Laga bilaabo 2dii bishii Agoosto 2018, waxaa soo baxayay warar aan sugneyn oo sheegaya in jagada Gudoomiyha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya loo soo magacaabi doono qof ajnabi ah.
Warkaas, dadka badankoodu uma qaadan wax suuragal ah, maadama dalka 58dii sano uu xurta ahaa aysan soo marin xaalad noocaas ah.
Tan iyo 1960kii Bankiga Dhexe ee Soomaaliyeed waxaa soo hoggaamiyay guddomiyeyaal Soomaali ah oo kala ahaa:
1960 – 1963 Dr. Cabdi Aadan Moxamed,
1964 – 1968 Sheikh Cabdi Xaaji Abiikar
1968 – 1970 Dr. Cabullahi Axmed Caddow
1970 – 1974 Dr. Cabduraxmaan Nuur Xersi
1975 – 1977 Dr. Cumar Axmed Cumar Camuudi
1978 – 1984 Dr. Maxamuud Jaamac Axmed – Jugee
1985 – 1988 Dr. Cumar Axmed Cumar Camuudi
1988 – 1990 Dr. Maxamuud Maxamed Nuur
1990 – 1991 Dr. Cali Cabdi Camaloow.

Wadamada dhaqaalahoodu horumaray ee gaaray marxalad isku kalsooni ah ayaa badanaa qorta guddoomiye bankiga dhexe oo aan loo eegin jinsiyadda. Hase yeeshee, Soomaaliya maanta ma joogto meel ay ku kibirto, marka la eego xaaladaha siyaasad, dhaqaale iyo amni ee uu marayo dalka. Weliba, waxaa shiddo ka haysataa sidii loo bedeli lahaa shillinka been-abuurka ah ee aan faa’iidada lahayn.
Darajada ugu sareysa ee labo qof oo ajnabi ah ay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ka qabteen, intii u dhaxeysay 1960kii iyo 1970kii, waxey aheyd Agaasime Guud. Kuwaas oo kala ahayeen: Francesco Palamenghi Crispi iyo Giuseppe Morasca. Labaduba, waxey ahayeen shaqaale uu Bankiga Dhexe ee Talyaaniga ku deeqay dalka.

Sagaalkii sano ee dawlad la’aanta ee u dhaxeysay 1991dii iyo sannadkii 2000 dalka kama jirin banki dowladda. Bankiga Dhexe waxaa dib loo dhisay wixii ka dambeeyay shirkii Jibuuti ee dib u heshiisinta Soomaaliyeed ee lagu soo dhisay dawladii ku-meel gaar aheyd oo madaxweyne ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan.
Waqtigaas, wixii ka dambeeyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliyeed waxaa guddoomiye ka noqday: Maxamuud Maxamed Culusoow, Bashiir Ciise Cali, Cabdullahi Xaaji Jaamac, Cabdisalaam Xadliye iyo Bashiir Ciise Cali oo hadda la filayo in laga bedelo xafiiska.
Shaqaaleynta qof shisheeye ah wuxuu wiiqayaa dhismaha hay’adaha waddanka, maadama bankiga lagu qiimeyo aragtida iyo go’aamada ilaalinta xurnimadiisa, iyada oo uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo joogta ah.
Dhinaca kale, habka bankiga dhexe ee dalalka soo koraya, sida Soomaaliya, u shaqayo waa mid ka duwan kuwa horumaray. Waxaa dhici karta inay xiisad ka dhalato siyaasadda dowladda, oo doonaysa dhaqaale si dhaqso leh u kordha, halka bankiga dhexe uu ilaalinayo dhibaatooyinka muddada dheer, sida sicir bararka, shaqo la’aanta iwm.
Dalka wuxuu hadda leeyahay aqoonyahanno badan oo soo bartay cilmga lacagta iyo dhaqaalaha oo buuxin kara jagada Guddomiyaha Bankiga Qaranka.
Hase yeshee haddii ay jiraan duruufo kalifaaya in qof ajnabi ah la qaato waa in uu qofkaas noqdo la-taliye (Advicer) guddoomiyaha bankiga ama khabiir howlo gaar ah u xil saaran sida: dejinta hab-maamulka lacagaha qalaad (Foreign Exchange stabilization and control Department), Qaybta Fallada Dhaqaalaha (Study and Resarch Depatiment) iyo wixii la mid ah.
Guddoomiyahaa Bankiga Dhexe waa qofka dawladda uga mas’uulka ah maamulka lacagta dalka, isla markina dawladda kala taliya siyaasadda guud ee horumarinta dhaqaalaha, isaga oo ka qayb galaya shirarka muhiimka ah ee looga hadlayo Golaha Wasiiradda siyaasadda maaliyadda iyo lacagta.
Maxamad Xussein Amiin
F.G.: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com