Ilaalinta Bedqabka Dowladnimada

Somali flag

Muwaaddiniinta waxaa waajib ku ah ilaalinta bedqabka dowladnimada, halka dowlada ay waajib ku tahay caymiska nafta iyo maalka muwaadinkeeda. 

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhashay gobolada waqooyi, kana mid ahaa maxaabiistii laga siidaayey xabsiyada Itobiya ayaa yiri, “markii aad ku xiran tahay xabsi dowlad kale, qabiil iyo maamul-goboleed midna waxba kuu ma tarayo. Waxa kaliya ee kaa daba imaan kara, oo xuriyaddaada kuu soo celin kara, waa dowlad rasmi ah.” 

Dooda maqaalka ayaa ah inaan iftiimino, siyaasadda hagardaamada ay ku wiiqayso hore u socoshadda hanaanka dowladnimada iyo fursadaha u sahlaya falalkaas.

Warbixin Qaranimada Midowbay ay soo saartay ayaa ku qiyaasaysa tirada guud ee dadka Jamhuuriyadda Soomaaliya 15,181,925 (2018UN), oo boqokii 75 ay yihiin dhalinyaro (14 March 2015 UNFPA). Halkaas, waxaa ka cad in afar meelood sadex meel (3/4) tirada guud ee dadka Soomaaliya inay dhasheen ama koreen muddadii burburka lagu jiray.

Taas waxay micnaheedu tahay in dhalinyaradaas badankoodu aysan arag nidaam amase dowlad bixisa adeeg-bulsho. Haddii aan la helin qorshe qaran oo looga faa’iidaysto awooda muruq iyo maskax ee dhalinyarada soo kordheysa, waxay noqon karaan xoog loo adeegsado duminta qarinimada Soomaaliyeed. 

Wixii ka dambeyay burburkii dalka, waxa aad u xoogsaday si xun u isticmaalka qabiilka (qabyaalada). Taas waxay sababtay inay galaafato dhaqan iyo hidde wanaagsan. Waxaa si dadban iyo si toos ahba loo afduuban yahay hiddiwaale iyo kuwa ummadda u qaybiya qoloqolo.

Ma sahlana in la helo hanaan talada dadka Soomaalida looga soo kaxeenaayo  gacmaha eexlowga, haddii aan la helin hanaanka doorasho madax banaan oo noqda mid looga guurayo qabiil wax ku qaybsiga. 

Warbaahinta waxay sahashay gudbinta iyo abuuritaanka warar aan xaqiiqo aheen. Wararkaas oo abuura jaha wareer iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Waagii hore inta badan dadka Soomaalida suugaanta ayay aheed habka ay ku gudbin jireen tabashadooda iyo odoraskooda, ayagoo ka digtoon mala awaal iyo wax xun tashiilba. Sida muuqata wararka been-abuurka ah waxay saamayn aan wanaagsaneen ku yeesheen dowlado waaweyn oo leh sharciyo, iyo hay’addo xoog badan oo dastuuri ah.

Levine, Madeline oo qortay buuga“Viewing Violence – 1996” ayaa rumaysan in warbaahinta qaarkeed aysan abuurin oo kaliya kororka rabshadaha, balse ay u diyaariyaan bulshada udul-qaadashada iyo aqbalidda rabshadaha.

Sideedaba, siyaasad dal waxay u baahan tahay aragti hagta mustaqbal wanaagsan. Taas waxay wax ka taraysa dhinacyada nolosha dadka, sida waxbarashada, caafimaadka, wax soo saarka, yaraynta faqriga iyo saboolnimada, suggida nabada, deegan dejinta, iwm. 

Sanadka 2050ka kororka tirada dadka Soomaalida waxaa lagu qiyaasayaa inuu gaari doono 35,851,792 (www.Worldmaters.info). Waxay u muuqata in 30ka sano ee soo socta in dadka Soomaaliyeed ay ku darsami doonto inka badan laba jibaar. Haddaba, siyaasiyiinta ma ka sii baarandegeen qorshe horumarin oo la jaan qaada korarkaas?

Aragtida (vision) waa halka mustaqbalka ka bilawdo, kuna dhamaado. Suzanne Bates, oo qortay buuga ” All the leader you can be” ayaa aaminsan in hogaaminta horumarka ay u baahan tahay gudbinta aragtida, taas ayaa ah furaha hogaamiyaha.

Waxay sii raacisay, ku faraxsanaanta mustaqbalka uurkaaga kuma filna, balse waa in aad dhiirigelisaa, lana wadaagtaa aragtidaada dadka kale si ay kaaga caawiyaan mustaqbalka. 

Siyaasiga wanaagsan waa midka hadalkiisa iyo ficilkiisa ay is waafaqaan yihiin. Si uu tusaale ugu noqdo shacabka, una kasbado kalsoonida ummada. Haddaba, aanu dib u fiirino hab dhaqanka siyaasiyiinta maanta.

Booqashadii madaxweynihii hore Xasan Sheikh ee Kismayo, qaabka loo maamusesay, shir gudoominta golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka Jubaland waxay tuhun aan wanaagsaneen gelisay muwaadiniinta Soomaaliyeed. 

Haddii, taageero uu u raadinayay xisbigiisa cusub, waxay ahayd inuu isticmaalo dhaqaalaha ay ugu talagaleen ololaha dhismaha xisbiga. Balse shillin kasta ee ku baxay soo dhoweeyntiisa, culayska sugidda amniga wafdigiisa, isticmaalka dhismayaasha dowladda iyo adeega shaqaalaha waa ku takrifal dhaqaale dan guud “abuse of public resource.” 

Ku Simaha Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa asaga oo ka digaya falalka noocaas ah ku booriyey xubnihiisa in ay iska ilaaliyaan u isticmaalka hantida maamulka gobolka ololaha siyaasadda.

Halkaas, waxaa laga garankaraa in madaxda maamulkii tegay iyo kan taaganba aysan xaq ugu lahayn, dowladda dhexe amase tan goboleedka hab naamuus, marka ay u ololeenayaan xisbiyadooda u gaar ah.

Waxaa muuqata in madaxda Jubaland ay ku xadgudubeen sharciga kala soocaya dhaqaalaha ku baxaya dhaqdhaqaaqyada kursi doonka ah iyo hawlaha qaranka. Falkoodu wuxuu si xaq darro ah ugu xagliyay koox, iyada oo uu kuwo kale ka iishay, ayuu yiri siyaasi ruugcadda ah.

Dalka waxuu u nugul yahay faragelinta shisheeyaha danta gaarka ka leh. Kuwaas oo Soomaaliya ku soo daabulay hub, iyo dhaqaale si ay u huriyaan ismandhaaf waxyeelo badan gaysata. Si ay u gaaraan danahooda waxay adeegsanayaan siyaasiyiin damac xun iyo kuwo damiir laabe yaal ah.

Haddii aanu wax yar dul-istaagno eedaynta Gudiga Maaliyada ay u soo jeediyeen Wasaarada Maaliyada, xili hay’adaha lacagta ee aduunka sida IMF iyo World Bank ay qirayaan in hanaanka maaliyada Dowladda Federalka uu yahay mid la isku haleen karo, waxaa muuqaneysa in danta gaarka ah ay ka horreyso tan guud ama loo adeegayo awood shisheeye.

Waana taas waxa kalifay, 8 qof oo ka mid ah guddi 18 xubnood ah, inay sharciga ku tuntaan. Shaki kuma jiro, in guddiga uu gudanayay waajibaad dustuuri ah. Balse, haddii Wasiirka Maaliyada iyo madaxdii Bankiga Dhexe kaga jawaabeen si waafi ah baarlamaanka hortiisa, fowdadoodu miyeysan ahayn fashilinta hanaanka dowladnimada.

Haddaba, su’aasha waxay tahay ka dabatag ma leedahay qoraalada iyo wareysiyada ay bixiyeen siyaasiyiinta amase aqoonyahanka ee ku kaydsan aaladaha warbaahinta si loo masaxo. Mise waxay ahaandoonaan bar madow oo ku taal taariikhdooda oo ay daraaseeyaan jiilasha dhalan doona!

Saciid Cabdisalaam

F.G.: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s