Isbedelada ka dhacay Geeka Africa waxay welwel iyo rajo ku kale abuureen dowladaha ku yaala mandaqada. Dowladahaas, qaar ka mid ah waxay ka arkaan fursad dhaqaale, siyaasad iyo nabadgelyo. Halka kuwo kelana ay ula muuqato dhawac dhaqaale, siyaasadeed iyo amni.
Waxaa cad inay jiraan quwado dibedda ka ah mandaqada oo door muuqata ku leh isbedelada socda, ayagoo ka fiiranaya danahooda dhaqaale iyo amni. Waxaan maqaalka ku iftiiminaynaa Soomaalida degta Geeska Afrika siduu u saamaynayo isbedalada. Waxaa muhiim ah inaan dib u eegis ku samayno 50kii sano ee u dambeeya xaalada mandiqada siday ahayd.
Soomaaliya waxaa muddo 21 sano ka talinayey ciidan afgambi ku qabsatay, October, 1969kii. Ciidamadaas waxay doorteen Jen. Maxamed Siyaad inuu hoggaamiyo. Sidoo kale 1974dii, waxaa afgambi ciidan talada kaga tuureen, boqortooyadii Itoobiya muddada dheer ka talinaysay.
Hoggaamiyaashii labada dal waxay dhaxlay colaad muddo dheer soo jirtay. Taas oo sal u aheed dhulka Soomaalida oo ay Itoobiya haysato.
1977kii, waxaa dagaal dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Inkastoo guulo ay gaartay Soomaalida bilowgii dagaalka, haddana guul daradii siyaasadda arrimaha dibedda waxay sababtay in Midowgii Sofiyeeti la safato Itoobiya. Waxaa ciidamada Soomaaliya lagu qasbay inay ku noqdaan xuduudooda.
Balse intaas kuma ekaan colaada labada dal, mid walba waxay abuurtay, maalgelisay, hubaysay jabhado ay ku wiiqayso tan kale. Dowladda Soomaaliya jabhada ay howl gelisay waxaa ka mid ahaa tii qowmiyada Soomaalida, Tigreega, iyo Oromada. Halka maamulka Itoobiya uu hirgeliyay jabhado ku salaysan qabiil sida SSDF, SNM, USC, iyo SPM.
Ugu dambeyn jabhadihii labada dhinac waxay xilka ka tuureen labadii maamul 1991kii. Itoobiya waxaa ka go’ay Eritria oo noqatay dal madax banaan. Halka, Soomaaliya ay gashay fowdo iyo dowlad la’aan.
Dowladii Itoobiyada oo ay hoggaaminayeen jabhadda Tigreega halkii laga filayay dhaqan wanaag, waxay sii hurisay colaadihii Soomaaliya. Qoomiyadda Soomaalida ee Itoobiya, waxay kula kacday xasuuq iyo gabood-falo dhan ka ah aadanaha.
Dhanka kale, dagaal dhiig badan ku daatay ayaa dhex maray Itoobiya iyo Eretria, intii u dhexeysay May 1998 ilaa iyo Jun 2000. Sidoo kale, waxaa colaad ka aloogantay Eritrea iyo Jabuuti.
Xaaladihii ka jiray Geeska Africa waxay faa’iido u noqotay dalka Jabuuti, oo marin u noqoto dhoofka iyo dejinta badeecada Itoobiya. Dadka Itoobiya oo ka badan boqol milyan waxay ku nool yihiin dhul xiran. Jabuuti, waxay soo jiidatay maalgashi caalami ah.

Dalka Jabuuti waxaa laga hirgeliyay dekaddo waaweyn oo awood u leh inay daboolaan baahida Itoobiya, wadooyin iyo khad tareen oo isku xira labada dal. Waxaa sare u kacay deenta dalka uu galay. Taasoo lagu qiyaasay 88% marka la barbardhigo daqliga guud ee dalka oo ah 1.7 bilyan. Amaahdaas badankeeda waxay ka timid dalka China (foreign policy July 13, 2018).
Xukuumada uu hogaaminayo Dr. Aby Axmed waxay la timid isbedalo waaweyn. Waxay meesha ka saarto colaadii kala dhaxaysay Eritrea. Waxayna u hogaansanaantay qaraaradii laga soo saaray dhulka ay labada dal ku muransanaayeen. Waxay dib u soo celisay xiriirka ganacsiga, si ay u isticmaasho marsada Eritria.
Sidoo kale, waxay hagaajisay xiriirka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya, iyada oo ilaalineyso qaranimada dalka, xuduudda dhuleed iyo madax banaanida siyaasadeed.
Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen is-faham siyaasadeed, oo lagu xoojinayo ganacsiga iyo nabadgelyada. Su’aasha taagan ayaa ah maxaa Jabuuti ka reebay heshiiska dhexmaraya wadamada dhaca Geeska Afrika!?!
Waxaynu ku soo koobi karnaa labo arrimood: Tan hore oo ah, Jabuuti oo doonaysa in marka hore Eriteria dib u soo celiso dhulka, iyo maxabiista ay ka qabasatay. Iyo tan labaad oo ah, in Jabuuti lagu ciqaabayo xiriirka dhow ay la leedahay shiinaha, maadaama Maraykanka uu yahay gacanta qarsoon ee wada isbedalka ka socda geeska Afrika.
Khabiirada gobolka ayaa rumaysan in ahmiyada gobolka kordhisay dagaalka ganacsi, iyo ciidan ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Maraykanka. Sida uu qoray majalada difaaca Israel, Jabuuti waa dhibic dab ah ‘ignition point’ (Breaking Defense Nov 28, 2018)
Dowlada Itoobiya waxay kaloo hagaajisay xiriirka dowlada dhexe iyo tan gobolka Soomaalida. Taasoo wax ka taraysa, siyaasada, dhaqaalaha iyo sare u qaadida dhanka xuquuqda aadanaha. Arrimahaas oo dhan waxay welwel gelisay dowlada Jabuuti iyo Kenya.
Ugu horreentii waxaa Jabuuti wajahaysaa tartan xaga dekaddaha. Tan ugu soo horaysana waxay kaga imaanaysaa Casab (Eritria). Waxaa hoos u dhacaya daqligii kaga soo xaroon jiray adeegga, iyo canshuuraha la ganacsiga Itoobiya.

Madaxweyne Geelle, oo dareensan dhaawaca dhaqaale ee ku soo wajahan ayaa xusay, in Jabuuti diyaar u tahay inay tartan la gasho dekadaha Eriteria iyo Soamaaliya, marka ay timaado la ganacsiga Itoobia (BBC Dec 23, 2018).
Soomaaliya oo hadda u muuqata inay heshay fursado waaweyn, sida dalka Maraykanka oo Mogadishu ka furtay safaarad, waxay cadeen u tahay inay meesha ka baxday dawladihii wakiilka ka ahaa danaha Maraykanka.
Sidoo kale, waxay ka hortag u tahay maalgashiga Shiinaha iyo isbalaarinta Ruushka. Si taas Maraynkana u gaaro wuxuu dowladda Soomaaliya kala shaqeynayaa nabada, horumarka, ilaalinta midnamadeeda dhuleed iyo siyaasadeed.
Dhanka kale, waxaa maalgashi dalka ka abuuraya dalka Turkey. Dowladda Qatar waxay balan qaaday in ay maalgashi ku sameyso dekadda Hobyo, iyo wadooyin kala duwan. Sidoo kale waxaa jira in dowladaha Sacuudiga, iyo Imaaraadka ay danaynayaan maalgashiga dalka.
Haddaba, su’aasha waxay tahay marka Jabuuti bixin weydo daynta maxaa dhacaya? Sicir barar, ama in Shiinaha la wareegto dekeddaha, sida ku dhacday dekadda Hambantota ee Sri Lanka (foreign policy). Labadaas arrimood waxay keeni karaan kacdoon dadweyne xilka looga tuuro Madaxweyne Geelle.
Kenya welwelkeeda waxaa weeye isku furanka ganacsiga Geeska Africa. Taas oo meesha ka saaraysa hoggaamintii siyaasadda gobolka iyo hormuud ahaanti dhaqaalaha. Dhanka kale, Kenya waxaa ku soo fool leh hoos u dhac dhaqaale, ayadoo durbaba bilowday inay wajahdo tartanka duulimaadka tooska ah ee shirkaddeeda “Kenya airways,” ee Muqdisho iyo Nairobi (BBC Soomaali – Dec. 18, 2018).
December 17, 2018 waxaa caasimada Jabuuti lagu soo gabagabayay shir talo wadaag Soamaalida Geeska Africa loo qabtay. Shirkaas oo ay wada agaasimeen hay’adda Heritage iyo dowladda Jabuuti.
Dadka Soomaalida ayagoo abaal u haya Madaxweyne Geelle iyo shacabka Jabuuti, kaalintii ay ku lahaayeen shirkii Carta, misna intaas iyo in ka badan ayaa hore loogu hiiliyey dadka reer Jabuuti. Soomaalida waxay qayb libaax ka qaadatay soo dhicinta xurnimadda Jabuuti.
Balse, waxaa fajac ku noqotay dadka Soomaaliyeed in wafuud heer wasiir iyo mid baarlamaan u soo diraan Hargeysa, maalinta gobolada waqooyi u dabaal degaan 18 May sanad walba. Taas oo ay ku asteeyaana inay tahay maalintii ay ka go’een Jamhuuriyada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmajo waxaa loo doortay soo celinta nidaamka dowliga ah, iyo inuu waxna ka qabto baahida ay qabaan tiro ka badan 15 malyan oo Soomaali ah. Halka Muddane Geele hogaaminayo shacab tiradooda ka yar tahay hal malyan. Ugu danbeen hagaajinta xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya waxay dan u tahay dhammaan Soomaalida.
Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.