Shidaalka Soomaaliya

February 7da, 2019 Wasaaradda Macdanta oo uu wehliyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa magaaladda London ku soo bandhigi doono macluumaadkii ugu dambeyay ee sahminta (seismic data 2014-2016) soosarista khayraadka Soomaaliya.

Sidoo kale, hay’adaha IFMta, Bankiga Addunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika ayaa iyagana soo bandhigi doono qorshahooda maalgelinta mashaariicda soosarka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya.

Tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa si xoog leh looga helayay gaaska dabiiciga ah, dalalka Mozambique iyo Tanzania. Waxaa sahanka Spectrum laga filayaa inuu shaaca ka qaado “uduga saliida” oo horeyba uga maqnaa Bariga Afrika.

Haddii war kaas uu dhab noqdo, waxaa la filayaa in shidaalka Soomaaliya uu seddax jeer ka badanaan doono midka Nigeria. Bandhiga Lodon wuxuu ku aadan yahay waqti dunida ay ka walaacsan tahay ficilada dowladda Iran oo ah soo saaraha 2aad ee saliida OPEC.

In mudda ah, horumarka Soomaaliya waxaa dabrayay amniga iyo khatarta cimilada ka sokow, musuq-maasuq, cadaalad daciif ah, shaqo la’aan baahsan, kabayaal sabool ah iyo maqnaashaha siyaasadda lacagta.

Iskaashiga Geeska Afrika oo ay wehliyaan xaaladda amniga iyo xasiloonida siyaasadda, ayay u muuqata in wadanka ay u abuureen fursado maalgelin. Tan iyo 1991kii, shirkadaha reer galbeedka (western companies) ee qandaraas ku qaba sahminta shidaalka dhulka Soomaaliya ayaa ka maqnaa dalka.

1980yadii, ayaa dawladii Siyaad Barre ay markii ugu horeyay bixisay ruqsad sahminta khayraadka Badda Hindiya (Xaqiiq Aan La Dafiri Karin). Waxaa la tuhunsan yahay in taas ay dhalisay ismaandhaaf dhex maray Soomaaliya iyo shirkadihii hore u heestay ruqsada dhulka.

Golaha Wasiiradda DFS

Si kasta ha ahaate, Dowladda Soomaaliya waxay muujisay in ay tahay mid ilaalin karto xuquuqda shirkadaha loo igmaday soo saarista, waxaase walwal ka taagan yahay in shirkadaha ay ku dul fariistaan hantida qaranka ayaga oo ku marmarsiinyooday “force majeure.”

Dhinca kale, shirkadaha iyagana waxay walwal ka qabaan qaabka sharciga iyo xeerarka dalka, gaar ahaan shuruucda shidaalka iyo tan canshuuraha. Waxaase walwal dheeraad ah ka taagan yahay xuquuqda barista ee ay hore u bixiyeen qabqablayaashi dagaalada iyo madax goboleedyada dalka.

Fursada London waa mid muddo dheer la sugaysay, waxayna ku soo beegantay xilli dhaqaalaha Soomaaliya uu u muuqdo inuu si lixaad leh u kordhayo. IMFta ayaa saadaalisay in sicir bararku uu hoos uga dhici doono kii sanadkii 2016ka. Sidoo kale waxay akiday in GDP 2018kii uu ka kor mari doono boqolkii 3.1 kaas oo ahaa 2017kii boqolkii 2.3 keliya.

Waxaa la hadal hayaa in shirkado reer-galbeed ah iyo kuwo Shiinees ahba ay xiisaynayaan fursadaha saliid dalka. Haddii lagu heshiiyo wax-soo-saarka, waxaa la filayaa in la bixin doono, mustaqbalka dhow, ruqsooninka 50 xirmood oo ku yaal inta u dhexeysa Hobyo iyo xuduuda Kenya.

Ilo xog’ogaal ah ayaa sheegaya in qodista shidaalka badweynta uu bilaaban karo lix sano gudahood, halka kan dhulka uu qaadan doono ilaa toban sanadood.

Soomaaliya waxay ka maqnayd xeendaabka dowladnimadda muddo dheer, xilligaas oo horumar laga gaaray tabta iyo aqoonta shidaal soo saarita, ayada oo teknologiyaddu ay fududeysay howlo badan.

Waxaan shaki ku jirin, in Soomaaliya ay caqabad kala kulmi doonto aasaaska howsha, gaar ahaan shaqaale xirfad leh, kaabayaal casri ah iyo helitaanka maalgelin.

Waxaa cajiib ah, in shirku ku soo aaday xilli dowladda Qatar ay dammaanad qaaday maalgelinta dekadda Hobyo. Sidoo kalena, waxaa la filayo in dowladda Maraykanka ay hirgelin doonto jid halbowle ah (highway) oo isku xiri doono Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya (Foreign Policy – 01/26/2018).

Si kastaba ha ahaate, khayraad dabiiciga ah ma damaanad qaado shaqo baahsan, ee waxuu kordhiyaa daqliga dalka. Kaas ayaa qaali ka dhiga qiimaha lacagta, mushaarada muruq-maalka iyo maciishadda.

Dhacdadaas oo loo yaqaan “Dutch disease,” waxay caqabad ku noqotaa kobaca dhaqaalaha. Ayadoo tacabka gudaha uu gabayo ku tartanka sayladaha adduunka. Taas oo badanaa keenta shaqo la’aan baahsan sida haysata dalalka Angola, Nigeria, iwm.

Khayraadku wuxuu wax ku ool yahay, haddii aan “la kirayn,” lana raaco habka “Norwegian model,” si layskaga ilaaliyo hogga (bohosha) ay ku dheceen dalal badan. Isla markaas la maalgeliyo hormarka bushada (tacliin iyo caafimaad tayo leh), lana casriyeyo teknoloojiyad.

Dhinaca kalena, la dhiiri-geliyo hal-abuurka, la how-geliyo hindisaha warshadeenta, lana unko dhaqaale isku-dhaf ah. Istratiijiyadaas, waxaa ku guulaystay dalalka Botswana, Malaysia, Norway iwm.

Haddiise intaas laga il-duufo, oo si daah-furan aan loo maarayn hantida, waxaa dhasha musuq-maasuq iyo sinaan-la’aan bulsho.

Khayraadka oo aan laga helin saami munaasab ah iyo canshuuraha oo la khiyaamo waxay sababaan saboolnimo, cadaallo darro iyo colaad aan xal lahayn. Qumayo Maddow ayaa ku habsata dalka sidaas u dhaqma, sida J.D. Koongo, South-Sudan, Venezuela iwm.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Advertisements

3 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s