Friday, April 19, 2024
Home Diblomaasiyadda Xaqiiq Aan La Dafiri Karin - Saameynta Xulufada 4ta ah

Xaqiiq Aan La Dafiri Karin – Saameynta Xulufada 4ta ah

Rubac-qarni colaad, burbur, barakac, abaaro, iyo macluul kadib, Soomaaliya waxey dhaxda uga dhacday isbaacsiga dowladdaha (geopolitical rivalry) waa-weyn, iyagoo adeegsanaya Gacanka Carbeed ee ku nool xintan aan dhammaad lahayn.

Waxaa muuqata, in Maraykanka uu dib uga guranayo doorkii uu ku lahaa caalamka. Dhanka kale, Shiinuhu weli waxuu ka fog yahay inuu u soo baxo sida awood kale, oo keeni karta deganaanshaha xudduudaha khartarta leh.

Si loo fahmo wadciga, maqaalku wuxuu si kooban u dul marayaa falalka dhacaya. Sidoo kale, wuxuu baadi-goobi doonaa saameynta isbedelka ka soo ifbaxay Geeska Afrika uu ku yeelan karo Soomaaliya. Si looga bogto munaaqashada, maqaalku wuxuu u qaybsan yahay labo qaybood oo taxane ah.

Egypt Saudi Arabia UAE leaders (AFP)Waxaan shaki kuma jirin, in Soomaaliya ay la wadaagto Jasiirada Carbeed xiriir dhaqmeed, diin iyo dhaqaale. Haddana, cilaaqadkaas waxey maanta u muuqdaan in cirka loo tuuray.

Falanqeeye Arrimaha Geeska Afrika oo u hadlay wargeyska “Daily Nation – Abril 28, 2018” ayaa sheegaya inay jirto “siyaasad fog oo reer galbeedku weligoodba ku doonayeen in Soomaalida laga dhigo kuwo sabool ah oo aan xasillooneyn.” Wuxuu intaas raaciyey in “Imaaraadku yahay wakiil lagu kalsoon yahay.”

Sideedaba, siyaasaddaha xulufada 4ta ah – Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masaarida, waxey ka siman tahay guud ahaan saddex arrimood: (1) cabsida Iran – cududda ciidamada iyo fiditaanka mad-habka Shiicada, (2) ka soo horjeedka gabi ahaan dimuqraadiyada iyo (3) baahida ay u qabaan taageerada Maraykanka.

Horn MapHase yeeshee, waxaa is-khilaafsan habka ay ku raadinayaan danahooda Geeska Afrika. Masaarida, waxey rabi lahayd in Soomaalidu u noqoto hangool ay iskaga qabto Itoobiya, Riyad-se waxey raali ku ahaan lahayd inay hesho hayin; halka Abu Dhabi hunguriweynaan uu gaar siiyey inay dalka hordhigato isbaaro saddex arrimood awgood:

(a) Marka hore, waxey si bareer cad ah u raadinaysa inay hormariyso danaheeda, xitaa haddii ay ka soo horjeedaan tan Soomaalida. Tusaale waxaa noogu filan:

  1. In dekeddaha Soomaaliya oo muhiim u ah soo gelidda suuqyada Afrika ay boobto, si loogu hayo awood xadidan, iyada oo Itoobiyana saami laga siinayo, laguna dhaawacayo dhaqaalaha Jabuuti.
  2. In daa’iman ciidamadeeda joogaan Soomaaliya (Soqaatra iyo Yemen), si ay u noqoto gaar hayaha mariinka Bab-el-Mandeb.
  3. In dekedda Jabal Cali, ahmiyad weyn ku yeelato qorshaha Shiinaha ee “Belt and Road Initiative,” si badeecadaha u kala socda Afrika, Yurub iyo Aashiya aysan u soo marin (transit) dekeddaha Qwadar – Bakistaan, Duqma – Cuman, iyo Dooraale – Jabuuti.

(b) Marka xiga, waxey raadineysaa inay u adeegto danaha guumeysiga-cusub (multinational corporation). Ujeeddadaas, waxaa ifinaya:

  1. Doodda Anwar Cishkhi – Guddoomiyaha Xarunta Bariga Dhexe ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah iyo Sharciga uu ka jeediyay “Council on Foreign Relations.” Halkaas oo uu ku soo bandhigay qorshaha [Sacuudiga iyo Imaaraadka] ee ah in, “isbahaysi  hoos imaanaya hoggaanka Itoobiya laga unko Geeska Afrika,” (You Tube – 17/10/2018).
  2. U adeegista DP World ciidamada “AFRICOM,” oo ka howl-galaya la dagaalanka xag-jirta, balse loo abuuray ilaalinta danaha shirkadaha saliidda iyo kheyraadka qaarada [Soomaaliya], sida uu qoray wargeyska “Black Agenda Report – 02/28/2018.”

(t) Ugu dambeyntii, waxey raadineysaa in ay majaxaabiso dowladnimada Soomaaliya saddex arrimood awgood:

  1. Dowladda Soomaaliya oo mowqif dhex-dhexaad ah ka qaadatay khilaafaadka khaliijka, haddana mabda’a madax-banaan ku taageertay dadaalkii Rex Tillerson – Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Mareykanka iyo boqortooyada Kuwait.
  2. Dawladda Soomaaliya oo ka hor timid siyaasadda boos-celiska dekadaha iyo dhismaha saldhiga ciidamada oo loo adeegsan doono cadaadis dhaqaale iyo siyaasadeed.
  3. Dowladda Soomaaliya oo si taxaddar leh u xulaneyso is-bahaysiga caalamka, xiriir wanaagsanna la leh Maraykanka ka sokow, Turkiga, Shiinaha, Ruushka iyo Hindiya; ayada oo laga yaabo in isbeddellada ka dhacaya suuqyada tamarta caalamka ay Riyad iyo Abu Dhabi ku lumiyaan muhiimada ay u lee-yihiin Washington (The American Interest – 23/03/2018).

UAE - Sheikh Mohamed Bin ZayedInkasto, dhibaatada dalka oo idil aan lagu eedayn karin Imaaraadka Carbeed, haddana ma qarsoona ixtiraam la’aanteeda qaranimada Soomaaliyeed iyo u adeegsiga “Blackwater” khalkhal-gelinta dimuqraadiyada curdunka ah (Daily Sabah – 19/04/2018).

Falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa qaba, in Abu Dhabi ay isku qancisay in danaheeda ay la mid yihiin kuwa Washington. fahamkaas khaldan, ayay kula macaamishay dowladda federalka, kuna maran-habaabin madaxda maamul-goboleedyada dalka, iyada oo maanka ku haysa siyaasaddii hore ee deriska.

Abu Dhabi waxaa ka hoos baxay in taariikhda siyaasadda gobolka ay isrog-rog badan tahay, Geeska Afrikana uu yahay “carrada guurta” (moving sand).  Wax kasta oo wadamada lacagta qaniga ku ah ay xambarsan yihiin, waxaa xaqiiqa ah, in marnaba Soomaaliya aysan u ogalaan doonin cidna in ay ku xad-gudubto xuquuqdeeda, sharciyadeeda iyo danaheeda.

Alexander Rondos – Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika ayaa hore u yiri, “Kuwa ula dhaqma Geeska Afrika [Soomaaliya] iyada oo aan loo daneynayn, waxey maalin bixin doonaan qiimaha ay dayaceen; halka kuwa isku daya inay ku ciyaaraan ay farahooda gubtaan,” (Center for International Relations and Sustainable Development – 2016).

La Soco Qaybta 2aad………..

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments