Marqaati Aan Wax La Weydiin

Fake News - BBC NewsXuriyadda hadalka, waa mid ka mid ah xuquuqda asaasiga ah ee adamuhu leeyahay. Waxaa jira xeerar caalami ah, iyo kuwo dowli ah oo ilaaliya inaan lagu xad-gudbin. Isla markaasna, xuriyadda hadalka waa inaan lagu geysan qadaf.

Hay’adaha lagu ilaaliyo waxaa ka mid ah warbaahinta. Waxaa shaqada laga cayriyey, 15 shaqaale oo ka tirsanaa VOA qaybta afka Hausa. Kuwaas oo ah kala badh ka shaqaalihii u shaqeenayey laantaas. Waxaa lagu soo eedeyay in ay sharuur (laaluush) ka qaateen saraakiil waqooyiga Afrika ah (VOA – 4tii Oktoober, 2018).

Arrinkan waxay cadeyn u tahay xad-gudubka lagu dhex sameeyo warbaahinta, ayadoo loo adeegasanayo fulinta dano gaar ah, si dhegaha dhegeysteyaasha loogu shubo warar aan xaqiiqo aheen. Waa dhaqan ay caadaysteen siyaasiyiinta ku sifoobey lunsashada hantida iyo maamul xumada.

Haddaba, xad-gudub intee la’eg ayaa lagu sameeyaa warbaahinta afka Soomaaliga ku baxda qaybaheeda kala duwan, sida BBC, VOA, Telefishinada iyo wargeysyada kala duwan iwm.

Wariyaha xirfada leh (professional), waa kan wareysiga uu qaadayo noqdo mid lagu soo gudbiyo xog qarsoon iyo run-baaris, si ay wax uga taraan horumarka ummadda. Warbaahinta waa tan u hagta arigtida dad-weynaha jihada saxda ah.

Dadka iyo dalka Soomaaliya, waxay ka soo kabanayaan fowdadii iyo nidaam la’aantii. Dowladda waa mid nugul, una baahan dhisitaan iyo kobcin hay’adaha dastuuriga ah. Balse, waxaa ayaan darro ah in warbaahinta afka Soomaaliga loo adeegsado duminta qarinimada Soomaaliya iyo isku dirka dadka.

Fake New - Today NewsWaxaa dhowaanahan, maqalnaa wareysiyo laga tabinayo warbaahinta loogu dhageysi badan yahay. Wareysiyadaas oo lala yeelanayo masuuliyiin hore iyo siyaasiyiin la soo tijaabiyey, oo damac ka leh qabashada awoodaha ugu sareysa dalka.

Qaabka wareysiga looga qaadayo waa hab la diyaariye, si looga gado dhegaha shacabka Soomaaliya, doorashada lagu wado inay dhacdo 2020. Sideedaba, wariyaha waa qof wax lagu aaminay oo u baahan in hankiisu uu ka koreyo sharuur, eex iyo dano shaqsi.

Xildhibaan Maxamud Axmed Cisse, waa mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Waxuu dhowaan, baarlamaanka hortiisa ka sheegay in lagu leeyahay deen. Taasoo ah dhaqaalihii u suurto geliyey inuu noqdo mudane ka tirsan baarlamaanka.

Deynta lagu leeyahay waxaa ka mid ah tan uu siiyey warbaahinta. Qiraalka maqal iyo muuqaal waxaa ka dhashay, su’aalo mudan in wax la iska weydiiyo! Sida, qaabka doorashada, tayada xildhibaanada, iyo habka gudashada waajibaadka dastuuriga.

Mudane Maxamud waxaa uu doonayey in laga bixiyo deenta, taasoo muddo 20 bilood ah lagu lahaa. Arrinkan waxuu marqaati fur u yahay, helitaan la’aanta fursado lagu abuuro mooshin lacag laga sameeyo, si loo bixiyo deemaha la galay xiligii xulista xildhibaanada hadda shaqeenaya.

Maadaama dalku yeeshay madax is ogol, kana midaysan hirgelinta aragtidooda siyaasadeed. Taas waxay suurto gelisay bixinta si joogta ah mushaaraadka xildhibaanada, ciidanka, shaqaalaha dowlada, kharashyaada ku baxa maamulka, iyo in wax laga bilaaway adeega aasaasiga u ah dadweynaha.

Somalia - Golaha WasiiraddaShirka golaha wasiirada, waxaa lagu soo bandhigay qorsha howleed ku qotoma wax qabad lagu jaangooye 285 halbeeg iyo 1986 hawl-qabad leh mudo cayiman in lagu soo dhammeystiro, ayadoo wasaarad walba leedahay qayb cayiman hawl-maalmeedkeeda.

Khabiiro ka tirsan xafiiska Ra’iisul-wasaaraha ayaa soo bandhigay jaangooynta. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiye hawsha ilaa iyo hadda la qabtay, isagoo xusay in waxaa soo dhan ay ku hirgaleen, xasilooni siyaasadeed, iyo wada shaqeen, ka dhaxaysa, Madaxtooyada, xafiiska Ra’iisul-wasaaraha, iyo Baarlamaanka (BBC – Somali 18kii Oktoober 2018).

Warbaahinta waxay aheed inay iftiimiso, is-afgaran waaga taagan ee u dhaxaya dowlada dhexe iyo maamul-goboleedyada, si ay u helaan muwaadiniinta Soomaaliyeed halka sartu ka quran-san tahay. Si xalka looga eego halka danta dalku taalo, ayadoo laga fogaanayo abuuritaanka fowdo siyaasadeed, iyo xasilooni daro. Isla markaas, diirada la saaro siduu hore ugu socon lahaa nidaamka dowladnimo midaysan.

Hay’ada “Heritage Somalia” ayaa kol dhow ku talisay, si loo dhammeeyo khilaafka dowlada dhexe iyo maamul-goboleedyada, in la dhiso Madasha Hogaanka Qaranka (the heritage institute for policy studies). Haddaba, waxaa haboon in hay’adaha cilmi-baarista Soomaaliya ay si aqoon (academic) ah u baaraan mushkilada jirta, si loo helo talo caafimaad qabta iyo ku dhaqanka sharciyada dalka, inta aysan mala-awaal soo tuurin.

Warbaahinta waxaa la gudboon inay dood-cilmiyeed geliyaan daraasadaha ay soo saaraan hay’adaha wata magaca cilmi-baarista Amaanka iyo Siyaasadda. Ayaga oo ka qayb-gelinaya shaqsiyaad ku haboon hadba mawduuca taagan. Markastana, waa in maanka lagu hayo in Shacabka Soomaalida yihiin Marqaati aan Wax-La-Weydiin.

Warbaahinta oo la jaanqaadaysa horumarka farsamada “technology” ayaa sahashay in loo adeegsado si saameyn badan leh, marka laga eego dhanka hagida aragtida bulshada  “public opinion.”

Khubarada cilmi-nafsiga “psychologist,” waxay aaminsan yihiin in warbaahinta saameyn ku yeelato dabeecadda qofka “behavior.” Levine, Madeline oo qortay buuga “Viewing Violence” ayaa rumaysan in warbaahinta qaarkeed aysan abuurin oo kaliya kororka rabshadaha, balse dhanka kale, ay u diyaariyaan bulshada u dul-qaadashada rabshadaha.

Haddaba, soo laguma doodi karo inaan muddo dheer ku jirno nabad-gelyo darro iyo degenaansho la’aan siyaasadeed, waxaa qayb ka ah warbaahinta. Ayada oo la ogsoon yahay in warbaahinta u adeegto danaha cida maalgelisa, haddana waxaa looga fadhiyaa inay isu miisaanto tabinteeda barnaamijyada sida, waxbarashada, wacyigelinta, horumarka, ka qayb qaadashada helitaanka dowlad shaqaysa, iyo xasiloonida dalka. Ayaga oo xisaabta ku darsanaya inay yihiin codka kuwa aan codka laheen.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s