Thursday, September 21, 2023
Home Dib U Eegis Buug Faallo la xiriirta buugga Feerta Qallocan

Faallo la xiriirta buugga Feerta Qallocan

Buuggani (From A Crooked Rib, Pinguin Books, 2003) waa midkii ugu horreeyay oo Nuruddin Farah  uu qoro, waxaana la daabacay 1970. Jilaaga sheekada waa Ceebla oo ah gabar agoon ah, 18 jir ah oo miyaga galbeedka (Qallafo) kula nool awoowgeeda iyo walaalkeeda ka yar.

Waqtiga sheekaduna waa dhammaadkii kontameeyadii. Ceebla waxay kasoo cararaysa reerkeedi, misna adduunkeedi, waxayna qabanaysaa magaalada Beled Weyn si ay uga baxsato shiddada ku habsatay. Haddana dantu ayaa ku khasbaysa maalmo dhawr ah gudeheeda inay u sii cararto Xamar.

Labada jeerba waxaa Ceebla ku kalifay waa guur khasab ah oo aysan oggolayn. Tuuladii markay joogtay awoowgeeda ayaa ku darirabay oday Jimcaale oo ah nin iyada dhali kara balse xoolo fara badan leh.

Beled Weyne-na ina adderkeeda Geeddi oo ay ku degtay ayaa isna damcay inuu ku daro nin dillaal ah oo cudurka qaaxada qaba, balse lacag leh. Labada jeerba Ceebla waxay u aragtay inaysan waxba ka duwanayn hantida la iibsado.

Ceebla kalama kulmin waxay jamanaysay oo ahayd inay ka xurowda in ruux kale aayaheeda uu ka taliiyo. Hadday Jimcaale kasoo caratay Geeddi wuxuu keenay mid ka daran oo cudur dilaa ah qaba. Dantu waxay ku kaliftay inay oggolaato codsiga guur oo uu usoo jeediyay Cawil oo ay maalin ka hor uunbaratay. Guurkan oo ay ka dambaysay Cawil eeddadiisa.

Cawil wuxuu ka shaqeeyaa Guddonka Waxbarashada Xamar. Habeenkii ugu horreysayba Ceebla waxay Cawil kala kulantay kufsi, inkastoo maalintii xigtay u nikaaxsaday. Cawil maalmo ka dib wuxuu u dhoofay dalka Talyaaniga. Warqaddii ugu horreysay oo Cawil laga helay waxaa la socdaysawirkiisa isagoo la tumanaya gabar talyaani ah.

 Ceebla waxay isbarteen Caasha oo ah qofka guriga iska leh. Caasha waxay bartay ganacsade Tifow oo ay khudba sired ku guursatay iyadoon weli iska furin Cawil. “Wuxuu igu sammeeyay unban ku sameeyay” ayay istiri. Kolkay ogaatay soo noqoshada Cawil ayay runta u sheegtay Tifow. Kaaso islamarkiiba horey ka furay.

N.F. wuxuu buggani qoray 1958 markaasoo oo uu waxbarasho u joogay Jaamacadda Punjab ee Chandigarh, waqtigana wuxuu ahaa waqti Dalku uusan weli  gobannimo gaarin. Ceebla waa inan reer miyi ah oo aan dugsi dhigan waxayna barbaartay waqti ay dumarku ku sugnaayeen heer ka fog inay aayahooda  gacantoodu ugu jirto.

Cebla waxay ku taami jirtay xurriyad, fekerkeeda iyo ra’yi geedoo la maqlo lana tixgeliyo. Hadday tuuladii kasoo carartay magaaladi kama helin sareedo iyo yididiillo dhabowda.

Misna Ceebla waa gabar muslin ah oo si buuxda u aaminsan diinta, inkastoo wax badan aysan ka aqoon. Waxa Ceebla ay muran gelinaysay ma aha waxa diintu ay ka qabto dumarka balse waa sida bulshadu ay ula dhaqanto dumarka: hanti aanka duwanayn xoolaha.

Buugga qayb badan waxaa lagu arkaayaa Ceebla oo tifaftiraysa arrimaha dumarka iyo xaaladda ay ku sugan yihiin. Buuggani oo aad uga horreyay kacdoonka dumarka (Feminism) wuxuu soo jiitay dumarka Afrika iyo kuwa adduunweynahaba.

Sheekada waxuu N.F. u adeegsanaaya magacuyaalka saddexaad (Taasoo ah ruux kale oo aan Ceebla ahayn ayaa sheekada tebinaaya) balse aragtida uu nasoo hordhigayo waa aragtida dumarka qudhooda.

Waxaa xitaa dhacdayin gabdho shisheeya ah ay u qaateen in NF uuba yahay gabadh, sababtoo ah in aragtida buugga ay tahay arigti dumareed. Buugga waxaad mooddaa inuu yahay Bayaanka dumarka.

Haseyeeshee, dadka akhristay buugaata NF waxay og yihiin in markasta xaaladda dumarka ay qoraaga la tahay arrin aad mihiim u ah. Kow iyo toban sano ka dib (1981) Ceebla waxaa beddeleysa Madiina oo ah gabar indheergarad ah oo ah jilaaga sheekada Sardines. Balse waxay ila tahay, manta uu 73 jir yahay, NF sheekadan uu qoray kolkuu ahaa 23 jir ahaa inuusan manta waxba ka beddeleen.

Haddii kontameeyadii Ceebla oo reer miyi ah ay u hadlaysay dumarka soomaaliyeed siddetameeyadii waakaltankii Madiina oo waxbaratay indheergaradna ah. Waxaa wanaagsanaan lahaydhaddii gabar kastoo Soomaali ah ay akhrisan karto buugaagta Nuruddiin Faarax.

Walaaley Faarax..ayay ku tiri gabadh Naijeeriyaan ah warqad ay u qortay NF. Buuggani wuxuu u baahan yahay inay gabar soomaali ah u tarjunto af soomaali.

Buuggani ruuxii si taxaddar leh u akhristo wuxuu ku arkaayaa nolosha, falasafada, dhaqanka, iyo aragtida reer miyiga soomaaliyeed. Bogga 162 waxaa ku xusan halka uu  magaca buugga  ka yimid: in Xaawa laga uumay feeryarada Aadan. 

Axmed Qaasim Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments