Puntland: Isbedelka Gaas iyo Deni

Golaha Wakiiladda Maamul-goboleedka Puntland ayaa 8dii Janaayo 2019ka, u doortay Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland ee 5ta sano ee soo socota. Deni wuxuu ku guulaystay 35 cod oo u dhiqanta 53% (boqolkii 53) dhibcood.

Puntland waa maamul gaamuray oo dhismay kadib burburkii dowladii dhexe, una hor abuurmay dowlad-goboleedyada federalka. Gobolku wuxuu soo maray maraaxil kala duwan, lana jaanqaaday waayaha siyaasadeed ee dalka.

Xilka madaxweynaha maamul-goboleedka waxaa isu soo taagay 21 musharax, halka jagada madaxweyne ku-xigeenka ay isku soo taageen 11 musharaxiin. Waa tiradii ugu badnayd ee mar qura ah isu soo sharaxda hogaanka Puntland.

Dhanka kale, maamulka Puntland oo tan iyo 1998, lahaa hab-dhaqameed lagu xusho madaxda, kuma guulaysan hirgelinta hab doorasho cod iyo qof ah, taas oo saldhi u noqon lahayd dhaqan gelinta dimoqraadiyad loo siman yahay. Maqnaashaha nidaamkaas ayaa ka dhigay musharaxiinta kuwo aan ku tartamayn mabda’ siyaasadeed.

Haddana, musharixiinta waxay u muuqdeen inay u qaybsanayeen afar kooxood, oo kala ahaa: (1) Koox saraalkii ciidamada ka tirsanaan jiray ay hoggaaminayeen, (2) Ganacsato iyo koox diimeedka ictisam (ex al-itixaad) oo wada socda, (3) Koox uu hormuud u ahaa senator Cabdiraxmaan Faroole iyo (4) Koox daba safnaa madaxweynaha xilka ka sii degayay, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Waxaa u muuqday musharax madaxbanaan Dr. Cali Ciise Cabdi oo keliya.

Waxaa xusid mudan, in musharixiin la filayey inay mug iyo miisaan ku leeyihiin gudaha Puntland, aysan helin wax cod ah. Lama garan karo, in taas ay sabab u ahayd xildhibaanada Puntland oo doorbiday habka gacmaha isdhaafa (dheefsad), mise in gobolku ka koray siyaasadda qabyaaladaysan, maadaama wareegi 3aad ay iskugu soo hareen Assad Cusman Cabdullahi iyo Saciid Cabdullahi Deni oo isku beel ah.

Waxaase la yaab noqotay, in Cabdiweli Gaas oo fursad fiican u helay xulista 66da xildhibaan ee baarlamaanka, uu ku haray wareegii 1aad ee tartanka, kadib markii uu helay 12% (boqolkii 12) dhibcood oo keliya. Lama kala garan karo in Gaas uu eedsaday maamul xumadiisii gobolka, mise siyaasad xumadiisii qaranka.  

Dhanka kale, marka loo kuur galo qudbadaha musharixiintii waxay ka sinaayeen ololaynta abuuris ciidamo xoog badan ee u gaar ah Puntland. Taasi waxay dhalisay in wax layska weydiiyo ujeeddada Puntland ee midaynta ciidamada qaranka.

Aragtida midaynta ciidamada oo muhiin u ah jiritaanka qaranimada, ayaa ka mid ah qodobada abuuray khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamul-goboleedka Puntland. Dastuurka qaranka ee ku meel gaarka ah waxuu awooda difaaca siinayaa dowlada dhexe, halka ilaalinta amaanka gudaha uu siinayo maamul-goboleedyada. Dowladda dhexe waxaa hoos tegaya boliis federal oo la wada shaqeynaya dhammaan goboladda dalka.

Doorashada madaxtooyadda Puntland, waxay dhacday xilli uu khilaaf ka jiro madaxda maamul-goboleedyada dalka qaar ka mid ah iyo dowlada dhexe. Inkastoo awooda dowladda dhexe ee maamulka gudaha uu u muuqdo inuu jilicsan yahay, haddana waxay ku guulaysatay inay joojiso faragelinta dowladaha deriska ah iyo diblomaasiyiinta dalalka deeqda bixiya. Siyaasadaas, ayaa u muuqato inay saamayn fiican ku yeelatay doorashooyinka maamul-goboleedyada dalka. 

Hase yeeshee, madaxweynaha cusub ee Puntland, Deni mar uu ka hadlayey qorshehiisa doorashooyinka qof iyo cod ah, wuxuu sheegay inuu sanadka hore qaban doono doorashooyinka deegaanada, asaga oo la kaashanaya beesha caalamka, (BBC Somali January 9, 2019).

Inkastoo doorashooyinka deegaanada la sugayay in mudda ah, haddana Deni marna ma uusan xusin in guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee heer qaran uu iskaashi kala yeelan doono. Hadalka Deni, wuxuu u muuqdaa mid ka hor imanaya qorsha qaranka, wuxuuna ka mid yahay qodobada abuuray khilaafda ka dhaxeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

Intaas waxaa dheer, in Dowladda Dhexe ay doonayso inay iyadu noqoto cida xaqa u leh la xiriirka beesha caalamka, loona soo mariyo dalka kaalmada ka imaanayso deeq-bixiyeyaasha caalamka. Xiriirka caalamka waa mid ka mid ah afarta awoodood ee dastuurka sida gaarka ah xaqa u siinayo dowladda dhexe. Awoodaha kale waxaa ka mid ah difaaca, maaliyadda iyo socdaalka.

Si kasta ha ahaate, dadweynaha Puntland waxay isbedelka maamulka ka sugayaan siyaasad ka duwan tii hore. Suuqyada sarrifka gobolka waxaa ka muuqda in kalsoonidii ganacsatada ay dib u soo laabatay, taas oo keentay in sarrifka doolar si lixaad leh hoos u dhaco.

Sida laga filayay, Deni wuxuu ku tilaabsaday dib u sixidda dhaqan-dhaqaalaha gobolka, asagoo xil la wareegiisii la beegsaday joojinta daabacaada lacagta been-abuurka. Tilaabada Deni waxay waafaqsan tahay qorsha qaranka.

Been-abuurka lacagta waxay ka mid tahay qodobada saldhiga u ah khilaafka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedka Puntland. Waxaan shaki ku jirin, in joojinta lacagta been-abuurka ay wax weyn ka tari doonto xasillinta maciishadda dadweynaha Puntland iyo xakamadeynta sicir bararka dalka.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya, ayaa guud ahaan u arkaya in khilaafka dowladda dhexe iyo tan maamul-goboleedyada aysan ku qotomin qaanuun iyo dastuur toona. Kalsooni darrada labada dhican ee sii fogaatay iyo faragelinta shisheeyaha, ayaa gundhig u ah waxyeelada dalka ka hor istaagan horumarka muhiimka ah ee lagu qeexi lahaa qaabka federaalka.

Ilaa hadda, waxay u muuqataa in dowladda dhexe ay dirtay madaxda maamul-goboleedyadiid ka soo horjeeday labo iyo eber, inkastoo faragelinta Gacanka Carbeed aysan sidaas ku nagaaneyn.

Axmed Xasan

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com

One comment

Leave a Reply to Guuxa Shacabka Puntland iyo Ismoogaysiinta Deni – JAMHURIYADDA Cancel reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s