Friday, April 19, 2024
Home Gudaha Jawiga Siyaasadda Koonfur-Galbeed!

Jawiga Siyaasadda Koonfur-Galbeed!

Baarlamaanka Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa 17dii Nofeembar, 2018 isugu yimid shir aan caadi ahayd. Shirkaas oo lagu qabtay magaaladda Baydhabo, ujeedadiisu waxay ahayd in laysla meel dhigo habsami u socodka doorashadda Madexweynimada Koonfur-Galbeed Soomaaliya, si loo gaaro go’aano muhiim u ah deganaashaha iyo xasiloonida deegaanka.

Kullankaan oo lahaa ahmiyad gaar ah, ayay soo xaadireen 138 xildhibaan (wadarta guud ee xildhibaanada maamulka waa 145. Waxaa maqnaa 3 xubnood, ayada oo 4 xubnoodna ay weli banaan yihiin). Halkaas, waxaa lagu: – 

  1. Ansixiyey xubnaha cusub ee lagu soo biiriyey Guddiga Qabanqaabada Doorashadda Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed.
  2. Go’aamiyey in shaqadii guddigii hore, oo badankoodii isu casilay is-maandhaaf siyaasadeed oo dowladda federaalka ku lug layayd, halkii ay uga tagen laga sii wado. Weliba hab raaca doorashada ay soo saareen iyo araajidii ay qabteen aan waxba laga badalin.
  3. Go’aamiyey in doorashada la qabto dhammaadka bisha Nofeembar 2018ka.

Su’aal kama taagneyn in la soo buuxiyo boosaskii xubnihii is casiley ama kuwa cusub la soo magacaabo, ama in doorasho la qabanaayo iyo in kale, laakiin su’aashu waxay ahayd waxa laga yeeli doono shaqadii guddigii hore uu bilaabey.

Labadii maalin ee la soo dhaafay jawiga siyaasadda Koonfur-Galbeed, wuxuu ahaa jawi kacsan oo daruur dareen wadato ay dul heehaabeyso. Waxaa la isla dhex marayey in dowladda dhexe ay dooneysay keliya in guddiga doorashada la ansaxiyo, doorashadana la muddeeyo.

Hase yeeshee, Xildhibaanada baarlamaanka koonfur-galbeed waxay caddeeyeen in shaqadii guddigii hore hakat uun ku yimid, guddiga cusubna uu dhammeystiri doono shaqooyin ka harsanaa.

In shaqadii guddigii hore aan laga dhigin waxba kama jiraan (null and void), waxay lee dahay tixraac dhinaca dastruuka ah oo ku dhisan mabda’a sareynta sharciga. Go’aankaan taariikhiga ah ee uu qaatey baarlamaanku waxay ka dhigan tahay in hawlihii guddigii hore iyo shaqada guddiga cusub is kabi doonaan, hal shaar sharciyeedna loo wada xirey.

Haddii loo baahdo in la baabi’iyo shaqo guddii hore ay bilaabeen, waxay u baahan tahay in mar kale Baarlamaanku uu fadhiisto uuna soo saaro go’aan uu ku burinaayo shaqaddii guddigii hore ay qabteen. 

Sheekh Mukhtaar Roobow Ali ayaa noqday murashaxii ugu horeyay ee guddigii hore ee doorashada koonfur-galbeed ay guddoon siiyaan Shahaadada musharaxnimo ee madaxweynimada Koonfur-Galbeed Soomaaliya. Waxayna sheegeen in Roobow uu buuxiyay sharuudihii musharaximada madaxtooyada. Ilaa iyo hadda waxaa araajida murashnimo laga hayaa 3 murashax uu Mukhtaar uu jiro.

Waxaan shaki ku jirin, in go’aanka Baarlamaanka uu kaalin mug leh ka qaadan doono xasiloonida deegaanka iyo in doorashadu ay noqoto mid xur ah oo wax isdabamaris ka madax banaan.

Shacabka Koonfur-Galbeed, waxay doonayaa in hoggaanka deegaankoodu uu qabto qof ay is leeyihiin wuxuu wax ka qaban karaa baahida amni oo ah midda ugu weyn oo ay la tacaalayaan.  Ilaa iyo hadda, waxay u muuqataa in Mukhtaar Roobow Cali uu heysto taageerida ugu badan shacabka reer Koonfur-Galbeed.

Bulsha-weynta Koonfur-Galbeed, waxay isla dhexmarayaan in dowladda dhexe arrimo siyaasadeed awgeed u diidan tahay in Sheekh Mukhtaar Roobow Ali uu isu soo taago xilka madaxweynimada Koonfur-Galbeed. Waxaan qarsoonayn in dowladda dhexe ay xusul-duub ugu jirto in Roobow laga reebo doorashada, si qof ay ayadu wadato uu uga soo baxo.

Dowladda Federaalka waxaa waajib dastuuri ah iyo mid akhlaaqeedba ka saran yahay, in ay ilaaliso wax alla wixii wax u dhimi karo daganaanshaha iyo xasiloonida shacabkeeda ku nool Koonfur-Galbeed.

Qodobka 1aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee Soomaaliya wuxuu dhigayaa:

Soomaaliya waa Jamhuuriyad federaal ah, leh gobannimo, dimoqraaddi ah, oo ku dhisan matilaadda dadweynaha, loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo caddaalad bulshadeed”

Ayada oo la eegayo dastuurka dalkeena, waxaa waajib ku ah dowladdu in ay ka fogaato talaabo kasta oo qalalaase ku keeni karta deegaankaan. Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya, waxaa isha ku haya Soomaalida oo dhan iyo beesha caalamka. Waayo kaallinta dowladda dhexe ay ku yeelato doorashadani waxay tusaale u noqon kartaa doorashooyinka kale ee la qorsheenaayo inay ka dhacaan maamul-goboleedyada kale ee dalka.

Cali M. Cali

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments