Kenya: Afkiibaa Juuqda Gabay

1603

Ismaandhaafka Kenya iyo Soomaaliya oo gaaray heer halis ah, ayaa keenay in Ra’iisul-wasaare Axmed Aby iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta iswaydaarsadaan aragtidooda gobolka, xilli ay ku howlanaayeen iskaashiga dhaqaalaha dalalkooda. Wadahadalkaas, ayaa ka fursan waayay in la la kaashado Madaxweyne Afwarki.

Kenya waxay u ololayneysaa in dunida ay ka dhaadhiciso in Soomaaliya ay dib ugala soo noqoto dacwadda Maxkamadda – ICJ.

Muddaca dacwadda Soomaaliya wuxuu ku salaysan yahay qodobka 15 ee heshiiska qaanuunka badda. Halka Kenya ay ku andacooneyso in aagga uu ku jiray walaayaddeeda inta uusan hirgelin heshiiska “Convention on the Law of the Sea – 1982,” (The East African – March 9, 2019).

March 5, 2019 Ra’iisul-wasaare Aby Axmed wuxuu u xaqiijiyay Soomaaliya: (1) In la xoojinayo nabadda iyo amniga gobolka sidii hore loogu heshiiyay; (2) In la sii wadi doono horumarinta dekeddaha; (3) In la adkeynayo qaabka xiriirka Soomaaliya iyo Kenya; iyo (4) In xiriirka maamul-goboleedka Somaliland laga wada shaqeynayo si loo hormariyo (The Star – March 06, 2019).

This image has an empty alt attribute; its file name is farmaajo-aby-1.jpg

Safarka Nairobi wuxuu dhaliyay dood aan layskaga gar qaadanayn meel ka dhaca difaaca qaranka. Inj. Cusman Xaaji oo aannu arrinkaas wax ka wareysanay ayay ula muuqataa inay ahayd “wax xun in la la kulmo Kenya, waloo aysan gaarsiisneyn masiibo.”

Aragtidaas oo dad badan ay la wadaagan, ayaa Kenya u arka inay maleegayso dabin, si kiiska looga tanaasulo. Weliba, dadka qaarkii ayay la tahay in taas ay ahayd waxa  ka dhacay Nairobi, walow aan la hayn wax sugaya.

Sideedaba, Maxkamadda Cadaaladda – ICJ waxay awood u leedahay inay soo saarto: (1) Xukun aan lahayn ikhtiyaar rafcaan [qaraar kama dambeys ah]; amase (2) Fikrado la talin ah [talo bixin] oo ku saabsan su’aalaha sharciga ah. Qaraarka dambe, macnahiisu wuxuu yahay in wada xaajood dib loogu noqon karto, waana midda Kenya ay u ololayneyso.

Si kastaba ha ahaade, shirkii saddex geesoodka Nairobi wuxuu ahaa mid dood kulul, (Daily Nation – March 7, 2019). Dr. Sabriye, oo khabiir ku ah gorgortanka ganacsiga dalalka soo koraya, ayaa aaminsan in “Farmaajo uu gaaray ujeeddadiisii, asaga oo aan waxba ogolaan.”

“Inta badan dhacdooyinka taariikhda ee ku lugta leh dagaallada nafsaaniga ah (psychological warfare), ayaa adeegsaday xeelado dareen gelin ah si cadowga loo cabsi geliyo, loogana helo waxa laga rabo,”  ayuu yiri Burhan Roble oo khabiir ku ah cilmi nafsiga.

Farmaajo-Uhuru-Aby 2

Haddii aanu dooddaha dhinac iska dhigno, danta laga lahaa Nairobi waxay ahayd: (1) In muwaadininta Soomaaliyeed ee degan Kenya laga qaado culayska xiriirka aan la hubin; iyo (2) In Kenya aflaggaadadii ka baxsanayd maamuuska iyo xurmada ka dhexeysa dowaladdaha deriska ah, ka bixiyso raali gelin.

Dood ka duwan tan Nairobi ayaa Casmara ka dhacday oo ujeeddadeedu ahayd – sidee khilaafka looga ilaalin karaa inuusan saamayn ku yeelan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Taas ayaa keentay in Kenya lagu cadaadiyo, “inay joojiso colaad oogida, sida la qumana ay kula xaajooto Soomaaliya, iyada oo aan wax u dhimayn amniga gobolka,” ayuu yiri Yusuf Gaandi oo darsa siyaasadda gobolka.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa isna yiri, “Nabadgelyada Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijin doonta ammaanka iyo hubinta amniga Itoobiya, Kenya iyo dhammaan dalalka deriska ah iyo sidoo kale sida kale “vice verso,” (Goobjoog – March 9, 2019).”

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Aby ayaa si qoto dheer u lafagureen mushkilada (New Business Ethiopia – March 6, 2019). Markii uu ogaaday in labo qodob oo muhiim u ah la xaliyay, ayuu Farmaajo bilaabay inuu si fiican u ciyaaro “Soft-ball” (kubadda buglaha).

Burhaan oo ka faalloonaya arrintaas ayaa yiri, “Waxaa lagama maarmaan ah inaad fahansan tahay sida aadan uga cabsan cadawga, isla markaasna aad u cabsi gelin karto.”

Uhuru_abiy_asmaraCasmara waxaa ka muuqday, marka la eego huga (dress code), in Madaxweyne Afawirki iyo Ra’iisul-wasaare Aby Axmed ay u soo libbisteen kulan rasmi ah (formal), weliba isku meel ka soo jeesteen. Halka Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu watay dhar caadi ah (casual dress).

Taasi waxay astaan u tahay in Kenya aysan raalli ka ahayn sida wax u dhaceen, hase yeeshee aysan ka hor imaan karin awoodda gobolka [ileen afkiibaa juuqda gabay]. Waxayse adeegsatay xeel-cusub oo lagu howl geliyay Michael Rubin, oo ka tirsan American Enterprise Institute, si uu u fidiyo dacaayad qorsheysan oo ku salaysan been abuur cad.

Danjire Donald Yamamoto oo malaha u riyaaqsan go’aanka Geeska Afrika ayaa hadal sarbeeb ah ku yihi, “Waxaan dooneynaa Mareykanka ahaan, in aan hubinno inaanan cid [dowlad] kale aysan ku yeelan kaalin xun ama talo bixin [Soomaaliya], (Goobjoog – March 9, 2019).

War iyo dhammaantii, Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyeed waa in ay is cilmiyaysan uga hortaagto weerarka dacaayadda raqiiska ah ee saameynta ku yeelan doona aayaha dalka. Indhaha dadweynaha iyo warbaahinta Soomaaliya waa in ay ka taxadaraan maqaaladda been abuurka ah ee lagu bah-dilayo dalka.

Marka la eego sida xasiloon ee xukuumadda u wajahday khilaafka, una ilaalineyeen danaha dalka, waxaa muuqada in kooxda Farmaajo iyo Khayre ay barteen dabaasha siyaasadda.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.