Bakhtinta Kalluumeysiga Shiinaha

761

Dood isku dhafan ayaa ka dhalatay ruqsad bixintii kalluumeysiga Soomaaliya ee December 2018kii. Inkastoo aan la ogayn inta shirkadood ee u tartantay, haddana waxaa muuqda caro aan ku ekeen Soomaalida.

Twitterka waxaa lagu faafiyey in “Exim Bank” uu deyminayo Soomaaliya lacag dhan 200 malyan doolar, oo lagu dhisi doono dekedda Muqdisho. Bankiga Shiinaha waxaa lagu abaal marinayaa in loo xiro kalluumeysiga badda. Weliba, waxaa sami laga siin doono dekedda, xitaa marka la wada bixiyo deynta.

Sidoo kale, wargaysyada RFI iyo Breitbart oo xagjir ah ayaa shaaciyay in 27 maraakiib ay mar horeba sii fadhiyeen badda fog. Weliba, in dowladda ay ku bixisay ruqsadaha raqiis, awoodna aysan u lahayn inay hubiso in Shiinaha uu ixtiraamo xuduudahaas.

Kolka hore, Shiinahu wuxuu leeyahay 116 shirkadood oo ku hawlan kalluumeysiga. Kuwaas oo leh ilaa 2000 maraakiib, oo ka kalluumeysta baddaha fog-fog (Exclusive Economic Zone) ee 37 dal.

Dhinaca kale, Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, oo ku fadhida masaafad dhan 3,330 km (2,000 miles). Kalluumeysiga sanadlaha ah ee dalka waxaa lagu qiyaasay inta u dhexeyso 120.000 ilaa 200.000 metric tons (FAO Somalia; Hassan 2011), walow ay ka mid tahay dhullalka ugu qansisan kalluunka caalamka.

Soomaaliya waxaa bakhtin ku haya maraakiib shisheeye oo si bilaash ah u xaalufinaya khayraadkeeda. Dalku wuxuu caan ku yahay kalluunka xilliyada (tuunaha) oo aad u bato. Warbixin laga soo xigtay QM ayaa ku qiyaastay khayraadka lagala baxsado sanadkii Soomaaliya inuu dhan yahay 300 malyan oo doolar (Time Magazine – 04/18/2009).

Tan iyo 1981kii, waxaa xeebaha iyo badda fogba daaqayay maraakiibta dalal ay ka mid yihiin: “South Korea, Japan, Spain, India, Iran, Pakistan and Yemen” oo aan ruqsad u la’hayn, ayaga oo sita calanno dalal kala duwan sida “Belize, Bahrain, Honduras” (Time Magazine 04/18/2009).

Xad gudubyada kuma eka shisheeyaha oo keliya, ee waxaa sidoo kale gacan ka geystay rugsad bixinta sharci darrada ah ee maamul-gobolleedyada, oo ay ka mid tahay Puntland. Taas oo la sheegayo inay ka qaadatay Shiinaha lacag dhan 10 malyan oo doolar, (FP – 09/04/2017).

Intaas waxaa dheer, in maraakiibta shisheeyaha ay badda ku daadiyaan qashin iyo sunta nukliyeerka. Ilo xog’ogaal ah ayaa sheegaya in qashinkaas oo lagu bixin lahaa 250 doolar tonkii, haddii ay raaci lahayeen qaanuunka Yurub, ayay ugu kacay 2 doolar iyo bar oo keliya.

War laga soo xigtay hay’adda samafalka “Greenpeace,” ayaa sheegay in shirkado Talyaani ah iyo kuwo Swiis ay ka dilaalaan qashinka. 2005tii hay’adda UNDP ee QM, waxay ku warbixisay in tuulooyinka kalluumeysatada xeebaha Soomaaliya uu ku dhacay cudurka neefta iyo kor cuncunka (isnidaamis) oo ay sababeen sunta iyo qashinka badda lagu qubayay.

Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in Xeebaha Soomaaliya ay yihiin biyaha ugu xadgudubka badan ee kalluumeysata sharci-darrada ah. Haddaba, su’aasha loo baahan yahay in leys weydiiyo waxay tahay, Soomaaliya maanta ma heli kartaa awood ay kula tacaasho kalluumeysiga sharci darrada ah si ay u difaacdo khayraadkeeda?

Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah, ma laha awood ay ku sugaan Amniga Badweynta Hindiya (Huffpost – 11/14/2016). Intaas waxaa dheer, in saraakiil “Nato” ah oo looga ashtakooday arrimahaas, ay qireen in “kalluumeysiga sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya uusan ka mid ahayn howlgalkooda, (Japan Times 20/03/2017).”

Tan iyo 2013kii, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa hay’addaha FAO, IADC (Italian Agency for Development Cooperation), Bankiga Adduunka, iyo kuwo kale ayaa ku howlaneed qaabeynta heshiis ku saabsan kalluunka Tuunaha.

Sida warbixinta FAO ku cad, hay’adahaas ayaa bixiyey tababaradda farsamo iyo maalgelinta hindisaha si howlaha (ruqsad bixinta iyo kormeerka) ay u noqodaan kuwo daahfuran.

Warbaahinta “SONNA” ayaa shaacisay in heshiiska loogu talagalay: (1) inuu soo afjarayo marakiibta iyo doomaha sida sharci daradda ah uga kaluumeysan jiray baddaha; (2) in ruqsadda lagu kalluumeysan karo Tunaha keliya, oo ah mid guur guura; (3) in shaqo lagu abuuryo si dhaqaalaha u kobco; (4) in laga helo daqli joogta ah; iyo (5) in lagu ilaaliyo danaha kaluumeysatada dalka, kuwaas oo loo xiray xuduud dhan 24 mayl (nautical miles).

Waxaa walwal ka taagan yahay in dowladda ay ka il-duuftay xadgudubka Shiinaha uu ku sameyay Galbeedka Afrika. Walow aysan caddeyn sida loo dhaqan gelin doono, haddana sharciga Kaluumeysiga Soomaaliya wuxuu mamnuucayaa habka kalluumeysiga wax burburiya, sida xaalufinta badda hoosteeda.

Wasiirka Kalluumeysiga oo la hadlayay BBCda ayaa xaqiijiyay, (b) in maraakiibta ajnabiga ah looga yeri karo dekeddaha dalka, (t) in dalku leeyahay Markab soo kormeeri doono aagaga, (j) in shaqaale loo tababaray la saari doono maraakiibta, si ay u hubiyaan.

Hadal kama taagna, inay ku fiicnaan lahayd in kalluumeysatada dalka ka kalluumeystaan xeebaha, kadibna u iibigeeyaan dunida. Hase yeeshee, waxaa jira caqabado u gaar ah kalluumeysiga, una baahan in loo helo tas-hiilaad casri ah sida qaboojiyeyaal mug leh, makiinadaha barafka dhala, tababar xirfadeed, iyo xarumo nadiif ah oo u dhigma heerarka caalamiga ah ee ammaanka cuntada.

Tilaabadda ruqso bixinta waxay dammaanad u tahay kalluumeysiga badda fog. Taas oo u eg dhaqdhaqaaq faa’iido u yeelan karo ka hortaga kalluumaysiga sharci-darro ah. Ugu yaraan waxay fartiin u diraysaa maraakiibta shisheeyaha ee boobaya khayraadka, inta dalka ka heli doono maraakiib lagu ilaaliyo badda, teknoloojid lagu kormeero iyo sharciyad lagu ciqaabo.

Dowladda oo daqli yeelata waxay kordhinaysa fursada deyn cafinta dalka, yareyn gacan hoorsiga. Kalluumaysiga sharci darrada ah waa dhibaato caqabad ku ah dawladaha xeebaha leh oo aan awood u lahayn inay wax ka qabtaan.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Masawiradda waxaa laga soo amaahsaday interneedka