Faragelin Ulakac Ah

Laga soo bilaabo April 1992, waxaa Soomaaliya ka hawlgalay diblomaasiyiin ka wakiil ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Ergegii ugu horeeyey ee ka shaqeeya Soomaaliya xili dagaal xun oo sokeeye ka socday wuxuu ahaa Mohamed Saxnuuni. Waxaa ka dambeeyey, Ismat Kittani, Farancois Fall, Axmed Walid Cabdalla, Aguastina Mahiga, Nicholas Kay, Michael Keating, iyo Nicholas Haysom.  Dabayaaqadii 2018ka ayuu Nicholas Haysom xilka la wareegay.

Sanadka 2019ka, wuxuu ku bilowday khilaaf ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM – Nicholas Haysom. Khilaafka wuxuu salka ku hayaa, warqad furan oo uu Nicholas Haysom u diray Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow.

Haddaba su’aashu waxay tahay maxaa ka dhalan kara go’aanka dowladda, mase jirtay wado kale oo ka haboon oo ay dowladda qaadan kartay?

Albaabka diblomaasiyiinta ay ka soo galaan dal waa wasaarada arrimaha dibada, iyo xafiiska madaxtooyada. Waana tan keentay in dowladda Soomaaliyeed ay u aragtay hab dhaqanka Nicholas Haysom mid halis ku ah qaranimada, weliba isagoo dalka joogay muddo gaaban.

Qodobka 9aad ee heshiiskii Vienna wuxuu sheegayaa in waddanka martida loo yahay [Soomaaliya] uu ku dhawaaqi karo xubin kasta oo ka mid ah shaqaalaha dibloomaasiyadeed ee shisheeye [Nicholas Haysom] inuu yahay “qof aan loo baahneen” una baahan in la saaro (eryo).

Bal aan eegno ficilada Nicholas Haysom ee ka soo horjeeda dowladda martigelisay, kuna kaliftay dowladda Soomaaliya inay qaado talaabo adag.

Kol hore magaalada Baydhabo, Haysom wuxuu ka sheegay hadalo meel ka dhac ku ah wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo madaxweynahii hore ee Koonfur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Adan, ayuu ku yiri “Soomaaliya Muqdisho ma’ahan, Muqdisho-na Soomaaliya ma’ahan” (YouTube Oktober 2018).

Diblomaasiyadu waa shay laciif ah una baahan taxadar u adeegsiga xeelad kala duwan ee danaha isdiidan. Waxaa muuqata, in Haysom uusan ka fiirsan amase uu ulakac u yiri si dabku u sii huro.

Isla hadalkaas, waxaa Dubai hore uga yiri Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, oo aan xiriir wanaagsaneen kala dhaxeeyo dowladda dhexe. 

Boogtaas oo aan weli la dhayin, ayuu Haysom faafiyay warqada ku haboonaan lahayd inuu ku hagaajiyo xafiisyada ay qusaysay keliya, inkastoo uu dib ka sheegay inay ahayd mid gaar ah (reuters).

Arrimahaas iyo kuwo aan la shaacin ayaa keenay in jawaabta dowladda Soomaaliyeed noqotay in lagu amaro inuu dalka ka baxo, ayada oo loo aqoonsaday “qof aan loo baahneen.”

Danjire Dore Gold oo hore uga tirsanaa jiray Qaramada Midoobay ayaa buugiisa “Tower of Babble (2004),” ku sheegay sida Qaramada Midoobey ay u fududayso fowdada caalamka.

Waxaa la tuhunsan yahay in fashilka Haysom ay ka dambeyeen diblomaasiyiin ka tirsan Midowga Yurub iyo Ingiriiska oo in mudda ah aan raali ka ahayn arrimaha Maraykanka ee Soomaaliya.

Kursiga Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya waxaa in mudda ah ku fadhiyay diblomaasiyiin Ingiriis ah. Haysom wuxuu ku yimid dadaal Afrika u gashay kaltanka kursiga.

Waxaa jirta aragti qabta in ay dhici karto in Haysom la dagay, bacdamaa reer Yurub ay weli hunguri ka qabaan jagada.

Danjire Baale oo warbixin siinaya Golaha Amniga Qaramada Midoobay

Shaki kuma jiro, inay danta Soomaaliya ku jirto in Qaramada Midoobay kala shaqayso nabadda. Nabadgelyo xumida Soomaaliya waxay saamayn ku yeelan kartaa, Geeska Afrika iyo aduunka intiisa kale.

Waa taas tan keentay in beesha caalmka ku bixiso dhaqaale, una soo diraan dalka ciidamo kala shaqeeya sugida amniga dowladda Soomaaliya.

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Soomaaliya, Abuukar Daahir Cusmaan – Baale ayaa Golaha Ammaanka u sheegay in Soomaalidu ay doonayso, “Soomaali hoggaamineysa kaalmada caalamka, ee aysan doonayn kaalmo hoggaamisa Soomaaliya.” Wuxuu intaas raaciyay in, “Soomaaliya ay kala saareyso hay’adaha ay ka tirsan tahay iyo dhaqanka shaqsiyadeed ee saameynta xun ku yeesha qarankeeda jilicsan”

Barre Jaamacadda North Western University ka dhiga culuunta siyaasadda, ayaa yiri “dowladda Soomaaliya xaq ayay u leedahay inay dalkeeda ka cayriso diblomaasigii, ay u aragto inaysan wada shaqeen karin.” Waxaa kaloo uu sheegay in Qaramada Midoobay u baahan tahay Soomaaliya xitaa haddii Soomaaliya ku tiirsan tahay kaalmadeeda.

Dhanka kale Professor William wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya kaalmo ka heli karto meelo kale. Waxaa halkaas ka cad in Soomaaliya soo gaartay meel ay danaheeda ka hadli karto, ayuu ku soo gabagabeeye Professor William (VOA – Somali January 2, 2019).

Wasiirkii hore ee Gashaandhiga Jeneraal Cabduqadir Cali Dini ayaa sheegay in dhimashada ka dhacday Baydhabo sabab u aheed cunaqabataynta saaran Soomaaliya. Ciidamada boliiskana aysan u qalabsanayn habka looga hortago rabshadaha. Waxaa intaas uu ku daray, in banaanbaxayaashu gacanta ula tageen ciidamada boliiska, ayna ku sigteen inay qoryaha kula dhegaan ciidamada boliiska (BBC somali January 2, 2019).

Xilligii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, markii ay iskhilaafeen Ra’iisal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dalal reer galbeed ah oo ay horboodayso dowladda Ingiriiska oo kaashaneysa Kenya, horgeyeen Golaha Amniga in Soomaalida dib-u-heshiisiin caalami ah dib loogu celiyo. Ujeeddada oo dhan waxay ahayd in la carqaladayo dacwada badda.

Hagardaamadaas, waxaa hor istaagay guddoomiye Maxamed Sheekh Cusman – Jawaare iyo aqlabiyada barlamaanka Soomaaliyeed oo caddeyeen in Soomaali ay ka gudbtay dib u heshiisiin shisheeye.

War iyo dhammaantii, su’aasha waxay tahay dowladda ma ka baaqsan kartay xariga Mukhtar Robow? 

Wasaarada Amniga waxay soo saartay in Robow isu taagi karin qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed sababo amni awgeed, iyo inuusan buuxin sharuudi lala galay markii isku soo dhiibay dowlada. Intaba waxaan hore ugu saadaalinay maqaalka: Jawiga Siyaasadda Koonfur Galbeed (Jawiga Siyaasadda Koonfur Galbeed).

Waxaase u baahan jawaab dhacdadii foosha xumeyd ee Baydhabo. Waa bar madow oo aan weligeed ka hari doonin dowladda, haddii aysan si dhaqso leh u baarin, una boog dhayin.

Si kastaba ha ahaate, dowladda Soomaaliya waxay xaq u leedahay jahaynta siyaasadda amniga dalka, iyo ka hortaga khataraha amniga. Qarimada Midoobay waxaa waajib ku ah inay dowladda kala shaqeyso siyaasadda amniga.

Waxaa kaloo Qaramada Midoobay looga fadhiyaa fulinta go’aamada ka soo baxay golaha ammaanka, ee saamaynta ku leh sugida amniga, sida joojinta dhoofka dhuxusha, oo loo adeegsado hurinta amni darada dalka ka jirta. Si loo helo ciidamo hanan kara nabadgelyada dalka, waa in tababarada iyo agabkaba loo soo dhammeystiro. 

Labadii sanadood ee la soo dhaafay, dowladda waxay ku guulaysatay joojinta faragelinta kaga imaanaysay dibadda sida, wadamada gobolka iyo kuwa Gacanka Carbeed.  Go’aanka ay dowladda ka qaadatay Nicholas Haysom waxay muujinaysaa qaangaarnimada siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, walow tan guddahana loo baahan yahay in hoos loo eego. 

Saciid Cabdisalaam

F.G.: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falnqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s