Monday, June 5, 2023
Home Gudaha Maxa Laga Filan Baydhabo!

Maxa Laga Filan Baydhabo!

Tan iyo markii uu Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu iska casiley xilkii madaxweynanimo, uuna go’aansadey inuu isaga haro tartanka doorashada oo lagu wado in la qabto bishaan Nofeembar 17keeda, 2018 waxaa soo baxayey su’aalo dhowr ah oo la iska weydiinaayo sida xaalku uu yahay ama uu noqon doono.

Markii uu baarlamaanka dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed uu go’aamiyey bishii Febraayo ee sanadkaan, in bisha Nofeembar 17keeda, ay dhacdo doorashada madaxtinnimada waxay noqotay arrin aad iyo aad loo soo dhaweeyey.

Jawiga siyaasadda wuxuu isu badelay mid olole doorasho, waxaana bilowday is-xulufeysi ka dhaxeya kooxaha ku tartamaya siyaasadda Koonfur-galbeed. Bilowgii, kooxahani waxay kala ahaayeen koox uu hogaaminayey maamulka talada haya iyo koox la baxday Isbedel Doonka.

Kooxda dambe, waxay ka kooban yihiin siyaasiyiin hore jagooyin uga soo qabtay dalka, gaar ahaan dowladdii uu hogaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud iyo kuwo kale.  In muddo ah, waxaa jirey guux, sheegaya in dowladda dhexe aysan ku kalsooneyn labada kooxood in midkoodna uu ku guuleysto hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed.

Somalia - President and Prime MWaxaa u baahan in lays waydiiyo waa maxay sababta? Aan ku bilaabno kooxda uu hoggaaminayey Shariifka. Haddii Shariif Xasan uu soo laabto afarta sano ee soo socota, waxay u dhigan tahay in tiir udub dhexaad u ah maamul-goboleedyadii mucaaradka dowladda dhaxe isku bahaystay inuu taagan yahay. Sirta aan qarsooneyn ee dowladda dhexe waa in awoodda iyo saameynta maamul-goboleedyada la xaddido ama la yareeyo.

Kooxda Isbedel Doonka, waxay ku mideysan yihiin in Shariifka uusan soo laaban, laakiin ayaguna ma ahan kuwo leh itijaah siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin, dowladda dhaxena uma muuqato inay la rabto in hoggaanka Koonfur-galbeed ay gacanta ku qabtaan.

Ma muuqato xiriir iskaashi siyaasadeed in uu kala dhaxeyo dowladda dhexe. Waxaa jirey loolan aan qarsooneyn oo ka dhaxeyey Kooxda uu Shariifka hoggaaminaayey iyo kooxda Isbadel Doonka.

Lafta Gareen 1Jawiga siyaasadda Baydhabo ayaa si lama filaan ah isu badaley markii wasiirkii Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) uu soo gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Murashax Cabdicasiis Lafta Gareen safarkiisa waxaa ku weheliyey siyaasiyiin badan oo ka tirsan dowladda dhexe. Maalintii uu ku dhawaaqayey in uu murashax yahay, xafladdiisa waxaa Muqdishu uga yimid siyaasiyiin ka socday labadda gole ee dowladda dhexe.

Taageerida dowladda dhexe ay u muujisay murashax Cabdicasiis Lafta Gareen waxay badeshay isla’egta siyaasadda (political equation) Koonfur-Galbeed. Arrimaha uga waaweyn waxaa laga xusi karaa:

  • In ku dhowaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaan Koonfur-Galbeed ayaa Muqdisho isugu tagay. Warar xog-ogaal ah oo aan la magac dhabin ayaa sheegayo in xildhibaanadaan ay sheegeen in lagala balamey murashax Cabdicasiis.
  • In Shariif Xasan culays siyaasadeed isku casiley si lama filaan ah, weliba xilkii madaxtooyada si degdeg ah u wareejiyay, doorashadiina uu iskaga haray.
  • In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dowladda dhexe ay kaalin mug leh ku yeelatay doorashadda la qorshaynayo.

Inkastoo, Cabdicasiis Lafta Gareen uu yahay ilaa hadda murashaxa heysta taageeridda dowladda dhexe, waxaa jira in bulshaweynta Koonfur-galbeed badidooda – gudaha iyo dibadda, ay taageero u muujiyeen Sheekh Mukhtaar Roobow Ali – Abu Mansuur.

RoobowQaar ka mid ah xafladaha lagu taageeraayey Sheekh Mukhtaar waxaa lagu qabtey magaalooyin badan oo ay dowladdu ka arrimiso kana mid tahay caasimadda Muqdisho, iyo magaalooyin ku yaala dunida dacladeeda.

Waxaa jirta aragti qabta, in doorashada Roobow aysan ahayn wax suuragali kara, waayo wuxuu ka mid ahaay hoggaamiyaashii Al-Shabaab. In kastoo dowladda ay ka mamnuucday doorashada Koonfur-galbeed ayadoo tixraacaysa heshiis ay kula jirto beesha caalamka, haddana Mukhtar Roobow wuxuu si kala go’ lahayn ah ula kulmaayey wufuud ka kala socota beesha caalamka, gaar ahaan EU, AU, IGAD iwm.

Ilaa hadda ma cadda waxa ay dowladdu ka damacsan tahay arrinka murashaxnimada Roobow. Waxayse noqon kartaa saddex uun mid.

  1. In la yiraahdo warqaddii mumnuucidda waa sideedi Mukhtaar Roobow, isma rashaxi karo.
  2. In ayadoo la tixgelinaayo dareenka bulshadda degaanka loo ogalaado inuu ka qeybgelo doorashadda wixii ka soo baxanna uu ku qanco.
  3. In si uun loogu qanciyo Sheekh Roobow si uu iskiis isaga haro doorashadda.

Ayaddoo aan la hubin jihadda dowladda dhexe ay u dhaqaaqeyso, haddana waxaan shaki ku jirin in midda hore ay u hor seedi karto deegaanka niyad jab iyo daganaansho darro.

Waxay u muuqataa in labadda murashax ee kala ah Cabdicasiis Lafta Gareen (Murashaxa Dowladda) iyo Sheekh Mukhtaar Roobow (Murashaxa Deegaanka) ay yihiin labada murashax ee ugu cad cad ilaa iyo hadda.

Waxaa muuqata, in doorashadda Koonfur-galbeed ay dhici doonto maalmaha soo socda. Su’aasha waxay tahay, doorashada ma noqon doontaa mid xur ah oo ka madaxbanaan laaluush iyo wax is daba marin.

Cali M Cali

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments