Sanadka 2018, waa sanadkii gabdhaha Soomaaliyeed. Waxay meel kasta ay joogaan ka dhigeen wacdaro aan hore loo arag amase loo maqal. Weliba xagga hoggaanka, siyaasadda iyo cilmiga, waxay guul ka soo hooyeen meel aysan hore u gaarin asaagooda madow amase muslimka ah.
Guushii Ilhan Cumar, boqortooyada Carabeed waaba ka moraal dilaaceen quuriwaa awgeed. Fagaarihii Beijing, waaba la ogaa Hodon Cusman Cabdi ammaantay ay u soo jiiday dalka. Lama iloobi karo Muna Maxamed Sharmaan tii ay ka dhigtay Maxkamadda Adduunka – ICJ iyo soo dhicintii badda Soomaaliyeed.
Wax qabadka gabdhaha Soomaaliyeed waa mid la wada og yahay, maqaal keliya lagu ma soo koobi karo gabdhaha Eebe ku hibeeyay Soomaaliya. Zakiya Xuseen Axmed ayaa gooyday dabarkii ka horjoogay gabdhaha darajada abaanduulka. Dhaqan ahaan, awoodda abaanduulka, siyaasadda, garta iyo maaliyadda waxaa loo xaglin jiray hawl rageed.
Soddonkii sanadood ee colaadaha sokeeye ee aan jahada lahayn, reerkii aan lahaayn gabadh waxuu ahaa mid gablamay. Gabdhaha ayaa badbaadiyay qoysaskooda, weliba barbixiyay reerihii barakaca amase macluusha ku bi’i lahaa.

Agoosto 16, 2018 Zakia Xuseen oo ka soo hilaacday boliiska ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi – Farmaajo u dallacsiiyay darajada Sareye Guuto. Darajadaas ciidan waxaa la socotay in loo magacaabay Taliye Ku-Xigeenka Booliiska oo aysan hore u arag gabadh Soomaaliyeed tan iyo markii dalka xurnimada qaatay.
Afar iyo tobankii sano ee ay ka tirsaneed ciidamada boliiska Zakia xuseen waxay soo qabatay howl kala duwan. Sanadka 2014, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Booliska Bulshada iyada oo ahayd markii ugu horeysay ee jagadaas sare ay qabato gabadh.
Zakia Xuseen, oo lahad leeysay warbaahinta caalamka waxay u sheegtay in dalkeeda uu si adag uga shaqeeynayo si loo dhiso awoodda iyo kartida ciidanka boliiska, si ay ula wareegaan nabad sugidda dalka, ka dib markii ay ka baxaan Soomaaliya Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM).
Haddii hablaha Soomaaliyeed ee barlamaanka ku jira, aay u midoobaan siyaasadda dalka lagu hoggaamiyo wax weyn oo muuqda ayay iska beddali lahaa habka dhaqanka xildhibaanada dalka. Waxaa hubaal ah in hablaha Soomaaliyeed ay horumar hiigsanayaan, inkastoo himiladoodu ay u muuqato – “faanoole fari kama qodna.”
Faduma Cabdi iyo CabdulQaadir Cariif Qaasim
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falnqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com