Buggan waa sheekada dheer ee 8ad oo uu qoray Nuraddiin Faarax (Farah, Nuruddin, Secrets, New York: Arcade Publishing, 1998), waana midka uu ku gunaanaday saddexlaha (Ama saddexlayda- Blood in The Sun Trilogy) ay ka mid yihiin: Deeq iyo Maabab.
Sheekadu waxay billaabmaysaa maalma ka hor inta uusan qarxan dagaalka lagu qaadaay taliskii Maxamed Siyaad waxayna dhammaanaysaa dagaalka oo weli socda. Degaanka sheekada waa Muqdisho iyo Afgooyee balse waxay farta ku fiiqaysaa dhibaatada dalka oo idil, maadaama sheekada ay salka ku hayso murugaha bulshada Soomaaliyeed. Si kadis ah ayaa loo ogaanaayaa in Kalaman (oo ay sheekadu ku socoto) awowgiisa Nonno uu ka soo cararay Berbera halkaasoo uu xer ku ahaa.
N.F. wuxuu sida buug oo kale u daalacanayaa uurka iyo maanka dadka uu ka sheekaynaayo. Dhankaan buugga wuxuu ina xusuusinaayaa buuggiisi kale ee Maabab (Maps). Wuxuu baaris deris la ah cilmi nafsiga ku qaadaayaa dadka uu ka sheekaynaayo. N.F. wuxuu u daaddegaayaa uusta gudaha ku jirta wuxuuna soo qufayaa waxa lama-sheegaanka ah.
Akhristihii uustaa aan ka ashashin oo ku guulaysta inuu u gegsado waxaa hubaal ah inuu u daaddegayo faaqidaad sare ee la xiriirta masiibada Soomaalida ku habsatay. N.F. oo ah waddani Somaali dhab ah, qolo, reer iyo kooxba ka fog, wuxuu si dhiirri leh u wajahaayaa inuu caddeeyo dhibaatada dhacday isagoo dhan waliba ka eegaaya.
Waxuu akhristaha la yaabi doonaa magacyada dadka ay sheekadu ku socoto: Kalaman, Nonno, Sholoongo, Yaaqut, Damac, Miftaax, Fidow, Talaado, Arbaco, Yarow iwm. Malahaa Soomaalidu waxay daalacataa magacyada iyo dhawaqa hadalka si ay ugu tallaabsato qolada, sida uu ku sarbeebay buugga. Hase ahatee qoraagu wuxuu fiiradaada u jeedinaayaa Soomaalida la quursado gaar ahaan dadka webiyada deggan oo uu buuggan u adeegsanaayo inuu muujiyo qota gaabida quursiga. N.F. aqoontiisa Soomaalida dhan kastaba waa mid aad u qoto dheer.
Ruux waliba oo sheekada ku jira wuxuu xambaarsan yahay culays waayihiisa hore oo N.F. si aan cabsi lehayn u faagayo isagoo ka soo qufaya xumo iyo sama intaba. Waallida iyo xumaha cidina ka ma fakanayso. Tolow N.F. ma wuxuu ina tusaayaa in waallida wadarta ay tahay waallida keliga oo is biirsatay? Haddii aan loo gudbin taas sideeba loo garanayaa waallida qaranka saamaysa? Tolow maxaa qaldan? Waa su’aasha uu qoraagu si dhiirri leh mar waliba uu isweydinayo! Jawaabteedana waxaa la heli karaa marka shaaeekada la ebyo.
Sholoongo oo uu Kalaman berigii uu yaraa jantay fal carrureedna isla mareen ayaa ka sooo noqonaysa dalka Maraykanka waxayna doonaysaa inay carruur u qaaddo. Sholoongo waxay furka ka qaadaysaa daad cabburnaa oo qaadayo Kalaman iyo qoyskiisa. Waxaa billaabmaayo inay kala furfurtaan wixii horey is haystay. Kalaman wuxuu gaaraayaa inuu garan waayo aabbaha dhalay. Haddii Yaaqut uusan ahayn aabbihiisa, marka Nonno oo uu cid kasta ka jeclaa ma ha awoowgiisa miyaa? Maxaase dhacaya, maxaase isbeddelaya hadduusan ahayn? Haddaba yaa dhalay Kalaman?
Si kastaba buuggan waa curin heer sare ah muujinaysa awoodda curin ee N.F. oo gaamurtay. Wuxuu dhinacya badan kaa tusaayaa dhaqanka Soomaaliyeed, caadooyinka, misna dhirta iyo dugaagta. Tolow! aqoonta N.F. ee dalkiisa iyo dadkiisa qota dheeraa!
Axmed Qaasim Cali