Nuruddiin X. Faarax waa hormuudka qooraalyahanada Af Soomaaliga ku hadla, gaar ahaan kuwa ku qora afafka qalaad. Wargeyska Jamhuuriyadda wuxuu rajaynaayaa inuu idiin soo gudbiyo qooraalyahanadaas oo ay ka mid yihiin: Nadiifa Maxamed[i](Jaamacadda Somaaliyeed, Dalka Somaalida), Cabdiraxmaan A. Waaberi[ii](Jaamacadda Jabbuuti), Muna-Hodan Axmed[iii](Jaamacadda Jabbuuti), Ubax-Cristina Cali Farax[iv](Jaamacadda Soomaliyeed, Talyaaniga) iyo kuwa kaleba.
Nuruddiin Faarax wuxuu ku dhashay magaalada Baydhaba, wuxxuna ku koray magaalada Qallaafe. Yaraantiisi dugsiya fara badan iyo afaf kala duwan ayuu wax ku bartay oo ay ka mid yihiin, Talyaani, Ingiriis, Amhari, Carabi ka dibna wuxuu sii bartay afaf kale. Jaamacadda wuxuu uga baxay Suugaan iyo Falsafad, ka dibna wuxuu ku takhusasay Cilmiga Bulshada, Jaamacadda Chandigarh ee Punjab, dalka Hindiya.
N.F wuxuu billaabay wax qoris isagoo da’ yar, balse wuxuu soo saray buuggii ugu horreeyay 1970, inkastoo uu buugga curuiyay laba sano ka hor. Kasoo ahaa sheekada la magax baxday: From a Crooked Rib. Waxaa xigay: A Naked Needle(1976). Ka dib wuxuu billabay inuu buugaagtiisa uu u qoro Saddexley (Trilogy) -saddex bug oo ista misna kala ah.
Middii ugu horreysay wuxuu u bixiyay: A Variation On The Theme of an African Dictatorship oo ka kooban: Sweet and Sower Milk (1979), Sardines (1981), iyo Close Sesame (1983). Waqtiga uu buugaagtan qorayay waxaa dalka ka talinaayay Keligii taliskii iyo kacaankiisa.
Nuruddiin wuxxuu buugaagtan ku muujiyay dhibaatada ku habsatay dadka Soomaaliyeed. Waqtigaas wuxuu booqday dalka Talyaaniga oo arday Soomaali ah oo fara badan ay wax ka baranaayeen.
Nuuruddiin wuxuu goob joog iyo marti sharaf ka noqday Shirweynihii 3aad ee Ururka Arayda Soomaaliyeed ee Dalka Talyaaniga.
Ururkan wuxuu ahaa urur Soomaalyeed oo si cad uga soo horjeestay Taliska Askarta iyo Kacaankoodi. Sweet and Sawer Milk waxaa ku xusan magacdyada laba adray oo ka Tirsanaa Guddiga Fulinta ururka Aradadaas (X. Guanto iyo C/Rasaaq).

Waxaa xigay Saddexlayda uu ku magacaabay: Blood In The Sun oo ka kooban: Maps (1986), Gifts (1992), iyo Secrets (1998). NF wuxuu halkan ku muujinaayaa xiriirka dadkii dibadda u qaxay iyo dadkii dalka ku haray oo ku hoos jira Taliskii M. Siyaad iyo kacaankiisi.
NF ma aha keliya nin la safan dumarka Soomaaliyeed oo keliya balse wuxuu garab taagan yahay ummadda Soomaaliyeed ka sokow, bulshooyinka laga tira badan yahay iyo kuwa la quursado. Secrets waa bug uu u hibeeyay Dadka webiyada dega. Codka NF wuxuu ahaa codka ugu horreeyay indheergaratada Soomaaliyeed oo garab istaaga dumarka iyo dadka la quursado.
Saddexleyda 3aad wuxuu u bixiyay; Past Imperfect waxayna ka kooban tahay: Links (2004), Knots (2007), iyo Cross bones(2011). Sheekooyinka Saddexlaydan waxay la xiriiraan burburkii Soomaaliya ee ka dambeeyay fashalka rididda Taliska Askarta oo noqday Ka daroo dibi dhal. Bartilmaameedka uu diiradda saarayna waa dadwaynaha kuwa dalka gudihiisa iyo kuwa u qaxay dibadda. Bugaagtani kama aamusin xagjirnimada diineed ee Dalka ku soo korortay burburkii ka dib.
Waxaa ka dambeeyay: Hiding in Plain Sight. NF sheekooyin keliya ma qorin, balse wuxuu leeyahay qorallo aan sheeko iyo mala-awaal ahayn oo uu kaga hadlaayo masiibada ku habsatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa xusuus mudan buugga: Yesterday Tomorrow oo kaga hadlaaya dadka, dalka ka qaxay.
NF wuxuu toos ugu qoraa wargesyo sida New York Times, New Yorker iyo kuwa kaleba. Wuxuuna ku qora maqaallo, tifaftir, iyo sheekooyina gaaban. NF waa qoraa aad iyo aad waddani u ah xogogaalna u ah mar waliba xaaladda dalkiisa.
Weligiis kama gabban cid ummadda Soomaaliyeed dakana ka gashay; waa cod u taagan mar kasta danta shacabka iyo dhulka Soomaaliyeed. NF waa nin ka fogaada wax allaale waxii ummadda Soomaaliyeed jiritaankeed iyo sharafteed wax u dhimaya.
Nasiib darro, N.F. qaddarinta uu ka helay adduunweynaha, kama uusan helin indheergaratada Soomaaliyeed. Malahaa waa sida uu Imaam Shaafici noogu sheeggay gabay: Cuudkuba dhulkiisa wuxuu ka tirsan yahay qoryha la shito sida uu dahabkuba halka laga helo uu ciidda uga mid yahay.
Axmed Qaasim Cali
[i] 1. Mambo Boy 2. Orchard of Lost Souls
[ii] 1. Passage of Tears 2. Land Without Shadow 3. Transit, iyo kuwa kale
[iii] 1. Les Enfants du Khat (Afka Fransiska)
[iv] 1. Little Mother (Habaryar), 2. Il Comandante del Fiume (Baxaar? Af Talyani)