Ku Qabso Kuma Qadeyside

2803

Dood hor leh ayaa kusoo korortay masraxa siyaasadda dibedda Soomaaliya ka dib markii February 16kii, 2019 dowladda Kenya ay soo saartay bayaan xanaf leh, soo cayrisayna danjire Moxamuud Axmed Nuur – Tarzan, isla markaasna u yeeratay danjiraheedii – Lucas Tumbo.

Walaac iyo walbahaar ka dhashay sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa malaha khalkhaliyay Uhuru Kenyatta. Taas waxay muujineysaa rajo xumida muduca dacwada badda ee Kenya. Waxaase war ka taagan yahay damaca “ku qabso kuma qadeyside,” iyo dandaansiga ma u meel mari doonaan!

Is mandhaafka Kenya iyo Soomaaliya, marka hore waxaa sababay Kenya oo damacday inay Dowladdii Ku-Meel-Gaarka ahayd ka saa’idcalayso. Kadibna, ku andacoontay in xuduudeedu ay xagal-jiifto, lana xiriirto khadka (jiidinta) loo yaqaan “latitude.”

Soohdin durugsashada, waxay dalka Kenya siinaysaa dhul bad-jiif ah oo lagu qiyaasay inuu dhan yahay 100,000 kiilomiter oo isku wareeg ah. Tabtaas, ayaa u saamaxday inay bixiso ruqsado lagu baarayo 8 (sideed) xirmooyin, oo ku wada yaal aaga Badweynta Hindiya ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

War laga soo xigtay “The East African Energy Forum” ayaa sheegay in Kenya ay aaga Soomaalida si sharci darro ah uga iibisay shirkaddaha shidaalka baara oo ay ka mid tahay Eni Energy oo Talyaani ah, lana siiyay waaxyada L-21 ilaa L24, (The East African – 18/08/2012).

Gaboodfalkaas, wuxuu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uga jawaabay August 28kii, 2014 inuu Kenya horgeyo Maxkamada Cadaaladda Caalamiga – ICJ. Soomaaliya xuduudeeda badda waxay si toos ah ula socotaa teeda dulka (xeebta), taas oo waafaqsan qaanuunka xuduudaha baddaha caalamka. 

Tan xigta, Kenya marka ay ku guuldareysatay, Febraayo 2dii, 2017 Maxkamadda Caddaalada Caalamiga (ICJ), ayay la timid lugooyo hore leh. Wasiirka Difaaca Kenya – Raychelle Omamo ayaa shaacisay in Soomaaliya iyo Tansaaniya ay ka mid yihiin dalalka ogolaaday Heshiiska Amniga Badweynta Hindiya (Indian Ocean Security Deal) oo ay wada saxiixdeen Kenya, Madagascar, Seychells, Djibouti iyo France (Business Daily – 28/11/2018).

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya – Axmed Ciise Cawad, ayaa beeniyay in Soomaaliya ay ogolaatay Heshiiska Amniga Badweynta Hindiya (Allafricanews – 29/11/2018). Inkastoo taasi dhalisay weji gabax, haddana Soomaaliya waxay kaga badbaaday in baddeeda ay maamusho “Kenya Coast Guard.”

Waxaan qarsoonayn in ciidamada Kenya (AMISOM) ay ku howlan yihiin dhoofinta dhuxusha sharci-darrada ah iyo keenista sokorta oo ka dhaxaysa ayaga, xagjirta iyo qaar ka mid ah madaxda Maamulka Jubaland, (Journalists for Justice – 16/08/2016).

Ma aha markii ugu horeysay, in Ciidamada Kenya ay burburiyaan kabayaasha isgaarsiinta Hormuud, oo ah shirkad gaar loo leeyahay. Waxaa khaati laga joogaa, inay si joogta ah ugu soo xadgudbaan xuduuda. Dhulka Soomaalidana ku laayan dadka iyo duunyada ku nool tuulooyinka (Gobolka Gedo) ee Ceelbaande, Khadiijo Xaaji, Dhamase, Dhegalaab, Dhuuntow, Samaroole iwm.

Si kastaba ha ahaate, dhismaha ciidamada cagta ka sokow, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dowladda Turkiya la galay heshiis lagu tababarayo ciidamada badda, laguna xoojinayo awoodda ilaalinta badweynta. Heshiiskaas, oo uu dhaxlay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo hore loo ma socosiin labadii sano ee hore.

Booqashadii Wasiirka Difaaca Turkiya ee Sebtember 2018ka, ayaa ku baraarujisay xukuumadda Ra’iisul-wasaare Kayre inay dardargeliso ansixinta heshiiska muhiimadda weyn u leh iskaashiga difaaca badda, waana qodob ka mid ah waxa Kenya ay ka diday.

Teeda kale, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu u soo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo ergo Soomaali-Kenyaan ah, si Axmed Madoobe loogu daayo jagaddiisa. Kenya oo door weyn ka ciyaartay carqaladeenta doorashadii 2013kii, ayaa welwel ka qabta doorashada hoggaanka Maamul-Goboleedka Jubaland ee August 2019ka.

Khilaafka aagga badda ma ahan mid cusub. Waxaa si weyn loo rumaysan yahay, in Kenya ay meelkadhaca la beegsatay xilli: (b) Sumcadda Soomaaliya dib loo dhoob-dhoobayo; (t) Dunida u riyaaqsan tahay dib u soo kabashada; (j) Dib loo raadinaayo midnimadda ummadda; (x) dalkana uusaan dagaal dan ka lahayn.

Waxaa si weyn layskugu raacsan yahay, in dhaqdhaqaaqa dowladda Kenya uu yahay istaraatiijiyad horudhac u ah in “la wada hadlo.” Waxase Soomaalida la yaaban tahay aflaggaaddada iyo cagajugleynta! Waxa loo socdo waa xuquuqda shidaalka ku jira xuduuda dhanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kenya waxaa walbahaar ku haya, in shidaalka Soomaaliya uu u keeni doono inuu buro (jabo) heshiiska ay la leedahay shirkadaha shidaalka baara. Weliba, inay suurogal tahay in Soomaaliya ay ku guuleysato kiiska badda, Kenyana lagu xukumo inay bixiso mag-dhow.

Waa waqtigii dowladda Soomaaliyeed ay kor u dhigi lahayd canshuurta Jaadka, si looga soo saaro dhaqaale lagu horumariyo adeega bushada – sida caafimaadka, tacliinta iwm, loogana hortago cudurka beerka ee Jaadka laga qaado.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso fadlan caddee inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Masawirka: Internetka laga soo amaahsaday