Farqiga Somaliland Iyo Soomaaliya Ma Maalin Iyo Habeenbaa

Warkaas oo uu soo tebiyay Hiiraan Online – 21/2/2019, waxaa Ingiriis ku qoray Micheal Rubin oo ah aqoonyahan taariikhda ku haysta Ph.D., horena macallin uga ahaa Jamacadda Yale.

Dr. Rubin wuxuu ra’yigiisa ku soo bandhigay wargeyska “The Hill – 19/02/2019,” waxaana muuqata inuusan wax aqoon ah u lahayn dhaqanka, taariikhda, diinta iyo dabeecadda dadka iyo dalka Soomaliyeed ee uu ka tallo bixinayo. Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay:

State Department iyo hay’adda gargaarka (USAID) waxey sanadkaan Soomaaliya siiyeen lacag ka badan 500 malyan doolar. Sidoo kale, lacag midaas ka badan oo dhan 1 bilyan doolar ayaa Qaramada Midoobay (QM) macaawino ahaan u siisay Soomaaliya, iyadoo rajeynaayo inay Soomaaliya ku gaarto degenaansho iyo horumar dhaqaale, laakin labaduba way ku qaldameen.

Halka ay degenaansho u keeni laheyd Soomaaliya, lacagta barnaamijka USAID, oo ah canshuur ay bixiyeen dadka Mareykanka, waxey noqoneysa mid luntay. Maxa yeelay lacagtaas qiimaha leh waxay dhiri gelineysaa in qorshaha Al-Qaceda uu dib ugu soo noolado Geeska Afrika. Qoraaga isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay:

Washington iyo United Nation waxey qateen go’aan ah inay wixii lacag ah oo ay bixinayaan, oo dhan ay mariyaan Muqdisho. Tilaabadaas oo la mid ah khaladkii barnaamijkii UN-ka oo ahaa Ciraaq (Iraq) in shidaalkeeda (Oil) looga beddesho Cunto (Food). Qorshaha lacag ku bedelashada Saliid wuxuu ahaa mid ku biloowday niyadsami, oo ulajeeddadiisa waxey aheyd in la xaqiijiyo Ciraaq in ay daqliga saliideeda u isticmaasho si waxtar u leh shacabkeeda.

Ha ahaatee sababo kale duwan darteed, waxa dhacday QM inay lacagtii oo dhan gacanta u geliso dawladda Saadaam Xussen iyo qoyskiisa. Kadibna ay lacagtii Saliidda dalka si iyaga u gaar ah ay u isticmaleen.  Arrintaas waxey noqotay, ilaa iyo maanta, ceebti musuq-maasuqii ugu weynaa ee taariikhda Qaramada Midoobay soo marta.”   

Qoraaga wuxuu sheegay in markii ugu horeysay ee uu tegay dhulka dadka Kurdistan ee Ciraaq, oo aheyd sanadkii labada kun (2000), dadka Kurdiska in ay ka cabanayeen cunaqaqabateen lagu haayay, dhinaca dawladaha caalamka (International Community) iyo dawladda Ciraaq.

Dr. Rubin, halkaas marka uu maraayay wuxuu u leexday sheeko ah in ay Ciraaq iyo Soomaaliya noqdeen dawladdo argagixiso ah.  Kadibna sidii Saddaam Xussein uu Siyad Barre dadkiisa qaybo ka mid ah uu xasuuqa (Genocide). Saddaam Xussein wuxuu laayay dadkii Kurdishka ahaa ee woqooyiga Ciraaq, Siyaad Barrane wuxuu diyaarado Mig ah ku garaacay dadka Isaaq ee Soomaliland.

1991dii Kurdishki iyo Isaaq-ba waxey ka baxeen dilkii lagu haayay, oo waxey ku dhawaaqeen madaxbanaani aan la aqoonsaneyn (De-facto) iyo dimoqraadiyad biloow ah. Sida uu sheegayo qoraaga, inkastoo Kurdishka iyo Somaliland ay bilabeen in ay sameystaan maamul ay ku maareeyaan arrimahooda, haddane cunaqabateyntii UN iyo US weli waa saaran tahay.

Halkaan, waxaa si weyn uga muuqato in aqoonta qoraagu u lee-yahay bulshadda Geeska Afrika ay yar tahay. Wuxuu u heystaa in Gobollada Woqooyi ee Ingiriiska guumeysan jiray ay dadka Isaaq ah oo keli ah ay degan yihiin.

Dr. Rubin wuxuu raaciyay qoraalkiisa in dad diblomaasiyiin ah iyo NGO-yo oo tegay dhulka Somaliland inay u sheegeen farqiga u dhexeeya Gobollada Somaliland iyo Soomaaliya inuu yahay sidii maalin iyo habeen. Sidoo kalena ay u sheegeen Soomaaliya inay ka mid tahay dalalka addunka ugu halista badan, halka Somaaliland-na ay ka mid tahay kuwa ugu nabadda badan ee Afrika.

Sida muuqata, Dr. Rubin aqoon uma laha taariikhda dhacdooyinkii dalka, marka uu ku tilmaamayo xaaladda Koofurta Habeen tan Woqooyigana Maalin, mise wuxuu u ololaynayaa aragti (agenda) maldahsan. Taariikhda in yar haddii dib loogu noqdo, Soomaalida meel kastoo Geeska Afrika ka degaan tahay waa ummad isku isir ah, isku diin ah, isku af iyo dhaqan ah. Mana lagu matali karo farqiga u dhexeya Iraq (Carab) iyo Kurdi.

1969kii kadib markii askeri uu dilay madaxweynahii dalka waxaa xukunka xoog ku qabsaday ciidamadda dalka uu hoggaaminay Jeneral Maxamed Siyaad Barre wuxuuna isla markiiba dalka ku roogayn nidaamka shuciyadda.

Siyaad wuxuu dalka xukumaayay 22 sano kadibna waxa ku kacay jabhado sida SSDF, SNM, USC, SDM iwm. Qoraagu malaha weli ma oga in nidaamkii Siyaad Barre goor hore laga soo gudbay.

Ugu dambeyntii, waxaa xilka ka riday 26kii Janaayo 1991 kacdoon dadweyne ee USC horseed u ahayd. Kadib waxaa bilowday awood ku dirir Jabhadaha dhaxdooda ah oo socaday ilaa iyo 2000kii.

Si kastaba ha ahaate, hadalka qoraaga waxa si weyn uga muuqada in uu yahay mid uu ku doonaayo in uu wax kaga beddelo fikirka siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, ama dhaqanka hayadda USAID iyo hay’addaha gargaarka ee hoos yimaad QM.

Sida ka muuqata maqaalka qoraaga wuxuu iska indhatirayaa sida ay hayadaha dawladda Mareykanka iyo QM u maamulaan macaawinadaha ay siinayaan dalalka soo koraya ee dunida, shuruudaha ku xiran iyo habka ay u hubiyaan in loo isticmaalay meelihii loogu talagay iyo in kale.

Hayadaha Mareykanka iyo kuwa QM waxey xiriir dhaqaale iyo mid siyasadeed ay la leyihiin 193 dawladood oo dunida ka jira, iyo maamulka Soomaliland ka mid tahay. Qoraaga iyo cidda uu u adeegayo waxay moog yihiin in Soomaaliya (waqooyi iyo koonfur) ay hiigsanayso inay ka baxdo gacan hoorsi.

Maxamed Xussen Amin

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com. Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Advertisements

2 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s