Wadaaddihii Shalay iyo Kuwa Maanta

827

Culama-u-diinka Soomaaliya waxay ka mid yihiin hogaamiyaasha aan la dooran, oo saamayn togan iyo mid taban ku leh bulshada dhexdeeda. Waxay hormuud ka ahaayeen halgamadii lagu xureenayey Soomaaliya. Waxaa tusaale noogu filan Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Sheekh Xasan Barsane. Labada wadaad waxay hogaaminayeen xoogagii dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeday guumeystihii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Itobiya.

Culamaa-u-diinka Soomaaliya waxay kaloo door muuqata ku la’haayeen xalinta khilaafka qabaa’ilka dhexdooda. Taas waxay wax badan ka tari jirtay, inay nabad ku wadaagaan biyaha iyo baadka.

Dhanka kale, waxay door shariif ah ka soo qaateen faafinta culuunta islaamka. Waxaana culamadaas ugu caansan Sheekh Yusuf Alkawneen, kaasoo ahaa hal-abuurihii hingaada af-Soomaaliga xuruufta carabiga ah. Habkaas wuxuu u sahlay ardayda (caruurta) Soomaaliyeed qorista iyo akhriska quraanka.

Kadib xurnimadii iyo helitaankii dawladnimada, waxaa yaraaday saamaynta siyaasadda ay ku lahahaayeen culamada. Balse waxaa bilaabmay dhaqdhaqaayo looga soo horjeedo siyaasaddii hantiwadaaga ee sinaanta raga iyo dumarka.

Xilligii dagaalkii qaboobaa, dowladdaha reer galbeedka oo welwel ka qabay saamaynta siyaasadda midowgii sofiyeeti ku lahaa Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, ayaa boqortooyadii Sacuudiga ku dhiiri geliyay, inay abuurto kooxo diimeed ka hortaga afkaarta shuuciyada.

Waxay Sacuudiga u fidisay Soomaali fara badan barashada aqoonta islaamka. Aradadaas, waxay badankoodii wax ku barteen jaamacadaha Sacuudiga ee kala ah, Al-imam, Qura iyo tan Madina. Dad badan waxay aaminsan yihiin in halkaas ay Soomaalida ka soo gashay afkaarta Wahaabiga oo aan hore wax saamayn ah ku lahayn dalka.

Wadaaddihii wax ku soo bartay Sacuudiga waxay dagaal afka ah ku qaadeen dowladdii Siyaad Barre, ayaga oo dadka ku dhiiro geliyey inay ka horyimaadaan nidaamka, una tusaye inay tahay mid aan ku dhaqmaynin diinta.

Balse dowladdii kacaanka goor dambe ayay ku baraarugtay saamaynta ay leeyihiin wadaaddaha wax ku soo bartay Sacuudiga. Waxay Muqdisho ka furtay kulliyada daraasaadka islaamka dabayaaqadii 80yadii.

Kadib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe, dalkana uu galay dagaal sokeeye, waxaa abuurmay kooxo diimeedyo hubeysan lehna afkaar siyaasi ah, sida ururkii al-itixaad. Ururkaas wuxuu dagaal la galay hogaamiye kooxeed-yadii xilligaas jiray. Dagaaladaas waxay ka kala dhaceen gobolada Bari, Nugaal, Jubada hoose, Shabeelada hoose iyo Gedo.

Waxaa halkaas ku yaraaday kalsoonidii iyo tixgelintii ay ku lahaayeen culamada-u-diinka, bulshada dhexdeeda. Kadibna, waxaa burburay ururkii al-itixaad.  Durbadii waxaa soo ifbaxay koox la baxday al-ictisam, oo aan hubaysnayn.

Sanadii 2000, dib u heshiisiinta Carta waxaa barlamaankii ku soo galay koox culumo ah, oo uu ugu magaca waynaa Sheekh Cumar Faaruuq. Kaasoo markii dambe iska casilay xubinamadii baarlamaanka, sababo aan cadayn awgeed.

Halkaas waxaa dib u soo noolaaday hankii culama-u-diinka ka la haayeen hogaanka dalka. Waxaa January 31, 2009 madaxweyne loo doortay Shariif Sheekh Axmed, isagoo xilka haye ilaa August 20, 2012.

Culama-u-diinka dhammaantood ma aysan soo dhaween, ku milanka siyaasada Soomaaliya, balse waxaa jiray qaar badan oo u arkaye inay xaaraan tahay arrinkaas. Kuwaaso jeedin jiray qudbado lagu dhalayceenayo falkaas.

Arrinkaas kuma koobneyn gudaha Soomaaliya, balse waxay kaloo ka jirteen wadamada galbeedka ay Soomaalida badan u soo qaxeen. Qaarkood waxay ummadda u tusayeen inay xaaraan tahay ka qayb qaadashada Siyaasada bulshada ay la nool yihiin.

Waxaa isweydiin muddan maxaa sabab u ahaa in culama-u-diin faro badan ay uga hor imaan jireen ka mid noqoshada siyaasada gudaha Soomaaliya iyo wadamada loo qaxay, gaar ahaan galbeedka? Maxaase maanta isbedalay?

Waxaan ku soo koobi karaa labo arrimood: Tan hore, oo ah in culamadii ka soo baxday jaamacadaha Sacuudiga ay xambaarsanaayeen afkaaro aan la jaan qaadi karin wacyigii gudaha dalka ka jiray.

Tan labaad, oo aheed culamada wax ku soo bartay Sacuudiga in badan aysan soo qaadan waxbarashada maadiga ah ee tooska ah (formal education), balse waxbarashadoodu ay ku ekeed qaabka xerowga (informal education), oo sabool ka ah aqoonta guud.

Waxaa kaloo xusid mudan, in culama-u-diin faro badan saamayn ku yeelatay aafada qabyaalada, arrinkuna noqotay “fiqi tolkiis kama jano tago.”

Waxaa maanta aragnaa in Soomaali badan, ku guulaysteen kuraas badan wadamada galbeedka, ayna xilal muhiim ah ka hayaan. Waxaana ugu caansan wasiirka socdaalka iyo jinsiyadaha dalka Canada Axmed Xuseen, iyo Ilhan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada Maraykanka.

Waxaa guulahaan qayb ka ahaa kadib markii laga gudbay mafhuunkii koobnaa ee diinta iyo in baahida degaanadda cusub ay keentay in Soomaalidu ka qayb qaadato hanaanka siysaadaha bulshada ay la nool yihiin.

Waxaa kaloo siyaasada guddaha Soomaaliya ka muuqda culama-u-diin faro badan oo qayb libaax ka qaadanaysa sidii loo heli lahaa dowlad shaqaynaysa. Kuwaas waxay difaacayaan dowladnimada Soomaali iyo ummadda wadajirkeeda.

Khudbadii sheekh Maxamed Ibrahim Kenyawi uu dhawaanta ka jeediyey Stadium Koonis, January 18, 2019, waxay muujinaysaa in ay soo noqonayso kalsoonidii dadweynaha ku qabeen culama-u-diinka. Wacdigaas oo ay ka soo qayb galeen kumanaan dadweynaha ku nool Xamar.

Waxaan kaloo la soconaa in Culama-u-diinka Soomaaliya ka hor imaadeen Mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo,  ayna dhanka kale barbar istaag u muujiyeen go’aanka dowladda ee lagu erye ergaygii Qarimada Midoobay Nicholas Haysom.

December 17, 2018 waxaa caasimada Jabuuti lagu soo gabagabayay shir talo wadaag Soamaalida Geeska Africa loo qabtay. Shirkaas waxaa la soo hadal qaaday in la dhiso guddi isku soo dhaweeya dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland, si loo ambo-qaado wadahadaladii istaagay.

Waxaana lagu taliye in guddigaas madax looga dhigo Sheekh Mustafa Xaaji Ismaciil. Tanina waa calaamad kale oo muujinaysa inay soo noqonayso kalsoonidii dadweynaha ay ku qabeen wadaada!

Dhismaha golaha culamada Soomaaliya, oo ay qayb ka yihiin wadaaddo kala aragti duwan, balse ku midaysan ilaalinta danaha ummaddu leedahay waa guul weyn oo ay gaareen culama-u-diinka Soomaaliya, toosoo horseedi karta in Soomaalidu hesho degenaansho iyo horumar bulsho.

Saciid Cabdisalaam

F.G.: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com