoreen: National Geographic “Global Atles” iyo Philips “World Atlas”, wuxuu ahaa 2014kii, sida ay u kala horeyaan:  5,629,000 iyo 5,474,000 qofood.  Dalka Imaraadka wuxuu xuduudo la leeyahay: dhinaca Bari Comaan, dhinaca Koofureed iyo Galbeedba Boqortoyada Sacuudi Carabiya, halka Woqooyi Galbeedna ay ka xigto Qatar.

Dhaqaalaha Imaraadka wuxuu badankiisa ku saleysan yahay dhoofinta Shidaalka, oo markii uu horeysay ay shirkad Ingiriis ah ay ogaatay sannadkii 1958dii in degaanka “Umm Shariif” ee Imaraadka laga heli karo Oil (Shidaal).  Sidoo kale waxey ogadeen sannadkii 1960kii in Lama- Degaanka at Murban (At Murban desert) uu ku jiro shidaal.

Zayed-bin-Sultan-Al-NahyanShixnadii ugu horeysay oo Shidaal ceyriin ah (Crude oil) oo dibedda loo dhoofiyo waxa laga raray “Jabal Dhanna” ee Abu Dhabi, sannadkii 1962ki.  Wixii ka horeeyay sannadkii 1962kii, Imaraalka wuxuu ka mid ahaa dalalka addunka ee saboolka ahaa.

Markii dhoofinta shidaalka uu biloowday waxaa aad u kordhay dakhliga lacagta adag ee dalka, sidaas dartedna  Suldaanka Abu Dhabi oo waqtigaas Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan wuxuu dalkiisa ka bilaabay hirgelinta  mashaariic dhismoyin iyo kuwo waxtar u leh shacabka dalka.

Dhismaha Dekedaha Badan.

Barnaamijka ku saabsan dhismaha dekedaha badan ee Badda Cas iyo Geeska Afrika ma aha kuwo ku saleysan baahi dhaqaale, maxa yeelay sida la ogyahay Imaraadka waa dal yar oo haddana hodan ah. Taasna waxa caddeynaya dakhliga dadkooda oo qofkiba (GDP per capita) uu ahaa US$ 65,000.= sannadeedkii sida uu qoraayo Philips World Atlas 2014kii.

Dhinaca kale, dalkaas ma aha mid ka tirsan dalalka waweyn ee addunka oo leh awood ciidan, mid aqoon farsame iyo maaamul oo heer sare ah “Technological and administrative capacity.”  Su’aasha waxey marka tahay, yaa ka dambeeya mashruucaas leh calaamadahii lagu yaqiinay dawladaha waaweyn inay saldhigyo ciidan ka sameystaan meelo ka baxsan dalkooda oo ay u arkaan inay waxtar u leedahay ka hortegidda wixii dhibaato amni ah ee uga imman karaan.

Dulunka iyo dibin daabyada Imaraadka Carbeed

UAE Farmajo-Sheikh_mohamedDulmiga iyo faragelinta Imaraadka ku hayso dalka Soomaliyeed ma aha wax qarsoon ee waa mid adduunka oo dhan laga ogyahay. Ma ixtiraamto madax banaanida qaranka iyo rabitaanka shacbiga ee dowlad xasiloon. Maalgashigeeda wuxuu saameyn xun ku leeyahay xasilloonida siyaasadda dalka, iyada oo fidneyneysa xiriirka ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-gobollada.

Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya marka ay qaadatay mowqifkii dhexe-dhexaadnimadda, Abu Dhabi waxey ku qancisay maamul-gobolaydyada inay ku dhawaaqaan taageeradooda Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Natiijadda falkaas, ma aheyn oo keliya xumeynta dowladda dhexe ee halkaas, waxaa ka dhashay burburinta dastuurka iyo midnimadda ummadda Soomaaliyeed.

Waxey caadeysatay inay mar walba dhabarka ka marto Muqdisho, iyada oo ka faa’iidaysaneyso khaladaadka siyaasadda guddaha. 14kii Maarso 2018, markii Guddoonka Baarlamaanka iyo Dowladda Dhexe muran ka oloolsamay muddo bil ah, Imaaraadku waxey ku taageertay xasiloonida inay ku dhex tuurto lacag ay sideen diblomaasiyadeeda.

Somali military officers attend a training programme by the United Arab Emirates at their military base in MogadishuHalkaas waxaa ka muuqata in Imaaraadku, ku tumaneyso xeerarka u degsan dawladaha addunka oo ah inay dawladna faragelin ku sameyn karin arrimaha gudaha iyo dibedda ee dawlad kale.

Markii tabteedii la gartay, Abu Dhabi waxey xirtay isbitaalkeedu lagu daryeeli jiray danyarta. Sidoo kale, waxey go’aansatay inay joojiso barnaamijkii tababarka ciidamada ammaanka, weliba ayada oo aan sugin in si rasmi ah laga wareego.

Faragelintaas qaawan waxey sababtay in ay dawlad Goboleeyda dalka Soomaliyeed, u dhaqmaan sidii iyagoo ah dowlado dal kale, ilaa iyo heer ay ku dhawaaqan in ay xiriirka la shaqeynta u go’een dawladda Dhexe ee dalka.

Dhaqanka dawlad Goboleedyada Somaliyeed marka loo fiirsato waxad moodaa inay isu haystaan in ay yihiin dawlad dal kale oo la siman Dawladda Dhexe. Waxey iloowsan yihiin in ay yihiin Guddoomiyeyaal maamul goboleedyo Soomaaliyed oo ay soo dorteen xildhibaanda degaanka ay maamulan.

Somalia - Regional leadersHalka Madaxweynaha dalka, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha ay yihiin dad ay soo doortaan xildhibaano Golaha Shacbka oo lagu soo xulay habkii 4.5 oo ah dad matala Soomaalia oo dhan.  Taas oo dawladda dhexe ka dhigeyso Dawlad Qaran oo addunkuna aqoonsan yahay. Haddaba, dhaqanka dawlad goboleedyada miyuusan ahayn mid sharci daba maraya.

Maxa hadda Dawladda Dhexe ee dalka la gudboon. (1) In ay Qaramada midoobay u gudbiso dacwad ka dhan ah Imaraadka Carabta faragelinta ay ku hayso arrimka gudaha iyo dibedda ee dalka. (2) In ay Maamul Goboleedyada diyaarka u ah inay ka shaqeyaan danta guud ee dalka, dawladda dhexe soo dhoweyso lana qabato wixii taageero dhinac walba ah ee danta qaran ku jirto ooy  awoodo.

Maxamed Xuseen Amin

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s