Cafiif: Boqorka Caawi Yaha

1456

Sanadba sanadka ka dambeya waxaa soo caan baxaya cayaaryahan kor u qaada magaca Soomaalida. Sanadkaan 2019ka, waxaa ciyaaraha Aasiya ku soo ifbaxay Akram Xasan Cafiif oo noqday ciyaaryahan xirfad badan, korna u qaaday ciyaartoyda kubada cagta ee Soomaaliyeed.

Akram wuxuu u soo saftay Xulka Qaranka Qadar, oo ka wada badiyay dalalkii kaga hor yimid horyaalka Aasiya. Weliba, wuxuu dhaliyay goolkii xaqiijiyay guusha Qadar, qalbigana ka jibiyay Japan.

Tan iyo 2008kii, Qadar oo adeegsaneysa “Aspire Academy,” waxay maalgelisay sidii ay dunida uga heli lahayd ciyartoy da’yar oo ay u barbaariso Kooxdeeda Qaran.

Akram wuxuu ku dhashay Dooxa, aabihii Xasan Cafiif Yaxya wuxuu ahaa cayaaryahan weyn oo laf-dhabar u ah ciyaaraha Soomaaliya. Xasan Cafiif wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii ku soo caan baxday 70yadii cayaaraha Gobollada.

Sanadka 1973dii, Kooxda Jubadda Hoose (Kismaayo) ayaa si isdaba joog ah u qaadatay koobkii Ardayda iyo Gobolladaba. Halkaas, ayaa kooxda Horseed ka qoratay Xasan Cafiif, wuxuuna ku biiray xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Akram iyo Xasan Cafiif

“Akram wuxuu muujiyay ciyaar runtii loo khashuucay. Waxaa arrintaas u sahlay isagoo marka hore ku soo dhex barbaaray qoys isboorti ah,” ayuu yiri Dr. Cali Cusman – Guddoomiyaha Isboortiga ee Atlanta -USA.

Sanadkii 2004, Akram asagoo 9 jira ah ayuu ku biiray Al-Markhia – Dooxa. Durba wuxuu soo jiitay shacbiyad xoog leh, kadib markii uu wacdaro ka dhigay garoonka, muujiyayna inuu leeyahay awood xad dhaaf ah oo uu ku xakamayn karo kubadda.

Sanad kadib, wuxuu u wareegay kooxda Al Sadd wuxuuna la joogay ilaa uu ka gaaro 13 sano. Kadib, waxaa xulatay Aspire Academy (2009), oo u wareejisay Spain si uu u helo tababar dheeri ah.

Sannadkii 2012, wuxuu fursad u helay inuu tababar la qaato ciyaartooda dhallinyarada ah ee Svilla. Wuxuu noqday cayaaryahankii ugu horeyay ee Qadar oo u ciyaaro Villarreal – Spain.

Sanadkii 2015ka, Akram Cafiif oo 19 jir ah wuxuu ku biiray kooxda Belgian Uybne, wuxuuna noqday xidiga gool dhaliska.

Bishii May ee 2016ka, wuxuu dib ugu soo laabtay Spain asagoo si rasmi ah ugu biiray kooxda Villarreal, wuxuuna noqday cayaaryahankii Qadar ee ugu horreeyay ee ka cayaara horyaalka La Liga.

Dini oo Xasan Cafiif ay ka wada tirsanaan jireen Kooxda Dekedda (Kismaayo) iyo xulka gobolkaba, ayaa xaqiijinaya in Akram uu wax weyn dheer yahay aabihii. Wuxuu intaas raaciyay in “wiilku uu ku xukumayo kubadda bidix iyo midigba oo ah hibada u sahasha inuu wacdaro ka dhigo garoonadda ciyaaraha.”

Kooxda Qadar waxay kaga guuleysatay Imaaraadka, oo marti gelisay ciyaaraha Aasiya, 4 iyo eber. Taas ayaa keentay in taageerayaashii kooxda Imaaraadka ka carodaan kuna tuuraan, ciyaartoydii martida ku ahayd dalkooda, kabahoodii.

Akram oo ku koray kubadda cagta Spain ayaa shaaca ka qaaday inuu cayaaryahankii weynaa ee Barcelone “Captain Xavi Hernandez,” uu aad uga faa’iideystay, taas oo kordhisay xirfadiisa ciyaarta kubadda cagta.

Akram wuxuu salaxay (dhiibay) ilaa kow iyo toban kubadood oo muhiim ah, weliba labadii kooxdiisa ay ku gaartay hadafkeeda horyaalka Aasiya. Halkaas, ayayna ka raacday naaneysta ah Boqorka Caawi Yaha Ciyaarta.

Guusha Qadar ee Koobka Aasiya, waxay sii kordhinaysa fursada Akram Cafiif uu kula tartamayo ciyaartoyda caalamka. Maya Yoshida, tababaraha kooxda kubadda cagta Japan oo ka hadlayay ciyaarta ayaa yiri “waa niyad jab weyn, waase inaan wax ka baranaa guul-darada.”

Akram wuxuu u sheegay warbaahinta in uu ku rajo wayn yahay in Xulka Qadar uu qaadi doono Koobka Caalamka ee 2022ka. Waxaan shaki ku jirin, in Qadar oo horyaalka caalamka kaga jiri jirtay 96, inay gaari doono meel caalamku uu afka qabsado.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com