Mooshinka Farmaajo

This image has an empty alt attribute; its file name is Villa-Somalia-3.jpg

Mooshinkii lagaga soo horjeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi – Farmaajo oo fashilay, wuxuu dhaliyay dood ballaaran. Maqaalku wuxuu dib u eegayaa hab-dhaqanka siyaasadda dalka, si loo fahmo halka arrinta ka quruntay.

Inta badan, mooshin barlamaan waxaa loo isticmaala in lagu wiiqo sumcadda xukuumadda, walow mararka qaarkood ay dhici karto inuu wax yeelleeyo mucaaradka abaabulay.

Haddana, dood kama taagna sida uu qorayo qoddobka 92aad ee dastuurka ku-meel-gaarka ah, in xildhibaanada Golaha Shacabka ay awood u leeyihiin inay soo jeediyaan hindiso sharciyeed xilka looga qaado madaxweynaha amase ra’iisul-wasaaraha.

Sidoo kale muran kama taagnay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu awood u leeyahay inuu ka guddoomo xildhibaanadda mooshin. Weliba, in Xoghaya Golaha uu xaqiijiyo in dokumeentiga waafaqsan yahay sharciga.

Hase yeeshee, waxaa muuqata in Disheember [2013, 2014 iyo 2017, 2018] ay noqotay bishii moosinka mooshinka. Tan iyo 2000, ayaa lala beegsanayay hoggaamiyeyaasha caqabado isku mid ah. Waqti aad u muhiim ah ayaa markasta halkaas dalka kaga luma. Qab-dhismeedka dowladnimo ayaa wax yeellooba, ayada oo aan waxba laga qaban ciladaha waa weyn ee dhibaatada ka taagan tahay. 

Si kasta ha ahaatee, siyaasadda dimoqaraadiyada kama maarmi karto kala duwanaanta fikradda iyo iskhilaaf macquul ah. Walow, si loo gaaro dimoqraadiyad dhab ah, loo baahan yahay in la helo iswaafaqsanaan siyaasadeed (political consensus).

Haddii la waayo, waxaa laga yaabaa in himiladda dimoqraadiyadda ee la hiigsanayo lagu hingoobo. Taas oo fashil siyaasadeed oo hor leh ummadda u horseedi karta.

Haddaba, si looga badbaado waxaa loo baahan yahay hab-dhaqan ka duwan kan maanta oo ah “ku qabso kuma qadeysiide.” Kolkaas ayaa laga yaabaa in la helo isu tanaasul.

Waxaa cajaa’ib leh in siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan dulqaad u lahayn iswaafaqsan siyaasadeed. Wadahadal iyo is-qancin ayaa lagu gaaraa tanaasul. Taas ayaa dhalisa siyaasad ay inta badan isku waafaqsan tahay. Waase haddii danta guud laga hormariyo tan gaar ah.

Dimuqraadiyad ma aha doorasho xur ah amase xuriyadda qoolka oo keliya, iyo weliba habsami u socodsiinta nidaamka hay’adaha. Ee waa bisaylka siyaasadeed iyo qadarinta anshaxa qaranka.

Sideedaba, si mooshin xil ka qaadis madaxweyne looga doodo golaha, wuxuu u baahan yahay saddex arrimood inay kulmaan:

  1. In soo jeediyeyaasha ay ugu yaraan le’eg yihiin saddex dalool hal dalool (1/3), sida uu qorayo farqada 2aad ee qoddobka 92aad;
  2. In maxkamadda dastuurka ay ogolaato sal sharciyeedka eedeynta; iyo
  3. In go’aanka maxkamadda ay waafaqaan saddex dalool labo (2/3) xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka.

Khubaro ka baaraandegay mooshinka ayaa aaminsan in natiijada ay ahayd fashil, xitaa haddii aysan ashtakoon 14kii xildhibaan oo laga been abuurtay. Haddaba, haddii intaas ay run tahay, maxaa talo aan meel maray loogu dhiibay Guddoomiye Mursal?

Mooshinka wuxuu ka tarjumayaa in xildhibaanadda barlamaanka ay kala qaybsan yihiin. Waxaanse qarsooneyn in mucaaradku uusan laheen yididdiilo siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin.

Si Kastaba ha ahaate, mooshin baarlamaan waa arrin muhiim ah oo inta badan loo adeegsado xakamadaynta siyaasadda nidaamka dimoqraadi ah.

Hase yeeshee, dadka intooda badan ayaa la yaaban wax qabad yarida barlamaanka, ilaa hadda dhammeystiri la’ dastuurka. Weliba isqabqabsanaya, ayaga oo aan lahayn maxkamad dastuuri ah oo kala saarta.

Macluumaad lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa mooshinka macnahiisu yahay farsamo kale oo uu nacabka shisheeyaha ku doonayo inuu ku kala qaybiyo ummadda Soomaaliyeed.

Sharci-dajiyeyaasha waxay u baahan yihiin, inay kala gartaan in aan laysku heli karin inta yar ha hoggaamiso inta badan, iyo dimoqraadiyad waafi ah (baahsan). Haddii hab-dhaqanka hore uu hirgalo, dalka wuxuu xalis ugu jiraa inuu dib ugu laabto raadkiisii, kuna dhaco gacan kelitalis.

Marka xiga, muhimadda qaanuunka iyo nidaamka kala dambeynta (law and order) ma aha oo keliya in dalku leeyahay hanaan sharci. Ee waa in cidna, awood kastaba ha la haatee, loogu dulqaadan sharci jebin. 

Haddaba, haddii madaxweynihii lagu eedeynayo inuu baal maray dastuurkii, maxaa ku khasbay madaxda mucaaradka anshax darro gaarsiisan ilaa been abuur! Ma hal xaaraan ah ayaa nirig xalaal ah dhasha!

Culumadda cilmiga siyaasadda ayaa hore u sheegay in khilaafka dimoqaraadiyadu, haddii aan si taxader leh loo maareyn, uu isku rogi karo quursi iyo maquunsi (maquunin). Taas waxaa akiddaya dhacdadii foosha xumeed ee Maarso 2018kii. Kolkaas oo lagu sigtay isku dhac hubaysan.

Si hagardaamadaas looga badbaado, waxaa siyaasiyiinta la gudboon inay la yimaadan bisayl iyo akhlaaq (anshax) suubban. Labadaba, ma aha sifooyin ku qeexan dastuurka amase sharciga. Bisaylka siyaasadeed waxaa lagu cabiraa jawaabta qofka (muwaadinka) marka uu la kulmo dhibaatooyin dhab ah.

Waxaa caado u noqotay in lagu dhaqmo “ninkii raayo reerka ha u haro, – Zero-Sum Game.”  Dhaqankaas, ma laha wax u dhexeeya “guul ama guul-daro,” mana aha wax lagu dhaqi karo dad iyo dal hiigsanayo horumar.

Inkastoo mooshinkii aan loo bandhigin baarlamaanka si loo xabaalo rasmi ahaan, haddana waxaa loo banaan yahay in dib loogu soo noqdo danta guud. Soomaali waa war ku nool. Xukuumadda waxaa laga sugayaa inay la wadaagto xogta itijaaha siyaasadeeda dalka (guddaha iyo dibeddaba) xildhibaanadda si aysan uga qadan guusha.

Waxaa jira, caqabado badan oo hor leh, kuwaas oo doonaya in loo helo xal guud oo wadajir ah. Waxaa dersi noogu filan, saameynta walaaca siyaasadda uu ku leeyahay horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo kalsoonida caalamka. 

Gacmo Wadajir Bay Wax ku Gooyaan!

CabdulQaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s