Wareysi: Cali Cusmaan iyo Isboortiga

674

Waxaan fursad u helnay inaan wareysi gaar ah la yeelano Dr. Cali Cusman Cali – Gudoomiyaha Isboortiga Atlanta (USA). Cali wuxuu safka hore kaga jira ruugcaddaga saameynta badan ku leh wax qabadkii isboortiga Soomaaliya.

Wuxuu intii u dhexeysay 1986kii ilaa 1996kii, soo qabtay jagooyinka Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir, Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga iyo Xoghayaha Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed.

Cali Cusman wuxuu 1971dii, u soo saftay Kooxdii Kubadda Koleyga ee “COLLEGIO ORFANO,” oo ku guuleysatay Horyaalkii Kubadda Koleyga. Wax yar kadibna, wuxuu ku biiray Naadigii Muqdishu (Municipio).

Intii u dhexeysay 1972kii ilaa 1977kii, wuxuu ka mid ahaa Xulka Qaranka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed. 1979kii, ayuu ka fariistay ciyaaraha asagoo ka qeyb galay ilaa 60 ciyaarood oo caalami ah.

Dr. Cali Cusmaan wuxuu ka faa’iideystay tababaro (seminar) lagu qabtay dalka gudahiisa iyo dibediisa, oo fursad u siiyay inuu layliyo Xulalka Qaranka Soomaaliyeed – rag iyo dumar, intii u dhexeysay 1983kii ilaa 1985kii.

Jamhuriyadda: Horyaalkii Aasiya waxaa ka muuqday wiil xidig ah oo Soomaaliyeed. Wacdarada uu halkaas ka dhigay ayaa u muuqday in jacaylkii isboorkiga uu dib u soo laabtay. Haddaba, ma warbixn kooban ma naga siin kartaa itijaaha kubadda cagta?

Cali Cusman – Kubadda Cagta waa ciyaarta loogu jecel yahay ciyaaraha. Waxaa lagu naaneysaa ciyaartoydeeda boqoradda isboortiga noocyadiisa kala duwan. Marka aan yare jaleecno taarikhda Kubadda Cagta ee Soomaaliya, waxay soo martay taarikho ruuntii in lagu farxo mudan. Maantase waxaa farxad gaar ah leh in la helay dhalinyaro aqoonyahano ah oo hor boodaya maamulka Isboortiga, gaar ahaan Kubadda Cagta.

Isboortiga adeegsigiisa waxuu noqday mid u baahan aqoon iyo in lala socdo isbedel kasto oo ku soo kororo, haddi ay noqon laheyd farsamo amase maamulba. Waxa kaloo door muhim ah ka qaato aaladaha akhbaaraadta laga daawado (Mass Media), kuwaas oo aad u sahlay wadiiqooyinka aqoonta laga kororsan karo.

Jamhuriyadda: Akram Cafiif sideebu ku gaaray heerkaan cajaa’ibka leh. Mise jiraan dhalinyaro la mid ah oo dunida ka cayaara kubadda cagta?

Cali Cusman – Waxaad iga ogolaataan in aan marka hore anigoo ku hadlaayo magaca Bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed, halkaan uga hambalyeeyo Kooxda Qaranka Kubadda Cagta ee Qadar, gaar ahaan wiilkeyna Akram Cafiif.

Akram wuxuu halkaas ka muujiyey ciyaar runtii loo khashuucay. Waxaa arrinta u sahlay, isagoo marka hore qoys isboorti ku soo dhex barbaaray oo uu Aaabihii Xasan Cafiif yahay halyey u soo halgamay Kubadda Cagta Soomaaliyeed. Xasan Cafiif wuxuu ka mid ahaa Xulkii Qaranka Soomaaliyeed.

Barbaarintaas, ayaa Akram u sahashay inuu u jajabnaado xirfadda kubadda cagta, gaar ahaanna inuu gaaro meesha uu maanta taagan yahay. Waxaa u rajeyneynaa in uu halkaa ka sii wado dadaalka.

Sidoo kale, waxaa jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyagana ku wanagsan Kubadda Cagta oo ku kala nool dalalka Yurub qaarkood, waxaana ka mid ah Ayuub Da’uud, Cabdisalam Cadaaye, iyo kuwo kale oo badan. Dhamaantood mustaqbal fiican ayay ku leeyihiin Ciyaarta Kubadda Cagta.

Jamhuriyadda: Soomaaliya weligeed ma ku guulaysatay horyaal caalami ah amase mid goboleedba?

Cali Cusman – Sanadku markuu ahaa 1982kii, Soomaliya waxay ku guuleysatay Biladda Dahabka ah ee tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Kubadda Cagta. Taas waxay ka mid tahay taariikhaha aan duugoobeynin ee dalka.

Waxaase in la amaano muddan dadaalka ay muujiyeen dhalinyaradii kaalinta labaad ka galay tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee la qabtay sanadkii tagay 2017kii. Dhalinyaradaas waxay taariikhda ka galeen bog aan weligii duugoobi doonin. Waayo waxay guul soo hooyeen ayagoo ku dhex nool xaaladaha maanta Soomaaliya ka jira.

Dhinaca kale, waxaa guulahaasi amaanteeda qayb weyn ku leh tababarayaasha aqoonta durugsan u leh kubadda cagta. Tababarayaashaas oo leyliyey kooxahaasi oo uu ka mid yahay Maxamed Cabdulle Farayare, waxaan u rajeyneynaa in ay guushaasi halkeeda ka wadaan.

Jamhuriyadda: Mustaqbalka maxaa laga filayaa isboortiga Soomaaliya?

Cali Cusman – Isboortiga Soomaaliya wuxuu u baahan yahay in la hormariyo. Sidoo kale horumarka isboortiga iyo kan dalka waa isku xiran yihiin, oo haddii xaaladda nabadda ay wanagsanaato, ka qeyb galka dawladda uu cad yahay, dhaqaale ku filan loo qoondeeyo, la abuuro aqoonyahano isboortiga ku takhasusay, goboladda dalka laga dhaqan geliyo tartamo isboorti, isla markaasna laga qeyb galo tartamadda caalamka, barnaamijyo isboorti laga baahiyo Raadiyayaasha iyo Telefishinadda. Intaas oo idil waa qodobada loo baahan yahay in la hirgeliyo sanadkaan 2019, si loo gaaro hadafka la tiigsanaayo.