Thursday, September 21, 2023
Home Dib U Eegis Buug Faallo la xiriirta buugga MAPS (Maabab)

Faallo la xiriirta buugga MAPS (Maabab)

Buggani (MAPS, Arcade Publishing, NY 1999 pp. 259) waa midkii lixaad oo uu Nuruddiin Faarax qoray waana juskii kowaad ee saddexlaha (Trilogy) uu ugu magacdaray “Dhiigga Qorraxda Quban” (Blood in the Sun) wuxuuna soo baxay 1986.

Shakhsiga sheekadu ay ku socoto waa Askar, agoon markuu dhashay hooyaadii ay geeriyootay. Aabbihii Cali Xamari maalmo ka hor ayuu dagaal gobannimadoon ah ku geeriyooday. Magaaladu waa Qallaafe, waxaana Askar aragtay Misra oo haweeney Oromo  ah, isagoo wada dhiig ah misna dul yaal meydka hooyadii Arla.

Laga billaabo maalintaaas Askar wuu diiday cid kale aan ka ahayn Misra inay qabato.Waxay Misra kusoo korisay jecayl iyo kalgacayl. Dhankiisa Askar wuxuu Misra u jeclaa si xad dhaaf ah. Misra si ay ugu gacan bannaanaato korinta Askar way diidday guur.

Adeerkii Qorrax oo ah nin aan da’yar iyo dumar tona u naxayn wuxuu qasab ugu gudbi jiray gogosha Misra inkastooy aad u necbeed.  Askar wuxuu xannaanada Misra iyo Qallaafo ku jirsaday 7 jir; ka dib, si kedis ah ayaa loogu sheegay inuu u safro reerka abtigiisa Hilaal oo Muqdisho deggan. Waqtigu  waa 1977, waana marka lasoo jabiyay xogaggii Somaaliya.

Abti Hilaal iyo xaaskiisa Salaado si kalgacal leh ayay u soo dhaweeyeen waxayna siiyeen nolol wacan oo ka duwan tii ciriiriga ahayd ee Qallaafe. Qol aad u weyn ayaa keligiisa la siiyay, waxaana loo qabtay bare waxbarashadiisa dedejiya. Askar wuxuu kaloo galay jawi aqoon iyo dood cilmiyeed ku salaysan sababtoo ah Hilaal iyo Salaado labuduba waxay ahaayeen barayaal, aqoonyahanno, iyo indheergarato xeel dheer.

Markuu Askar gaaray xilligii jaamacadda uu gali lahaa, wuxxuu billaabay feker inuu ku biiro jabhad gobannimaddoon ah. Arrintani waxay ku noqotay Askar mid habeen iyo maalin, soojeed iyo hurdaba maankiisa mashquulisay. Hilaal iyo Salaado, oon ubad helin, waxay  jeclaayeen inuu wiilkooda noqdo oo uu waxbarashadiisa ebyo, misna inuu iskiisa u gaaro go’aankiisa.

Waxaa si kedis ah u timid Karin oo ay deris ku ahaayeen Qallaafe.Waxay sheegtay in Misra ay u sheegtay sarkaal nabadsugidda Itoobbiya ka tirsan halka ay ku jiraan dagaalyahannadii jabhadda. Taasi waxay sababtay dilka 603 ruux. Arrinkan inkastoo Hilaal iyo Salaado kula taliyeen Askar inuu si taxaddir leh u qaato, sababtoo ah Karin ma ayasn keenin caddayn in Misra ay falkaas ku kacday.

Markay timid Misra oo uu Askar arkay, wuxuu ku qaabbilay laba qalbi iyo shaki. Hasayeeshee, Misra waxba ma aysan dareensiin Askar. Misra way jirratay waxaa la geliyay cusbitaal halkaaso lagu sheegay inay buro naaska ka gashay.

Waxay ila tahay in buuggani uu yahay akhriskiisa wax yar adag yahay kana tebanaaya akhristaha feejignaan dheeraad ah. Mararka qaarkood waxaad mooddaa in sheekadu  ay martay wadda ay ku badan tahay riyo iyo  dood maldahan oo wata sarbeeb iyo su’aallo ay jawaabtoodu adag tahay.

Waxaad kaloo moodda in wejiyo la xiriiro, nolosha NF aysan maqnayn sheekada. Askar iyo NF labaduba waxay kusoo barbaareen Qallaafe, labudubana ku kulul aayaha Galbeedka.

Si kastaba, buuggani wuxuu malahaa fikrad naga siinaayaa halka NF uu ka taagan yahay dagaalkii 77 oo ah aragtida soomaalidu ay u badnayd beryahaas, balse la dhaliili karo. Dhaliisha ugu horreysa waa: Sidee talis diktatoori ah, oo ku shuqlan siduu u badbaadin lahaa jiritaanka taliskiisa, looga fili karaa inuu xureeyo qayb kale oo dhul Soomaaliyeed ah?

Dagaalkani wuxuu khasaare fara badan usoo jiiday Jamhuuriyadda iyo Galbeedkuba, si daranna wuu u saameeyay ummadda soomaaliyeed. Doodda furmi karta waxay keeni karta dib u eegid dagaalkii 77 iyo cawaaqibtiisa.

Haseyeeshe, taasi ma ilduufayso dareenka uu qoraagu ka qabo saammeynta uu dagaalka ku yeeshay labada shacbi ee jamhuuriyadda iyo galberdkuba: geeri, qax, gaajo, maamulxumo, iwm. Si kastaba, NF waa qoraa ka fog in lagu dhaliilo u debecsanaan taliskii askarta. Saddexdan bug iyo saddexdii ka horraysaba waxay la xiriiraan dhibaatada uu taliskaas u geystay dadka  Soomaaliyeed.

Buugga wuxuu ku qoran yahay suugaan aad u macaan oo kasoo burqatay maanka iyo uurka qoraa ku gaamuray tabaha qorista iyo curinta heerka sare ah. Marka uu Askar ka sheekaynaayo naceebka uu qabo adeerkiis Qorrax qoraaga wuxuu adeegsanaayaa ereyo xaadda akhristaha kicinaya kuna abuuraaya aragti tan Askar la mid ah.

Ka hadalka riyooyinka faraha badan oo aad moodda inay ka turjumayaan jahawareerka Askar waa wax malahaa u gudbayo cilmiga saykolojiga sida fikradaha Askar iyo dareenkiisaba ay u yihiin kuwa noocaas ah. Sheekadan sida sheekooyinka qoraaga oo kale waxay salka ku haysaa “kaljarka” soomaaliyeed , aragtideeda, dhaqankeeda, iyo ictiqaadkeeda.

Axmed Qaasim Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments