Waraysi: Damaca Kenya

1339

Wargeyska Jamhuriyadda wuxuu fursad u helay inuu daadihiyo dood diiradda lagu saarayo ismandhaafka Kenya iyo Soomaaliya. Qoraalka waxaa loo tifaftiray si loo caddeeyo hadalka. Dooda waxaa ka qaybgalay:

Danjire Maxamed Cali Sharman – Safiirkii Soomaaliya ee dalalka Iran, Algeria, Spain iyo Turkiya. Xilkaas ka hore, Jen. Maxamed Cali Sharmaan wuxuu Mulxaq Askari (Military Attache’) ka ahaa Midowga Sofyeeti (USSR) iyo Masar. Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii lagu asaasay Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee ka soo qalan jebiyay dugsiga layli saraakiisha Talyaniga. Danjire Sharman wuxuu shahaadada cilmiga sharciga ka soo qaatay Jaamacadda Talyaniga ee Padova iyo midda Soomaaliya. Madax iyo Bare-sare wuxuu ka noqday maxkamadda ciidamada, iyo Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maryam Cariif Qaasim – Guddoomiyihii Guddiga Dastuurka Qaranka, haddana xubin ka ah baarlamanka Federalka Soomaaliya. Siyaasadda ka hore, waxay ka mid ahayd saraakiisha Bankiga Dhexe iyo Maamulka Sare ee Warshadda Bayl.

Cabdulqadir Caddow –Aqoonyahan hore uga soo shaqeyay Agaasinka Cilmi Baarista ee Wasaaradii Beeraha. Sanadkii 2012ka wuxuu iskuduwa ka ahaa Guddiga Farsamada ee Xulka Xildhibaanadda. Wuxuu ka qalan jabiyey Jammadda Ummadda Soomaaliyeed, kana qaatay Master Degree University of Nairobi.

Wareysiga wuxuu ku bilowda sida tan:

Jamhuriyadda: Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Spectrum Geo waxay beeniyeen eedaymaha dowladda Kenya, haddana waa ku qanci la’dahay, sidee baad u aragtaa arrintaas?

Danjire Sharmaan: Werarka aflaggaadada ee ka baxsan maamuuska iyo xurmada ay aheed inay ka dhexeyso Dowaladaha, siiba kuwa derisaka, weliba sabab jideynso werarka majirto, Somaliyana xaraash kuma bixin dhul iyo bad ay leedahay Kenya. Waxaase jirah Soomaaliya inay dhulkeeda iyo Badeeda ay Kenya ruqsado siisay shirkado inay ka baaran betrol. Arrintaas sida la ogyahay Soomaaliya waxey dacwad ka furtay Maxkamadah Cadaaladda (ICJ) ee ka dhaxesa Ummadda Caalamka, waana ku guulysatay qaybteeda hore.  Kenya waxey dareemeysa inaan ku guuleysaneyn go’aanka dacwadaan ee dambe.

Xildhibaan Maryam: Kenya waxay og tahay inaysan dacwadda Badda ku guuleysan doonin oo fursaddeedu aad u yar tahay. Taasna waxaa ka shifay bayaanka xanafta ee ujeedadiisu tahay in shacabka Soomaalida iyo madaxdeeda khal khal geliso.

Cabdulqadir Caddow: Soomaalidu waxey tiraahdaa “baadi xeradaada ku raagtay xoolahaada ayeey ka mid noqotaa.” Kenya run kasta oo loo sheego ma aamineyso sababtoo ah waxey ka xanaaqsan tahay in maxkamad lagu horgeeyay bad eey isi siisay oo heshiisyo kula gashay shirkado sida ENI.

Jamhuriyadda: Ma suurowda in Kenya arrintaan ay horgeeyso Midowga Afrika?

Danjire Sharmaan: Kenya waa jaha werarty, waxaana ka suurooda wax kasta inay ku kacdo, ay ku jirto AU (Midowga Afrika), hase yeshee Maxkamaadda Cadaaladda ee ka dhaxysa Ummadda Caalamka ayey hor taala, waxey go’aamisay “Aqbalka Dacwada Soomaaliya” galideeda. Marka ilama aha iney AU so dhexgeli karto.

Xildhibaan Maryam: AU (Midowga Afrika) arrintaan Maxkamadda hor taalla oo ay khasab tahay in sharci lagu kala baxo, shaqo kuma laha. Soomaaliya waa inay ku adkeysato in la sugo go’aanka Maxkamadda oo keliya – ha guuleysto ama ha laga guuleysto.

Cabdulqadir Caddow: Soomaaliya waa in eey ku adkeeysataa in khilaafka lagu xaliyo Hague iyo Guddiga xuduudadaha badda (UNCLOS) oo raacaya sharciga badaha caalamiga raacaya.  

Jamhuriyadda: Ma dhici kartaa in xiisada isku bedesho duulaan? Maxayse ku la tahay in Midowga Afrika iyo QM la waydiiyo in Kenya laga saaro dalka?

Danjire Sharmaan: Waxaan rajeynaya arrintaani Kenya iyo anagu inayin gaarin werar dagaaleed, mana maleynayo arrinta inay gaareeso dagaal. Kolba Soomaaliya ma billabeeso, waxana doneyna deris wanaag iyo walaalnimo inay Kenya kula dhaqano.  Waan ognahay Kenya in loogu roon yahay dabaabado iyo dayaarado, hase yeeshe baaxada dhulka iyo badda Soomaaliya ma dabooli karan istaraatiijiyad iyo xeelad ahaan (strategically iyo tactically). 

Xildhibaan Maryam: Ma filayo inay Kenya Soomaaliya ku soo duuli doonto, Kenya iyo gobolkaba dan ugu ma jirto dagaal. Dowladda Soomaaliya in QM iyo AU weydiisato in ciidanda Kenya, Soomaaliya laga saaro waa ila quman tahay, ayadoo la cuskanayo inaysan markii hore rabi taanka dawladda Soomaaliya ku imaanin.

Cabdulqadir Caddow: Lagama yaabo in eey dagaal iyo dulaan isu bedesho maadaama Soomaaliya iyo shirkado Spectrum qirateen in uusan xaraash jirin ama baaritaan Shidaal oo lagu sameeyay badda qeybta dacwadda ka taagan tahay, Kenyana ay arrintaasi fadeexad ku noqotay sida ay ula dhaqantay Soomaaliya xagga diplomaasiyada. Balse Soomaaliya waxay dani ugu jirtaa in ciidamada Kenya ee ka tirsan ciidamada Amisom laga saaro wadanka oo ay codsigaas u gudbiso Midowga Africa iyo QM. 

Jamhuriyadda: Soomaaliya ma leedahay ikhtiyaar ay xuduudaheeda ku muujiso khariidadaha?

Danjire Sharmaan: Somaaliaya waa dal xur ah, awoodna u leh dhulkeeda, iyado go’aankeeda ay qaadanayaan Hay’ada Dasturiga oo ay ka mid yahin Xukuumdda iyo labada Aqal, waxeyna maabka ku muujin karta xuduudeeda dhibqan sharciga Addunweynaha

Xildhibaan Maryam: Kenya waxay soo dhaweysay qaxooti Soomaaliyeed, waana ku mahadsan tahay, waxase aan maanta isku haysano waa Hanti Qaran oo ay Soomaali wada leedahay yar iyo weyn. Weliba waa Hanti Qaran oo ay Kenya leedahay annagaa iska leh. Marka hore Maxkamaddu ha soo caddeyso cidda iska leh.

Cabdulqadir Caddow: Soomaaliya waxey u gudbisay Qarramada Midoobay iyo Maxkamadda Caalamiga sheegashadeeda xuduudka badda, xukunka meeshaas ka soo baxo ayeey noqoneysaa in labada wadan u hogaansamaan. 

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda wareysigaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda.